bacadjooji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacadjooji
(fal) meel aad u kulul oo ay cadceeddu ku dhacday taag, adiga oo dhib iyo kadeed uga jeeda. Askartii tababarku u socday waa la bacadjoojay maanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacadjoojin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cagagub ah oo aad u kulul taagid ama ku dhibid. Dh: kallifid, bacadjoojis, dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacadjoojis
-ka: (magac, lab, keli) meel bacad ah joojin oo ku dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacadi
(fal) dad iyo wixii la mid ah haraado oo bacadjooji. Surbacadi dadka oo dhan. Dh: harraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururi
(fal) cid kale si yuurar ah u fadhiisi. Cidlada wada yuururi inta xal loo helayo. Dh: bacadjooji.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
saacad joojin
time-out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadjoojin
-ta: (magac, dhedig keli) heshiis ku meel gaadh ah oo dagaal socda lagu joojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaljooji
f.g2 (-iyay, -isay) Dirir joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dagaaljooji
f.g2 (-iyay, -isay) Dirir joojin. m.f.dh, dagaaljoojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaaljooji
v., [compound] cease fighting; make someone stop fighting, cause to abandon a struggle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaaljooji
(fal) dagaal soo afjar oo xabbadjoojin iyo heshiis samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaaljooji
de: cease fighting; make s.o. stop fighting, cause to abandon a struggle
lx: dagaaljooji
pd: (dagaaljoojiyey)
ps: v2a=cmp
key: dagaaljooji
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabbad joojin
-ta: (n) ceasefire (siis faayar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agjooji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale oo taagan meel u dhow istaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaljoog
m. n., [compound] winger (in football)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaljoog
de: winger (in football)
lx: baaljoog
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: baaljoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacaroor
(Bacaroor-ta)
1. Geed leh laamo buurbuuran oo dhuuxyar oo jilicsan oo jabi og: wuxuu ka baxaa dibirka iyo dhooddida dhanaan, oo geelaa ku darmada.
2. Geedaha buruqdooda aan la cunin, guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacaroor
m.dh Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacaroor
f. n., [collective] plant species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BACAROOR
(Baror) N Commiphora drakebrockmanii Sprague. Burseraceae.
C Commiphora longipedicellata Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora unilobata Gillett & Vollesen. Burseraceae.
N Commiphora sphaerocarpa Chiov. Burseraceae.
C Commiphora petiolulata ? Burseraceae.
N Commiphora sphaerocarpa Chiov. Burseraceae.
C Commiphora sulcata Chiov. Burseraceae.
May, S Commiphora erlangeriana Engl. Burseraceae.
C Commiphora staphyleifolia Chiov. Burseraceae.
C Commiphora erosa Vollesen. Burseraceae.
S,N? Anthericum corymbosum Bak. Liliaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacaroor
-ta: (n) a wild grown tree in tropical regions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaroor
-ta: (magac, dhedig, keli) geed laama buurbuuran oo dhuux yar oo jilicsan leh. Waa geed jabi og oo ka baxa dhulka dibirka ah iyo meelaha ciidda dhanaan ee geelu ku daramoodo. Bacaroor dibir ku taalliyo waxaan geela qoborosh daaqsiiyey Dh: baroor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacaroor
de: plant sp.
lx: bacaroor
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: bacaroor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
backdoor
/baakdhoor/ (n) 1. albaabka gadaale (adj) 2. wax sir, laalaab ama si aan toos ahayn loo sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badrooni
m. n. employer, supervisor, patron
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badrooni
-ga: (n) boss (boos); an employer or a supervisor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badrooni
de: employer, supervisor, patron {It}
lx: badrooni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: badrooni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoosi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cadgoosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatooloji
m.l (daawo) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baatooloji
m.l (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaljoojin
m.f.dh eeg dagaaljooji. la-mid: dagaaljoojis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaaljoojin
-ta: (v) cease fighting (siis faayt-ing) ~ xabad joojin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaaljoojin
-ta: (magac, dhedig, keli) heshiis dagaal socday lagu afjarayo. Dh: xabbadjoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaljoojis
m.l la-mid: dagaaljoojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaaljoojis
-ta: (magac, dhedig, keli) soo afjaridda iyo deminta xasaradaha colaadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadidoonid
-da: (magac, dhedig, keli) raadco u bixid, wax hallaabay heliddii u ambabixi. Raggi xalay baadidooniddii awrka ayay ku maqnaayeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadigoobid
-da: (magar, dhedig, keli raadinta xoolo ama wax kale xc lamay. Dh: baadiddoonid, baadimadis, baadigoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadigoobis
-ta: (magac, ledig. keli) wax lumay doondoonid oo kolba moel ka raadis. Dh: raadin, raadcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadisoocid
m.f.dh eeg baadisooc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadisoocid
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad iyo summad uu leeyahay ku garasho oo ku soo soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyoobid
m.f.dh eeg baadiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyoobid
-da: (magac, dhecig. keli) wax baadi ah oo lunsan ahaansho.
baadiyoobid -da: (magac, chediq, keli, reer miyi noqosho, baadiye abaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaxadsoore
(Baaxadsoora-ha)
Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxadsoore
m.l (-rayaal m.l/dh) Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaxadsoore
m.l (-rayaal m.l/dh) Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaxadsoore
m. n., [compound] median, center, central position
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaxadsoore
-baaxadsooraha: (n) center (san-ter); middle (mi-dhel) ~ dhex, bartamaha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxadsoore
-ha: (magac, lab, keli) dhul ballaadhan oo baaxadweyn badhtamihiisa; dhul kala fidsan meesha kala badha. Saw baaxadsoorehii iyo lababoglayntii, maan noqon bestay oo, bacadkii ma dheelliman.
baaxadsoore -ha: (magac, lab, keli) xilliga duhurka ee ay cadceedduna aadka u kulushahay. Baaxad-soore iyo adigaan ka biqin baabullaha aare. Dh: yoomayoome.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaxadsoore
de: median, center, central position
lx: baaxadsoore
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: baaxadsoore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakaaroobid
m.f.dh eeg bakaarow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bankarroori
f.g2 (-iyay, -isay) Cabsi badan cid ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baramboorri
m.dh Neef geel ama lo' ah da' yar, oo buuran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarrooni
-ga: (magac, lab, keli) khudrad la cuno oo doog ah. Barbarrooni iyo baasto keena.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batalaroobi
-ga: (magac, lab, keli) daruur weyn oo roobka horsocota oo darroor maaggan. Dh: heego, hogol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadoobid
m.f.dh eeg cadcadow. la-mid: cadadoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramarooji
(fal) cid kale, wax ka boob oo xoog kaga qaad. Hadduu edebtiisa ku dhawrsan waayo wuxuu hayaba ka faramarooji. Dh: ka xoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka cadgooso
v. take revenge against someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_cadgooso
de: take revenge against s.o.
lx: ka cadgooso
pd: (cadgoostay)
ps: v3b=expr
key: ka_cadgooso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macagtoobid
m.f.dh eeg macagtow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaddoonid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag doonid: samo raadin; xumo diidid.