badhifuris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuris
-ta: (magac, dhedig, keli) ballanfuris iyo axdijebin. Dh: badhifuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifurid
-da: (magac, dhedig, keli) samaynta falka ballanjebinta iyo weydaarashada wax la isku ogaa. Badhifuridda iga daa, anba been ma sheegee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifur
(fal) ballan xidhnayd buri; wax la isku ogaa weydaaro. Weligaa ha badhifurin, balkii kuu xidhnaayoo, dhaqankaa ha baylihin.
badhifur -ka: (magac, lab, keli) ballan ka bixid; ballan jebin. Badhifur beenaale caado way u tahay. Dh: ballanfur, dhabarjebin, dabafur. Li: oofin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhifuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifurniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhifurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale badhikintaalid oo taageeris. Dh: badhikintaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifurid
-da: (magac, dhedig, keli) ka baxid ballan ama wacad cid aad wada dhigateen. Barifurid bahdayda hawga baqin. Dh: badhifurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baahitirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) axdijebin iyo ballanfuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale badhikintaalid oo taageerid. Dh: badhikintaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale badhikintaalid oo taageerid. Dh: badhikintaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhifaras
-ka: (magac, lab, keli) sagxad inta badan hagoogan oo labo taayir ama in ka badan leh oo uu faras ama in ka badani jiidaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhiiq
-a: (magac, lab, keli) dalagga midhaha ah, gaar ahaan bariiska qubka ama galka dusha kaga dahaadhan. Badhiiqa ka huf bariiska. Dh: bariiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhxis
-ta: (magac, dhedig, keli) labo shey kala duwan isku daris. Dh: badhxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifur
(fal) cid aad ballan wada lahaydeen, kaga bax. Dh: badhifur, baaji. Li: fuli.
barifur -ka: (magac, lab, keli) kaga baxidda ballan aad cid lahaydeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafris
m.l la-mid: dhafrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimris
m.l la-mid: dhimrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimris
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, si debacsan ula dhaqmid. Dh: dhimrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhfis
-ka: (magac, lab, keli) eeg wadhfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadifur
m.l la-mid: baadifad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayiris
-ta: (magac, dhedig, keli) cayilitaan iyo naaxis. Dh: baayirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badfuran
m.l la-mid: badfur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badfuran
m.l la-mid: badfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badfuran
-ka: (magac, lab, keli) eeg badfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduugis
m.dh la-mid: baduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore u dhisnaa, burburis. Dh: baduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduujis
m.l la-mid: baduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqis
m.dh la-mid: baduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiifis
-ta: (magac, dhedig, keli) uskag ka biis oo ka maydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafhuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nafhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tadhihis
m.l la-mid: tadhihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xashirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabfurid
-da: (magac, dhedig, keli) baab horey la isugu dhigay furid oo burin; fal ama sixir hore qof loogu qabtay rogid. Dh: sixirfurid
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bad furan
Bat furan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiicis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bashiicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukhuuris
-ka: (magac, lab, keli) wax ama meel bukhuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiguris
m.l Fal lagu falo ugaarta (dhiigga neefka la dilay ayaa qaansada madaxeeda iyo dabadeeda lagu taabtaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalhuuris
kalhuuris¹: m.l (daawo) Muddada u dhexeysa marka qof jeermi qaado iyo marka lagu arko astaanta ugu horreysa ee cudurka.
kalhuuris²: m.dh (-syo, m.dh) Xilliga u dhexeeya marka ukunta la dhalo ilaa inta ay ka dillaacayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalhuuris
kalhuuris¹: m.l (daaw.) Muddada u dhexeysa marka qof jeermi qaado iyo marka lagu arko astaanta ugu horreysa ee cudurka.
kalhuuris²: m.dh (-syo, m.dh) Xilliga u dhexeeya marka ukunta la dhalo ilaa inta ay ka dillaacayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalhuuris
-ka: (magac, lab, keli) muddada u dhexeysa marka qof jeermi qaado iyo marka lagu arko astaanta ugu horreysa ee cudurka.
kalhuuris -ta: (magac, dhedig, keli) xilliga u dhexeeya marka ukunta la dhalo ilaa inta ay ka dillaacayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiqaris
m.dh Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahitirid
m.f.dh eeg baahitir². la-mid: baahitir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitirid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, qof ama koox wax tebaysa oo laga bi'iyo tabashada iyo baahida wax u haysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqoobid oo liibaanid. Dh: badhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bakhticunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafuris
m.l la-mid: masaafirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafuris
-ka: (magac, lab, keli) tarxiil qof safar aanu u diyaar ahayn lagu qasbo oo xoog lagu safriyo. Masaafurisku waa xal dhib badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhikudirir
-ka: (magac, lab, keli) qof dagaal aan goobtiisa tegin oo abaabulka fadhiga kaga qayb qaata iyada oo aan hub la isu adeegsanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahibeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baahi-beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale badhikintaalid oo taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaaran
(tilmaame) eeg badhikintaalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid aan waxba ka xaaraan ahayn, waxba ka caagganayn. Bakhticunid gobi ma geydo. Dh: boolicunid. bakhticunis -ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan iyo booli cunitaan. Dh: bakhticunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiqufid
m.dh la-mid: baqtiqufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballanfurid
(Ballanfurid-da)
Ballan la dhigtay ka bixid; ballanbaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanfurid
m.f.dh eeg ballanfur². la-mid: ballanfur¹, ballabfuryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baraanburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawris
-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaburburis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhaburburin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhifarasle
-ha: (magac, lab, keli) ninka gaadhifaraska ku adeegta. Dh: gaarifarasle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhfurid
-da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh jiray goyn oo kala go'id. Dh: xidhiidhgoyn, ballanfurid.