bacrimane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimane
-ha: (magac, lab, keli) unugga ka dhasha bacriminta hal xawo iyo hal ugxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaameyt
m.l (-yo, m.dh) (baayoloji) Unug taran oo dhex gala gaamayt kale, si uu u abuuro bacrimane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaameyt
m.l (-yo, m.dh) (baay.) Unug taran oo dhex gala gaamayt kale, si uu u abuuro bacrimane.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Oosperm
Saygot, Bacrimane
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Zygospore
Boodh bacrimane
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Zygote
Bacrimane, saygot
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Unug tarmineed lab, unug tarmineed dheddig dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo digo ama walax kiimika ah ku shubid. la-mid: bacrimi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Unug tarmineed lab, unug tarmineed dheddig dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo digo ama walax kiimika ah ku shubid. m.f.dh, bacrimayn. la-mid: bacrimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimee
(fal) huyuumas nafaqo leh ku shub oo tayee, Dh: nafaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimin
bacrimin¹: m.dh la-mid: bacrimayn.
bacrimin²: m.dh Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimin
m.dh Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacrimin
-ta: (n) fertilization (feerti lizeey-shin) ~ bacrin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimin
-ta: (magac, dhedig, keli) isla kulanka hal xawo iyo hal ugxan si uu u abuurmo hal unug.
bacrimin -ta: (magac, dhedig, keli) nafaqaynta dhulbeereed daalay; nafaqaynta dhul loogu talagalay in wax laga beero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimayn
m.f.dh eeg bacrimee. la-mid: bacrimays, bacrimin, bacrimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bacrin ku samayn oo meel si fiican wax uga baxaan ka dhigid. Dh: nafaqayn, bacrimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimays
m.l la-mid: bacrimayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimays
-ka: (magac, lab, keli) eeg bacrimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Daawo digo iyo wixi lamida oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Daawo digo iyo wixi lamida oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bacrimiye
Ferlilizer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimiye
-ha: (magac, lab, keli) wax kaste oo carrada lagu tayeeyo ama lagu hodameeyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lacrimare
v.intr. - ilmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacran
Dillaac aan aad u weyneyn leh; dillaacsan; qarrar leh; dhanbalan; qawraran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacran
bacran¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax dildilaac yeeshay noqosho (muraayad, laf, derbi iyo wixi lamida).
bacran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dildilaac yeeshay ahaansho (muraayad, laf, derbi iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacran
bacran¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax dildilaac yeeshay noqosho (muraayad, laf, derbi iyo wixi lamida). m.f.dh, bacramid.
bacran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dildilaac yeeshay ahaansho (muraayad, laf, derbi iyo wixi lamida). m.f.dh, bacranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacran
[adjective] cracked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacran
-aa ayd: (adj) fractured (faraak jaridh); broken (ba-rookan); cracked (karaakidh) ~ tarrar, qarrar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacran
-ka: (magac, lab, keli) qarradh yar oo fudud, dillaac aan aad weynaynayn. Lafta ninka dhaawacmay bacran bay leedahaye, sida kale wax ma qabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacran
de: cracked
lx: bacran
pd: (bacranaa)
ps: adj
key: bacran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacrin
(Bacrin-ta)
Dhul ugbaad ah oo wax kasoo bixi og yihiin; dalsan; carrasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrin
m.dh Dhul carrasan oo wax ka soo bixi ogyihiin; ugbaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrin
m.dh Dhul carrasan oo wax ka soo bixi ogyihiin; ugbaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacrin
f. n. (adj.): fertile land; fertile
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacrin
-ah: (adj) fertile (feer tal) Ex: dhul bacrin ah; a fertile land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid kabantay oo aan ugu yaraan sannad cidi beeran ama degin.
