badhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhi
badhi¹: m.l la-mid: bari¹.
badhi²: m.dh (-iyaal, m.l/dh) (botani) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tusaale: “Basal”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhi
m.dh (-iyaal, m.l/dh) (botani) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tusaale: Basal. la-mid: bari²: (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badhi
f. n. buttocks; tail of sheep
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BADHI
(Badi) N, Og Chloris roxburghiana Schult. Gramineae.
N Enteropogon barbatus C.E. Hubb. Gramineae.
N Tetrapogon villosus Desf. Gramineae.
N Adenium obesum (Forsk) Roem. & Schult. Apocynaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badhi
-da: (n) rump (ramp); buttocks (ba tek); posterior (paas tiiri yar)~ bari, dool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhi
-da: (magac, dhedig, keli) baruurta subagga badan leh ee idaha dabada kaga taalla. Dh: bari.
badhi -da: (magac, dhedig, keli) cadka buuran ee noolaha badhkii kaga yaalla gadaal ee lagu fadhiisto. Badhida ayuu fin iga soo baxayoo, ma fadhiisan karo. Dh: bari, sal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badhi
a: bari
de: buttocks; tail of sheep
lx: badhi
pd: (-da)
ps: n2-f
key: badhi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadhi
f. n. party, affair; side, direction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baadhi
-ga: (n) party (paar ti); a social gathering for pleasure ~ xaflad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadhi
de: party, affair; side, direction Alt sp: baadhdhi
lx: baadhi
pd: (-ga)
ps: n2-f
syn: xaflad {N < Eng}
key: baadhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhid
-da: (magac, dhedig, keli) kala qaybin; labo isle'eg ka dhigid. Badhid mooyaane si kale cadka uguma heshiinaynno. Dh: barid, qaybin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhni
-da: (magac, dhedig, keli) «kala ~» aan buuxin, nus ah. Dh: barni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhi
(fal) wax meel aan la la rabin u socda, gees u du'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adhi
m. n., [collective] sheep and goats; herd
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adhi
-ga: (n) [plural] goats and sheep ~ ari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adhi
-da: (magac, dhedig, keli) beer ba'day wixii ka soo hadha oo ka baxa; beertu kolka ay ba'do inta yar ee ay soo saarto. Dh: ari.
adhi -da: (magac, dhedig, keli) jeegada inteeda madaxa ka tirsan oo dhakada sare iyo qadaadka ama mergaagga u dhaxaysa. Markii budka lagu dhuftay ayuu askarigu adhida u dhacay.
adhi -ga: (magacwadareed) erey kulmiya riyaha iyo idaha oo ka sooca ishinka 'geela iyo lo'da iwm'. Adhi maganti ma bariiyo. Dh: ari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adhi
a: ari
cf: lax, orgi, ri', wan
de: sheep and goats; herd
lx: adhi
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: adhi
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badh
m.l la-mid: bar.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badh
Half
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badh
num: half
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badh
-ka: (n) half (haaf) ~ bar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badh
(fal) wax qaybtami kara labo ka kala dhig; ha dhannaysiin. Labada beerood bannaankanaa kala badha.
badh -ka: (magac, lab, keli) walax labo laga dhigay meel ahaan; wax labo u qaybtami kara, qayb ahaan. Dh: bar, in, nus, qayb. Li: dhammaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badh
de: half
lx: badh
pd: (-ka)
ps: num-m, n4-m
xe: 5:30, half past five
xv: bar {N}
key: badh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badi
(Badi-da)
Tiro aan yarayn ahaan; badnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badi
badi¹: m.dh 1. Wax tirsama intooda badan. 2. (fk) Alaaba, sida qaliibka ah, inta badan, badanaa, guud ahaan.
badi²: f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tusaale: “Shaahii sonkor buu ka badiyey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badi
badi¹: m.dh 1. Wax tirsama intooda badan. 2. (fk) Alaaba, sida qaliibka ah, inta badan, badanaa, guud ahaan.
badi²: f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tusaale: Shaahii sonkor buu ka badiyey. m.f.dh, badiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badi
f. n., (mass n.): majority, most of, multitude, mass
badi v. increase, cause to be many, make more
badi v. win, beat (another team)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badi
-yey / say: (v) increase (inkiriis) ~ siyaadi
badi: -yey say: (n) achieve a victory; win (win). Ex: yaa xalay badiyey? who won last night?
