badhaqnugli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqnugli
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaqnugayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqnuglaan
-ta: (magac, dhedig, keli) adkaysi yari iyo degganaansho la'aan. Dh: badhaqnugayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqnugayl
-ka: (magac, lab, keli) adkaysi iyo karti la'aan. Adkayso oo badhaqnugaylka iska daa. Dh: baraqnugyal, badhaqnuglaan, baraqnuglaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnugul
f.mg4 (-glaa, glayd) Qof fulay ah ama biiq ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnugul
(tilmaame) qof habnugul oo aan dhiirranayn. Nin baraqnugul oo dhan naga reeba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnuglow
f.mg3 (-laaday, -laatay) Baraqnugul noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnuglow
(fal) qof habnugul oo xishood badan ahaw. Intaad yar tahay baraqnuglow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnuglaan
m.f.dh eeg baraqnugul. la-mid: baraqnugeyl, baraqnuglaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqulle
-ha: (magac, lab, keli) ur qarmuun oo ceelasha biyahoodu yeeshaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqullo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baaqulle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka labada hareero ka xiga badhaha dhulka ilaa shan dhigrii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel kasta yaalla oo uu iibkiisu aad u riqiisay ama xoog u jabay. Badhaysiga jaadka, miyaan mijin boobay! Dh: badhayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaluul
-ka: (magac, lab, keli) qofka aan nidaamsanayn ee doqonnimo loo badinayo. Dh: marajiid.
bahaluul -ka: (magac, lab, keli) darajo sare oo Rabbi gaadhsiiyo cidda uu jecelyahay ee dhab uga cabsoota, ilaalisana wixii uu faray ee ka tagta wuxuu ka taga yidhi. Dh: saahid, suufi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) (botani) Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bashaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) (botani) Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqle
-ha: (magac, lab, keli) eeg bashaqaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhi
(fal) barwaaqo iyo liibaan gaadhsii. Badhaadhi Allahayow maatida baradu ka xumataay. Dh: baraari, barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqlay
(fal) kolba wax jilicsan, ha kaa soo dhaco. badhaqlayn -ta: (magac, dhedig, keli) kolba wax jilicsan, soo ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baranugul
m.l la-mid: baraqnugeyl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaansi
m.l la-mid: bidhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaansi
-ga: (magac, lab, keli) bidhaansasho iyo dabasocod. Dh: bildhaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqsooli
f.mg2 (-iyay, -isay) Farax la boodboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquuli
f.g2 (-iyay, -isay) Ku m.: qof mashquul ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashquuli
f.g2 (-iyay, -isay) Ku m.: qof mashquul ka dhigid. m.f.dh, mashquulin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashquuli
v. occupy someone, keep someone busy ~ engaged (with something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashquuli
-yey / say: (v) keep some one busy or engaged
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashquuli
de: occupy s.o., keep s.o. busy ~ engaged (with s.t.) (with preposition ku)
lx: mashquuli
pd: (mashquuliyey)
ps: v2a=tr
key: mashquuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bahalhiglo
(Bahalhigla-da)
Bahal yeeyda u eg, dawacadana ka yar, oo koox koox isu raaca; goollawaraabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahalhiglo
m.dh (bahalahiglo, m.l) Bahal cagaardaaq ah oo koox koox u socda oo yeyda u eg aadse uga yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahalhiglo
f. n., [compound] wild dog ~ other carnivorous animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalhiglo
-da: (magac, dhedig, keli) dugaag koox-koox isku raaca, midabkiisu na may yahay. Bahalhiglo af qudhmuuni u kala jeedsatay, kalgacalna u kala tegi weyday. Dh: goollawaraabe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahalhiglo
de: wild dog or other carnivorous animal
lx: bahalhiglo
pd: (/da)
ps: n5-f-cmp
key: bahalhiglo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqaale
-ha: (magac, lab, keli) aalasonkorku inta aanu bislaan ee biyuhu ku badan yihiin dhadhankiisa. Waxaad soo guratay bashaqaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Sharci, barnaamij iyo wixi lamida hirgelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Sharci, barnaamij iyo wixi lamida hirgelin. m.f.dh, dhaqangelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqangeli
v. realize, put into practice, put to use, make something a custom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqangeli
-yey / say: (v) carry out [for example] an order; fulfil (fulfil); also fulfill, execute (eksikiyuut); perform (peer-foorm) ~ fuli, samee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangeli
(fal) hirgali oo wax teeraanka lagu dabbaqo ka dhig. Go'aanka la qaatay dhaqangeli. Dh: hirgeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqangeli
de: realize, put into practice, put to use, make s.t. a custom
lx: dhaqangeli
pd: (dhaqangeliyey)
ps: v2a=tr
key: dhaqangeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqle
-ha: (magac, lab, keli) cidda shanqadha badhadhaq sameysa ama ka soo baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnugeyl
m.l la-mid: baraqnuglaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnugeyl
-ka: (magac, lab, keli) qof qalbi jilicsan oo fulay ah. Baraqnugeylka baashaa nagala mar. Dh: beernugayl, beerjileec, qalbinugeyl.