bacrin -ta: (magac, dhedig, keli) meel la beerayo huyuumas, rabshi, digo iyo wax la mid ah ku shubid oo tayayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacrin
de: fertile land; [atr.] fertile
lx: bacrin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: bacrin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
baciare
v.tr. - dhunkasho, shummin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bacranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bacrimee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bacrimee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacrimi
v. fertilize; make something fertile ~ fruitful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacrimi
yey say: (v) fertilize (feerta laayz); make [soil, for example] fertile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimi
(fal) eeg bacrimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacrimi
a: bacrimee [v2b=]
de: fertilize; make s.t. fertile ~ fruitful
lx: bacrimi
pd: (bacrimiyey)
ps: v2a=tr
key: bacrimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baritan
m.l la-mid: barid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritan
-ka: (magac, lab, keli) tartan orod oo labo ama wax ka badan dhexmara. Baritanka 21km ayaa Jabuuti lagu qabtaa. Dh: boroton, baratan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
crimine
s.m. dembi, jariimo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
làcrima
s.f. - illin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimis
m.l la-mid: bacrimayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimis
-ka: (magac, lab, keli) dhul hodamayn oo huyuumas iyo wax macdantii ka tegtey u soo celiya ku shubid. Ciiddu bacrimis ayay u baahan tahayn dhawrkii sanaba mar. Dh: bacrimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basrisan
(tilmaame) wax la habeeyey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barricade
/baarakeydh/barricades, barricading, barricaded; dariiq xirid (waddo xirid). e.g. The road was barricaded with snow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
barricade
/baarakeyd/ (n) 1. jid amy meel ly hiry. (v) 2. jid hirow.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sacripant
sacripant, n.m. - tuug; qof aan dadnimo lahayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lacrimazióne
s.f. - ilmayn(ta).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhiwayne
-ha: (magac,lab, keli) eeg baaxuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basrisanaw
(fal) ahaw wax habaysan, noqo wax basrisan. Dh: basrisanow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
berridanbe
(n) 1. after tomorrow ~ berridambe. 2. another day
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
imprimante
imprimante, n.f. - makiinadda wax daabacda.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
incriminer
incriminer, V. - eedayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
patrimoine
patrimoine, n.m. - dhaxalka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
récriminer
récriminer, v. - ashkatoyin adoo ka argudanaya aashtako hore laguugu sameeyey
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
réprimande
réprimande, n.f. - canaan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Macroclimate
Clmilo, fidsan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aimant
aimant, n.m. - Bir-lab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Amrane
magac loo baxsho wiil la rajaynayo inuu waaliddadiisa u hoggaansan ama sida qof weyn u dhaqma isaga oo weli canug ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
armare
v.tr. - hubayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayiman
f.mg1 (-amay, -antay) Badar karsamaya wax la budo lagu daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'ane
-ha: (magac, lab, keli) qof ama xayawaan kale oo lab oo daran ama belo badan. Ba'anaha dhurwaa, baadiduu dilaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarin
baarin¹: m.f.dh la-mid: baariyid.
baarin²: m.dh Meesha gacatada laga qoto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarin
-ta: (magac, dhedig, keli) badeeco la naadiyay qof u xukumid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
babine
babine, n.f. - debin; bushin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bacino
s.m. war, balli.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
badine
badine, n.f. - ul dhuuban oo jilicsan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
banane
banane, n.f. - Muus (khudrad).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barare
v.intr. - dhagrid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barême
barême, n.m. - Qiyaas ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariin
(Bariin-ta)
Nabadgelyo ku bari siin; samatabbixin; badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariin
m.f.dh eeg barii. la-mid: bariisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariin
f. n. safety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof socota ah, jiif iyo cunto la siiyo. Dh: martigelin.
bariin -ta: (magac, lab, keli) xoolo, ka ilaalin waxii dhib u keenaya oo dhan gaar ahaan habeenkii ilaa waagu baryayo. Tuug bariin ma leh berri buu ku xadi. Dh: magangalin, nabadgelin, samatabixin, badbaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariin
de: safety
lx: bariin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: bariin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barile
s.m. barmiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barmar
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka ku dhaca neefka marka lagu liso weel aan aabaysnayn ama gacmo aan nadiif ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bartan
(Bartan-ka)
Bartame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartan
m.l la-mid: bartame.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bartan
m. n., loc. center, middle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bartan
-ka: (n) middle (midhel); center (sentar) ~ bartame-ha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bartame.
bartan: (falkaabe) halkan; goobtan; halkankada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bartan
a: bartame, badhtan
de: center, middle
lx: bartan
pd: (-ka)
ps: n2-m-loc
key: bartan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barxan
Biyo iyo caano laysku daray ah; (caano) biyo lagu daray; la barxay; la dheehay; la tarraxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxan
barxan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax, wax aan la nooc ahayn ku dheehmid.
barxan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la barxay ahaansho (caano). 2. Wax, wax aan la nooc ahayn ku dheehmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barxan
barxan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax, wax aan la nooc ahayn ku dheehmid. m.f.dh, barxamid.
barxan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la barxay ahaansho (caano). 2. Wax, wax aan la nooc ahayn ku dheehmay ahaansho. m.f.dh, barxanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barxan
der. [adjective] diluted with water, watered-down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barxan
-aa -ayd: (adj) diluted (daayluutidh); weakened
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxan
(tilmaame) caano biyo lagu daray. Caano barxan noo keen. Dh: badhxan, xariiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barxan
de: diluted with water, watered-down rw: barax
lx: barxan
pd: (barxanaa)
ps: adj-der
key: barxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basrin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin, si wanaagsan oo habboon u maarayn. Basrin baa bulsho lagu barbaariyaa. Dh: habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayrin
m.f.dh eeg bayri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrin
-ta: (magac, dhedig, keli) weecin; leexin.