badi -da: (n) majority (ma jooriti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badi
(fal) wax tirsan ama cabbiran wax ku sii dar; intii hore ka sii biiri; kordhi oo beexaami. Innoo soo badi waraaqaha itixaanka. Dh: tarmi, biiri, beekhaami, beexaami. Li: yaree, dhin.
badi: (fal) ku guulayso tartan iyo wixii la mid ahee lagu baratamayo. Laga badiyaa ba'ay. Dh: guulayso.
badi -da: (magac, dhedig, keli) tiro ama mug aan yarayn ahaan.
badi -da: (magac, dhedig, keli) jiritaanka wax aan tiro ahaan la hubin laakiin u muuqda wax badan ama aan yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baahi
(Baahi-da)
Wax waxtar ah, ama lagamamaarmaan ah, haddana aan la haysan, tebidda la teba hayo; Wax in la helo ama la haysto la jeclaan lahaa, gaajada loo qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahi
baahi¹: m.dh 1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la'aantooda. Tusaale: “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.
baahi²: f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid in ay wax u baahato badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąahi
f.g2 (-iyay, -isay) U b.: war dad badan u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baahi
baahi:m.dh 1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la'aantooda. Tusaale: Biixi lacag buu baahi u qabaa.
bąahi: f.g2 (-iyay, -isay) U b.: war dad badan u sheegid. m.f.dh, bąahin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baahi
f. n., [collective] hunger; need; demand (for something)
baahi v. spread out, cause to expand, propagate, promulgate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baahi
-yey say: (v) broadcast; announce; spread (ispareedh); cause to become widely seen or known; scatter or disseminate. Ex: akhbaarta baahi; spread the news
baahi -da: (n) 1. hunger (hangar) ~ gaajo 2. necessity (nasesati); need (niidh) Ex: baahidu waa hooyada wax soosaarka; necessity is the mother of invention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahi
(fal) dhul badan gaadhsii oo ku ballaadhi: meel ku kala bixi. Baahi warka bulshadu ha wada maqashee. Dh: faafi, fidi, firdhi. Li: ururi, koob.
baahi: (fal) wax duubnaa kala bixi.
baahi -da: (magac, dhedig, keli) wax la'aan; hayn iyo jeeb xumo. Baryo iyo baahi badan ba waa la isku nacaa. Dh: baaha.
baahi -da: (magac, dhedig, keli) dareenka rabitaan ama doonitaan ee wax ama qof loo hayo. Baahidaan kuu qabo, babarkaad iga jirtaan, soo bildhaasadaa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baahi
احْتِيَاجِ، جُوع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhe
m.l (-dhayaal, m.l/dh) (juqraafi) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhe
m.l (-dhayaal, m.l/dh) (juqraafi) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badhe
Equator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhe
-ha: (magac, lab, keli) xarriiq aan muuqan oo maangadeedka oo cilmi ahaan lagu tusmaysto dhexidhka dhulka.
badhe -ha: (magac, lab, keli) kala qaybiyaha walax, meel ama dhul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badho
(Badha-da)
1. Neef baaqimo ah: caano yar
2. Dhex. kalabbar, bartan, bartame; wadaage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badho
m.dh 1. Neef caano yar; baaqimo; gabno. 2. Dhex, kalabar, bartame.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badho
f. n. animal with poor milk-yield
badho [feminine] n., loc. center, middle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badho
(fal) wax buuxay, mid dhiman ka dhigo.
