badhaqnugayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqnugayl
-ka: (magac, lab, keli) adkaysi iyo karti la'aan. Adkayso oo badhaqnugaylka iska daa. Dh: baraqnugyal, badhaqnuglaan, baraqnuglaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqnuglaan
-ta: (magac, dhedig, keli) adkaysi yari iyo degganaansho la'aan. Dh: badhaqnugayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqnugli
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaqnugayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnugeyl
m.l la-mid: baraqnuglaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnugeyl
-ka: (magac, lab, keli) qof qalbi jilicsan oo fulay ah. Baraqnugeylka baashaa nagala mar. Dh: beernugayl, beerjileec, qalbinugeyl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqlay
(fal) kolba wax jilicsan, ha kaa soo dhaco. badhaqlayn -ta: (magac, dhedig, keli) kolba wax jilicsan, soo ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo khajilaad keenta in qofku dadka hortiisa ku hadli karin. Dh: khajil, xishood, maag. Li: il'adki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo khajilaad aan dadka hortooda lagu hadli karin. Dh: habnugayl, ilnugayl, shirkanax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnugul
f.mg4 (-glaa, glayd) Qof fulay ah ama biiq ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnugul
(tilmaame) qof habnugul oo aan dhiirranayn. Nin baraqnugul oo dhan naga reeba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la islaha xumayn; cid kale aflegaadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballangal
ballangal¹: m.l la-mid: ballanqaad¹.
ballangal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: ballanqaad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballangal
vl. n., [compound] commitment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballangal
(fal) cid kale, axdi ama ballan la gal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballangal
de: commitment
lx: ballangal
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: ballangal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baranugul
m.l la-mid: baraqnugeyl.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birnugayl
Wixii bir jilicsan kasoo jeeda sida jaandiga, maarta, rasaasta iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangal
dhaqangal¹: m.l 1. Dh. ah: hirgelinta la hirgeliyo sharci, barnaamij iyo wixi lamida. 2. la-mid: dhaqangelid.
dhaqangal² f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Sharci, barnaamij iyo wixi lamida hirgelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqangal
dhaqangal¹: m.l Dh. ah: hirgelinta la hirgeliyo sharci, barnaamij iyo wixi lamida.
dhaqangal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Sharci, barnaamij iyo wixi lamida hirgelid. m.f.dh, dhaqangelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqangal
v., [compound] establish, put into practice, make it the custom; legalize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqangal
-ay / -dhaqangashay: (v) effect (i-fekt); be effective; take effect. Ex: sharciga cusub waxuu dhaqangalayaa berrito; the new law will be effective tomorrow
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaqangal
Effettivo
Effective
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangal
-ka: (magac, lab, keli) hirgalid oo wax teeraanka lagu dabbaqo noqosho. Dhaqanka xeerku wuxu bilaabmaa marka baarlamaanku ansixiyo ee madaxweynuhu saxeexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqangal
de: establish, put into practice, make it the custom; legalize
lx: dhaqangal
pd: (dhaqangalay)
ps: v1=cmp
key: dhaqangal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalnugayl
-ka: (n) softheartedness; tenderheartedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasnugayl
-ka: (magac, lab, keli) daal ka dhasha da'weynaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhay
(fal) barwaaqo ka dhig oo liibaan u horseed. Allahayoow dalka noo badhaadhay. Dh: badhaadhee, baraaree, barwaagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugayl
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo habnuglaada. Dh: beerjileec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan siin; barwaaqo ka dhigid. Badhaadhaynta Eebbaa hayoo kana baryaynnaaye. Dh: baraarayn, badhaadhays, baraarays, barwaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnuglow
f.mg3 (-laaday, -laatay) Baraqnugul noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnuglow
(fal) qof habnugul oo xishood badan ahaw. Intaad yar tahay baraqnuglow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhex socodka biyo ama meel dhooqo leh, ama si qaabdaran wax la raqayo. Bashaqlaynta libaaxaan hurdaydii kaga booday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnuglaan
m.f.dh eeg baraqnugul. la-mid: baraqnugeyl, baraqnuglaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo meel si ciriiri ah uga soo baxaya shanqadha uu sameeyo oo is dabajoog ah. Badhadhaqlayn badanaa ma danbar geel buu dhamay! Dh: badhbadhlayn, baqbaqlayn.