baaxaallideg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaallideg
-ga: (magac, lab, keli) dabciga qofka oo isbedbeddela.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eereer
-ka: (magac, lab, keli) hadba dhinac nafta ula ordid degganaansho la'aan aawadeed; kadeed iyo leelleel la baaxaallidegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaadeg
baaxaadeg¹: m.l Degganaan la'aan joogto ah. la-mid: baaxaaddeg¹.
baaxaadeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Degganaan la'aan joogto ah la kulmid. la-mid: baaxaaddeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaalli
-ga: (magac, lab, keli) habdhaqanka iyo dabciga qofka Ilaahay ku abuuray; dabeecad aan xin iyo xajiin toona lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaaddeg
baaxaaddeg¹: m.l la-mid: baaxaadeg¹.
baaxaaddeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: baaxaadeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaaddeg
(fal) degganaanshaha waa; xaaladba haku sugnaan.
baaxaaddeg -ga: (magac, lab, keli) go'aan qaadan waa; dhanna xaminili waa. Berraan dhoofi lahaaye, baaya baaxaaddeg baan ku jiraa.
baaxaaddeg -ga: (magac, lab, keli) qof qarqoomay oo ay biyo liqeen; qof kolba mawjad gelaya oo kolla kor u soo baxaya kolla hoos u dhaadhacaya. Baaxaaddeg buu biyaha kor iyo hoos u gelayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaraandeg
(Baaraandeg-ga)
Arrin laga salgaaro, la hubiyo, laga bogto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaraandeg
baaraandeg¹: m.l 1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg. 2. la-mid: baaraandegid.
baaraandeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ka b.: arrin, fikrad iyo wixi lamida aad u hubin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaraandeg
f.mg1 (-gay, -gtay) Ka b.: arrin, fikrad iyo wixi lamida aad u hubin. m.f.dh, baaraandegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaraandeg
v., [compound] investigate thoroughly
baaraandeg vl. n. thorough investigation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaraandeg
ay tay: (v) [with preposition ka] contemplate (kon tem paleeyt); consider carefully; meditate on (me di teeyt on); ponder (poon-dhar) ~ si fiican uga fiirsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaraandeg
(fal) ka baaraandeg - wax aad rabto qabashadiisa ka fiirso; ha ku degdegine sal iyo baarba hubi. Dhismaha hudheelka hortii, ka baraandeg kharashka ku bixi doona. Dh: hubso.
baaraandeg -ga: (magac, lab, keli) wax aad looga fiirsado; wax aad u hubsasho; si qotodheer u dhuuxid. Arrintani baaraandeg bay ku habboon tahay. Dh: hubsasho, lafagur, gungaadh, axadhid, bogasho, bislayn, fiirsasho, xaqiijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalallee
(fal) ugu horree kolka wax la qabanaay. Dabbaasha noo baalalee. Dh: horree, daar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalalley
(Baalalley-da)
Bahalhoosaadka duula jaad ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalalley
m.dh.u Xasharaad yaryar oo baalal leh sida badan waqtiga roobka la arko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalalley
m.dh.u Xasharaad yaryar oo baalal leh sida badan waqtiga roobka la arko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baalalley
f. n., [collective] butterfly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalalley
-da: (magacwadareed) cayayaanka duula jaad ka mid ah oo ka dhasha roobka.
baalalley: (ereycodeed) carruurtu tidhaahdo marka ay biyaha ku ciyaarayaan, iyaga oo uga jeeda saydhista biyaha. Biyo batalaq baalalley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baalalley
de: butterfly
lx: baalalley
pd: (-da)
ps: n2-f-col
syn: balambaallis
key: baalalley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxalside
m.l (-dayaal, m.l/dh) (baayoloji) Mid ka mid ah qaybaha taranka ee lab ee ubaxa. Waxay ka koobantahay qayb sare oo bacrinsami karta (faxal) oo ku dul taalla liif dheer oo ma dhaleys ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faxalside
m.l (-dayaal, m.l/dh) (baay.) Mid ka mid ah qaybaha taranka ee lab ee ubaxa. Waxay ka koobantahay qayb sare oo bacrinsami karta (faxal) oo ku dul taalla liif dheer oo ma dhaleys ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxalside
-ha: (magac, lab, keli) qaybaha taranka ubaxa ee lab mid ka mid ah. Waxay ka koobantahay qayb sare oo bacrinsami karta oo ku dul taalla liif dheer oo madhaleys ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haakaalle
e.d la-mid: haaka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haakaalle
(tilmaame) wax laga raalli yahay oo la qaayibay. Dh: haaka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaalid
m.f.dh eeg baashaal². la-mid: baashaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ismaaweelinta nafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaaldeg
(Dabbaaldeg-ga)
Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xusa hayo, madax ama la duuba hayo ama booqasho ku timid, aroos. kd.; Xus; damaashaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaaldeg
dabbaaldeg¹: m.l (-gyo, m.dh) 1. Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo. 2. Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso.
dabbaaldeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Maalin muhiim ah ciyaar ku xusid. 2. Fardo ku damaashaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbaaldeg
dabbaaldeg¹: m.l (-gyo, m.dh) 1. Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo. 2. Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso.
dabbaaldeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Maalin muhiim ah ciyaar ku xusid. 2. Fardo ku damaashaadid. m.f.dh, dabbaaldegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbaaldeg
m. n. celebration, festival, ceremony
dabbaaldeg v. celebrate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabbaaldeg
-a: (n) festival (fes-ti-val); ceremony (ser-moni)-, celebration (sela-bareey-shiri)', party (paar-ti) social gathering ~ iid, damaashaad, xaflad
dabbaaldeg -ay I tay: (v) celebrate (sala-bareeyt); commemorate (koma-moreeyf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaaldeg
-ga: (magac, lab, keli) ciyaaro farxad lagu muujiyo ama lagu xasuusto dhacdo weyn oo la jecelyahay waqtigay ku beegnaydna la xus. Dh: damaashaad, feesto.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dabbaaldeg
احتفال
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalxaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay looga shaqeeyey gacanta marin oo qurqurxin. Dh: tafaftirid, xaalxaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaadegan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kulmay degganaan la'aan joogto ah ahaansho. la-mid: baaxaaddegan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaadegid
m.f.dh eeg baaxaadeg². la-mid: baaxaaddegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daba'aallid
-da: (magac, dhedig, keli) ka dambayn oo xagga dambe jirid. Daba'aallid anaa diiday. Dh: daba'oollid, dambayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daba-aallid
m.f.dh eeg daba-aal.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
baalka midig
right winger
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaaddegan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: baaxaadegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaaddegan
(tilmaame) mid aan degganayn oo aan xaaldba ku sugnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaaddegid
m.f.dh la-mid: baaxaadegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaaddegid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u geddoomid oo degganaanshaha waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaallimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Meel dallaallimo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dallaallimee
v. cover; arrange in the form of a roof to provide a cover
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallaallimee
de: cover; arrange in the form of a roof to provide a cover
lx: dallaallimee
pd: (dallaallimeeyey)
ps: v2b=tr
key: dallaallimee