badho -da (magac, dhedig, keli) neef ishkin ah oo caano yar. Badho bidhe ma buuxiso. Dh: gabno, hooto. Li: ayro, haldoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badni
m.dh la-mid: badnaan (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badni
m.dh eeg badnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badni
vl. n., [abstract] being multiplied, augmented ~ increased
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badni
-da: (n) the state of being a great or plentiful amount; majority (majooriti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badnaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badni
de: being multiplied, augmented ~ increased
lx: badni
pd: (-da)
ps: vn-f-abs
key: badni
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Badri
name-m early, resembling full moon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badsi
m.l la-mid: badsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badsi
-ga: (magac, lab, keli) wax badan helid ama qaadashadeed waxa dadka kale ama qof kale qayb ahaan ku helay. Dh: korodhsi, biirsi, dheeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badwi
(Badwi-ga)
Badow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badwi
m.l (badwi/-iyo, m.dh) la-mid: badow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badwi
m.l (badwi/-iyo, m.dh) la-mid: badow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badwi
m. n., [collective] crude ~ rustic person, country bumpkin; nomad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badwi
-ga: (n) wild (waayldh); rural person; uncivilised person, regarded as crude; countryman; rustic (ras tik); without arts reer miyi, jungali, badow, khashiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badwi
-ga: (magac, lab, keli) qof baadiyaha ku dhaqan. Walaalkay Toosane, waa nin badwi ah.
badwi -ga: (magac, lab, keli) qof aan aqoon iyo khibrad lahayn. Badwi abaal galaa iyo bakhayl ba tarsheegad bay kugu dilaan. Dh: badow, jaahil, jengeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badwi
a: badow
bw: Arabic
de: crude ~ rustic person, country bumpkin; nomad
lx: badwi
pd: (-ga Pl: badwi (da))
ps: n2a-m, n7-m, n5-m
key: badwi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashi
-ga: (magac, lab, keli) laanta cawda ah far ka mid ah faraheeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhi
(fal) dab yar shid. Dabka bidhi aan kulaalne. Dh: shid, daar, biri. Li: demi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhi
(Fadhi-ga)
1. (dad) salka oo dhulka lagu hayo iyadoo madaxa iyo dhabarku, toos xagga cirka ugu taagan yihiin, luguhuna ama laaban yihiin ama fidsan yihiin.
2. Dad koox ah oo arrin gaar ah inay ka taliyaan ama wax ka qabtaan loo magacaabay; meesha ay hawsha ku hayaan ama muddada ay hadba hawsha ku gudajiraan oo ka hadlayaan; shir; urur.
3. Dad badan ama xoolayow badan oo wada deggan.
4. (xoolo) boqol; tiro; wegen; kadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhi
fadhi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tusaale: “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tusaale: “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. la-mid: fadhiyid.
fadhi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Salka meel dhigid. 2. Rasmi ahaan meel u degid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadhi
fadhi¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tusaale: Fadhigeygu waa Afgooye. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. shir muhim ah. Tusaale: Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto.
fadhi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Salka meel dhigid. 2. Rasmi ahaan meel u degid. m.f.dh, fadhiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadhi
v. sit, be seated; be settled; reside; solidify
fadhi vl. n. conference, meeting; sitting; settlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadhi
fadhi: -ga: (n) the act of sitting
fadhi -yey / say: (v) to serve as the agent for; represent (rep re-sent).
kal fadhi -ga: (n) conference (koon far ensi); meeting; session
fadhi -ga: (n) sitting room; living room ~ saalooto. Ex: laba qol iyo fadhi; two rooms and a sitting room
fadhi -ga: (n) couch (kow.j); sofa (soo/a); love seat (laav sift)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fadhi
Seduta; sessione
Meeting: session
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhi
(fal) salka dhulka ku hay; ha sarajoogsan: ha kicin.
fadhi: (fal) negaw oo ha socdaalin; jog oo ha safrin.
fadhi -ga: (magac, lab, keli) salka oo dhulka lagu hayo iyada oo madaxa iyo dhabarku dusha marsan yihiin ama toos xagga cirka ugu taagan yihiin luguhuna ama laaban yihiin ama fidsan yihiin. Fadhi iyo fuud yicibeed la isla waa. Li: sarajoog
fadhi -ga: (magac, lab, keli) agabka lagu fadhiisto ee qolka nasashada.
fadhi -ga: (magac, lab, keli) ciidan badan oo meel deggan. Halkaa waxa deggan fadhi, Dh: ciidan.
fadhi -ga: (magac, lab, keli) tiro xoolaad oo boqol neef oo lo' ah gaadhaysa. Xoolaha meesi kasta boqolkiisu waa: geel - kadin, adhi - tiro, lo' - fadhi ama madax, gammaan - wegen. Dh: boqol, faji.
fadhi -ga: (magac, lab, keli) meel dad iskugu yimaadeen oo xaajo lagu hayo. Fadhi danbe ayaa loo ballamay. Dh: kulan, shir, urur.
