babbler
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
babbler
n., nin dawdar ah, -ki; ninki dawdarka ahaa, the babbler.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
babble
/baabbal/babbles, babbling, babbled; (v) 1. cantar (hantaaticid); hadal ulajeedo cad aan lahayn oo isku dhex yaacsan farxad ama isku buuqsanaan darteed samayn. e.g. He babbled on about this wicked world. (n) 2. hadaaq (sida hadaaga caruurta). e.g. I like baby's babble. (adj) 3. codka biya-dhaca ama daadku sameeyo oo guuxa yar leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
babble
babbling, n., dawdar, -ki.
babble, v.i., dawdar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
babiller
babiller, v. - U hadlid si carruurnimo ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bable
/baabal/ (v) daldalymow (hathal lyng kasaany).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barber
/barbar/barbers;(n) timo-jare (baarbayeeri).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
barber
/baarbar/ (n) mathy tuury, tin tuury (baarbiyeery).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
barber
n., rays, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bawler
n., dowdowle, -hi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bubble
/babbal/ (n) 1. xumbo (sida xumbada shaambada iyo dareerayaasha kale. (v) 2. takhid ama ubur sare uga soo booda dheri (ama wax la karinayo)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bubble
Xumbo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bubble
/babbal/ (n) humby.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bubble
n., xumbo, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dabble
/daabal/ (v) ka qayb-qaadasho ama dhex-galid aan qoto-dheerayn, sida hiwaayad ahaan oo kale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dabble
v.i., (in water) galgalo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gabble
/gaabal/ (v) hadal-boobtayn, hadal dal-dalid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gabble
n., (loud talk) dawdar, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jabber
/jaabar/ (v) hadal daldalid (si dhakhso ah oo aan la fahmi karin u hadlid). e.g. They were jabbering at each other in French.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
jabber
(see babble, chatter).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rabble
/raabal/ (n) dad badan oo buuq iyo saxmad leh, eeg mob.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sabler
sabler, v. - bacaadayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bailler
bailler, v. - Af kala waaxid (sida hamaasiga oo kale). Hamaansi; af kala qaad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barbier
barbier, n,m. - Timo-xiire; Jeega xiire.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cobbler
/koblar/ (n) kabatole (qofka kabaha sameeya ama hagaajiya).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fabuler
fabuler, v. - khiyaal samayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gambler
/gaambalar/ (n) khamarji (khamaare)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balbalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax, balbalo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balbalee
v. build ~ construct a hut of branches and leaves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalee
(fal) meel ama wax kale, hadhee. Daaradda balbalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balbalee
de: build ~ construct a hut of branches and leaves
lx: balbalee
pd: (balbaleeyey)
ps: v2b=tr
key: balbalee
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barbiére
s.m. - timajare.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
basculer
basculer, v. - Lee xaysi; laalaadin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brailler
brailler, v. (fam.) - Qaylin ama oohin dheer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brambles
n., (in a valley beside a dry river) xid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Gabbalo yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbalee
v. stain, spot, leave a stain ~ spot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbalee
(fal) gabalgabal ama cadcad u qaybi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbalee
de: stain, spot, leave a stain ~ spot
lx: gabbalee
pd: (gabbaleeyey)
ps: v2b=tr
key: gabbalee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
habiller
habiller, v. - labbis; dhar-xidhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabbeel
(fal) ibtii caanuhu ka soo baxayeen, ha ku bukooto oo ha jufanto. Qaalintii way ibabbeeshay. Dh: candhabbeel, naasabbeel.
ibabbeel -ka: (magac, lab, keli) halkii ama ibtii caanuhu ka soo dhiiqayeen oo jufanta, awdanta oo xumaata. Ibabbeel baa ku dhacay laxdan. Dh: candhabbeel, naasabbeel.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
able
/eybal/ (adj) awoodi kara. e.g. I will be able to visit you this weekend.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
able
/eybal/ (adj) tabar, yibaad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
able
a., kara; (skilful) farsamo badan, wax qaban og.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
babe
/beyb/babes; (n) 1. cunug yar (ilmo yar) e.g. What a beautiful babe! (n) 2. magac loogu yeero qofka aad jeceshahay gaar ahaan, xaaskaaga, ninkaaga, iwm. e.g. Do you need any help, babe?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bale
/beyl/bales, baling, baled;(adj) 1. raso, wax is kor-kor saaran (taalo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bale
/beyl/ (n) wal lys sasaary amy ly kuusy. He stored the bales of clothes in the closet.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bale
n., (of goods) xidhmo alaabo ah, xidhmadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbe
(Aabba-ha)
Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabbe
m.l (aabbayaal, m.l/m.dh) 1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow! Wiilkaygiyow! la-mid: aabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aabbe
m.l (-bayaal, m.l/m.dh)
1. Nin ubad dhalay.
2. (u.j) Aabbow! Wiilkaygiyow! la-mid: aabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabbe
m. n. father
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aabbe
-aabbaha: (n) father (faa-dar); dad (daad) ~ aabbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbe
(magac, lab, keli) labada waalid ee wax dhalay kooga lab. Will aabbe loo waayey abti looma waayo; aabbe agoon baa og. Li: hooyo.
aabbe-ha: (magac, lab, keli) magta dhagarta lagu baxsho, sac lammaan ama qaalin geel oo ugub rimman ah oo la siiyo aabbihii dhalay qofka lagu dhagaroobay.