fadhi -ga: (magac, lab, keli) dad ama xoolo faro badan oo wada deggan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Fadhi
Saldho geed adayg jirridiis ah ee cuddadda la dul saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhi
(fal) meel hadhgal oo caddeedda ka gabbo. Dh: hadhgal, hari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhi
v. empty, finish off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhi
-yey / say: (v) make empty; finish the contents of ~ mari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhi
(fal) waxba ha reebin; wada idlee. Xeedhada cuntada ka madhi. Dh: mari, dhammee, faaruqi. Li: reeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhi
a: mari {N}
de: empty, finish off
lx: madhi
pd: (madhiyey)
ps: v2a=tr
key: madhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhi
-da: (magac, dhedig, keli) khasaysiin iyo khajilaad lama filaan ah, hungow; wax la'aan. Wanaagaan dumar u gaystay miyey wadhidu iga raacday. Dh: khase.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooni
gooni¹: m.dh 1. g: ah: meel gaar ah. 2. (fk) Wax keligii ah. la-mid: goonni.
gooni²: f.mg2 (-iyay, -isay) Ka g.: wax badhiisa ka duwan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bari
bari¹: m.l Jahada ay qoraxda ka soo baxdo.
bari²: m.dh 1. Cadka baruurta ah oo ka baxa dibka idaha. la-mid: badhi. (-iyo, m.l) Salka dadku ku fariisto. 3. (-iyo, m.l) Buruq.
bari³: f.g/mg1 (-ryay, -riday; -ryi) 1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho. m.f.dh, baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gooni
gooni¹: m.dh 1. g: ah: meel gaar ah. 2. (fk) Wax keligii ah. la-mid: goonni.
gooni²: f.mg2 (-iyay, -isay) Ka g.: wax badhiisa ka duwan ahaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bulb
Badhi
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bulbil
Badhi yar
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory bulb
Badhi ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tuber
Badhi
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
breech
(n) buttocks; lower rear portion of the body.
badhi ama dabo
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
buttock
(n) either of the two rounded, fleshy parts of the rump or backside of a human.
badhi ama dabo
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
sciatica
(n) radiating pain from the buttock down the leg.
xanuun ka bilaabma badhida una dhaadhaca lugaha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
backside
/baaksaydh/backsides; (n) salka ama badhida qgofku ku fadhiisto. (dabada)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bodice
/badhis/ (n) qaybta sare ee dharka dumarka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bodily
/badhili/ (adv) jir ahaan (jirka oo dhan)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
body
/badhi/ (n) 1. jirka (gofka jirkiisa) 2. urur dad ah oo arin u xilsaaran ama wada fuliya 3. qolofta kore ee baabuurka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
body language
/badhi laanguweyj/ (n) luuqadda jirka iyo gacmaha layskala hadlo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
body odor
/badhi odor/ (n) shiirka qofka (urka jirka qofka)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bodyguard
/badhigaardh/ (n) waardiye (qof muhiim ah ilaaliya)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
somebody
/sam-badhi/ (pron) qof (qof-uun, qof aan la aqoon).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafiiq
-a: (n) friend (fareendh); companion (kom-paanyan); comrade (kom-raadh); buddy (badhi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askax
(fal) baabi'i; ku tumo; wax weyn yeel. Wixii waddadaada col ku hor joogsada, askax oo cagta mari.
askax-a: (magac, lab, keli) baabi'iska iyo burburinta wax hore iskugu yaallay.
askax-da: (magac, dhedig, keli) geed badhi dhulka ku aasan leh oo xilliroobaadka laamo dhulka jiifsada bixiya oo midho la cuno leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarsoon raadintii, si runtiisa loo gaadho ama xog badan looga ogaado. Baadhid badan ka dib, waxa la ogaaday in uu Islaamku Madiina horteed Geeska Afrika soo gaadhay. Dh: baarid, raadin, ji, fatishid, baadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) baadigoobidda wax maqan oo la tebayo.
baadhis -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah xiddigaha Soomaalidu ka awaalasheegaan. Waxay isgarab yihiin ururka iyo agaallicaanoodka. Xiddigtii baadhis caaway soo baxday.