aabbe-ha: (magac, lab, keli) qof arrin muhiim ah masuuliyaddeeda loo raaco, isaguna raalli ka ah. Arrin aan aabbe lahayn go'aan lagama gaadho. Dh: masuul, xidhe, aabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabbe
de: father
lx: aabbe
pd: (/ha)
ps: n7-m
xe: Where is your father?
xv: Aabbahaa meeyey?
key: aabbe
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aabbe
والد، بابا، أب
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abbey
/abey/ (n) guryaha kaniisaddu leedahay oo ay soorooyinku degan yihiin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abbey
/abey/ (n) itho kaniisidy lety oo soorooying ky noolying waany ky shaqeeyayaang.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeer
m.dh.u 1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. la-mid: ameer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abeer
m.dh.u 1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. la-mid: ameer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abeer
m. n. heifer, female camel that has not given birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abeer
-ka: (n) heifer (he far); a young camel, especially one that has not yet given birth ~ qaalin, ameer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeer
(tilmaame) neef aad u naaxay ahaan; neef an curan ahaan. Waxa uu Cali soo gatay qaalin abeer ah.
abeer-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ama adhiba noqon kara oo dhedig oo da'duu ku curan lahaa dib uga dhacay; qaalin aan weli dhalin. Abeerrada tifrimay goojadii, lama amaaraane. Dh: ameer.
abeer-ka: (magac, lab, keli) neef qaan ah oo xoog badan aad na u cayilan. Geeluba ugaasooy markuu ayda miranaayo, abeerkiisa naaxiyo markuu aaranku iswaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abeer
a: ameer
de: heifer, female camel that has not given birth
lx: abeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: abeer
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àbile
agg. - karti leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abley
(Abley-da)
Qalab bir ka samaysan oo raggu dhexda ku xirto oo ku dagaallamo; toorrey; billaawe; (ama amley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abley
m.dh (-eeyo, m.dh) Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. la-mid: amley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abley
m.dh (-eeyo, m.dh) Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. la-mid: amley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abley
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abley
-da: (n) dagger (dhaager) ~ toorreey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ablay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abley
a: amley
de: dagger
lx: abley
pd: (-da Pl: ableeyo (/da))
ps: n2-f
key: abley
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aller
aller, v. - Socod: U kicid
se sentir - Aadid.
Comment allez-vous? - Maxaad sheegteen?
Où allez-vous? - Xagee baad u socotaan? (ama adeysaan?)
je m'en vais - Waan tagaya
aller chercher - Orod oo raadi
allons bon! - Way igu dhacday!
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Amber
Ambar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amber
/aambar/ (n) 1. canbar (bir jaalle iyo maroon isku jir ah oo laga sameeyo luulka). e.g. a dark amber ring 2. midabka huruudda ama jaallaha ah. e.g. The traffic lights continuously switch from green to amber and then red.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amber
/aambar/ (n) 1. anbar. 2. muthubky jaallyghy (huruud).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amber
n., asli, -gi; the two pieces of amber they tie to their neck, hal, -ki, makaawi, -gi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amble
/aambal/ambles, ambling; ambled; (v) laafyood, si raaxa leh u socosho, si dhib yar u socosho ama xarraga leh. e.g. She ambled home through the village.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amble
/aambal/ (v) gagaaddiyow (tartiibsythow maddi ly dereeraw, lyng kuurrimaany). We ambled through the town looking for a place to eat.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbi
f.g2 (-iyay, -isay) Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babbi
f.g2 (-iyay, -isay) Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin. m.f.dh, babbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbi
v. fan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babbi
-yey/say: (v) fan (faan); fan a fire; move air with a fan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbi
(fal) dab la hurinayo hawo ku afuuf si uu u shidmo ama uu u baxo. Babbi dabka ha ololee. Dh: balfi, hufki.
babbi: (fal) maro kor u qaad oo dhaqdhaqaaji; maro iyo wixii la mid ah dabaysha raacraadi. Calanka babbi. Dh: walhi, lul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbi
de: fan
lx: babbi
pd: (babbiyey)
ps: v2a=
key: babbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbo
f.mg3 (-baday, -batay) Wax dabayl xooggan oo dhacaysa awgeed aad u ruxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbo
v. flutter in the wind
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
babbo
s.m. - aabbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbo
de: flutter in the wind
lx: babbo
pd: (babbaday)
ps: v3a=
key: babbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacle
m.l Geed nagaar aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacle
m.l Geed nagaar aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baker
/beeykar/ (n) 1. qofka wax duba siiba rootiga, keega wm. e.g. He worked as a baker for ten years. (n) 2. dukaanka rootiga, (foorno).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
baker
/beeykar/ (n) qofky rootighy, muufothy amy doolshythy dubaw waany gathaw. bakery/beykari/ (n) foorny, tinaar (meely rootighy iwm. lyky dubaaw).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
baker
n., cajiinle, -ihi, khabbaas, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
balle
balle, n.f. - Kubbad; Banooni;
balle de fusil. - Rasaas; Xabadda wax disha.
balle, n.f. (colis) - xidhmo alaabah oo laysku xiray ama duubay si loo qaabo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barbe
barbe, n.f. - Gadh; timaha ka soo baxa gadhka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
baser
baser, v. - ku dhisan; ku salaysan; ka shiidaal qaadanaysa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basle
(Basla-ha)
1. Baadiddoon aan raad iyo baytin midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan.
2. Wax hab la'aan lagu doono oo aan jaangooyo hore loo dhigin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basle
m.l 1. Baadiddoon aan raad iyo baytin midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan. 2. Wax hab la'aan lagu doono oo aan jaangooyo hore loo dhigan. 3. la-mid: basleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basle
m. n. random search (without any preconceived plan)