baas'sheegid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas'sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xun oo keliya sheegid. Baas'sheegid iyo belo Allow naga ahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas'sheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof waxa xun oo keliya sheega oo belo ka warrama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheegid
(Warsheegid-da)
Warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheegid
m.f.dh eeg warsheeg². la-mid: warsheeg¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheegid
m.dh 1. Hadlid. 2. Hamasho. la-mid: waxsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog kale oo loo baahnaa cid u tebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegad
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanadoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beensheegid
m.dh Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. la-mid: beensheeg (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beensheegid
-da: (magac, dhedig, keli) been ku warramid; hadal xaqiiqada ka duwan dhihid. Beensheegid ninka caado ka dhigtaa beenaale ayuu noqdaa. Dh: beensheegis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalsheegad
-ka: (magac, lab, keli) mannasheegad uu ruux wanaag hore qof kale uu sheegashadiisa ku dhibo. Dh: mannasheegad, abaalsheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalashee
f.g2 (-sheeyey, -sheysey) la-mid: baalash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalashee
(fal) mari kabaha baalash ama dhaashi midabaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalashid
m.f.dh eeg baalash². la-mid: baalasheyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashirid
m.f.dh eeg baashir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baashiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof balaayo iyo baas mar walba ka warrama oo calaalcal badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) gubasho aan baaqi soo hadhin. Basbeelid oon iyo haraad milicda soo meeray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansheeg
m.dh (-gyo, m.l) (dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansheeg
f. n. commercial invoice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansheeg
-ga: (n) invoice (in-vooys); bill (bid); invoice of goods shipped or services provided ~ qaansheegto, Ex: shirkaddayadu waxay u dirtay qaansheeg (qaansheegto) bil ka hor; Our company sent him an invoice a month ago
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
QAANSHEEG
Fattura
Central bank
Waa warqad qof, Shirkad, ama Hay'adi, alaab la gatay, ama hawl la qabtay, lacagtood ku weydiisanayso qofkii, Shirkaddii ama Hay'addii alaabta qaadatay, ama hawsha loo qabtay.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaansheeg
Fattura
Invoice; bill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansheeg
-ta: (magac, dhedig. keli) warqad deymaha lagu qoro oo muddada bixinteedu ay ku caddahay maalin bil sannad iyo wixii la mid ah. Qaansheegta aad amaahaha ku qortay ii keen. Dh: deynsheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansheeg
de: commercial invoice
lx: qaansheeg
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: qaansheeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) timo dhaadheer badhtanka ka kala seexin; kala rogidda timaha oo badhtanka lagu kala jeexo. Baarjeexid baa laygu yaqaan taniyo yaridiiye, maatana waa la tirin karaa timaha guudkayga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaalid
m.f.dh eeg baashaal². la-mid: baashaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ismaaweelinta nafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dansheegad
(Dansheegad-ka)
Dansheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheegad
m.l la-mid: dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheegad
vl. n. proclaming one's interests
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheegad
-ka: (magac, lab, keli) cabasho baahi la sheegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheegad
a: dansheegasho (/da) [vn6-f]
de: proclaming one's interests
lx: dansheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dansheegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarsheegad
-ka: (magac, lab, keli) abaalsheegad, qof aad wax u qabtay, u mannasheegad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahibeelid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi wax ama qof loo qabay oo laga kaaftoomo. Dh: haqab-beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaadegid
m.f.dh eeg baaxaadeg². la-mid: baaxaaddegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsheegad
-ka: (magac, lab, keli) qof haybtiisa iyo waxa uu yahay sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansheegte
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof qaansheeg soo qortay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansheegte
m. n. creditor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansheegte
-qaansheegtaha: (n) one who sends an invoice or bill to customers; creditor (karedhi-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansheegte
-ha: (magac, lab, keli) qof cid kale deyn ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansheegte
de: creditor
lx: qaansheegte
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaansheegte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaraandegid
(Baaraandegid-da)
Arrin ka salgaarid; aad u baarid; ka bogasho; hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaraandegid
m.f.dh eeg baraandeg². la-mid: baaraandeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaraandegid
-da: (magac, dhedig, keli) hubsasho qotodheer oo dhan xun iyo dhan fiicanba la fiiriyo, inta aan hawsha lagu dhaqaaqin. Baaraandegid la'aan talo kuma barbaarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaaddegid
m.f.dh la-mid: baaxaadegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaaddegid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u geddoomid oo degganaanshaha waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafkadeegid
-da: (magac, dhedig, keli) saboolnimi qofkuu uu ku danbeeyo gidaarseexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafwareegid
m.dh eeg gaafwareeg². la-mid: gaafmeerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafwareegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la rabo in la ilaaliyo dusha iyo hareeraha ka kormeerid. Dh: afmeer, gaafameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalsheegad
m.l la-mid: itaalsheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalsheegad
(magac, lab, keli) xoogsheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mannasheegad
m.l la-mid: mannasheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannasheegad
-ka: (magac, lab, keli) abaal shee gasho anaa waxaa ku siiyay anaa waxaa kuu sameeyey cid lagu yidhaa; cid abaal loo sameeyey oo mar walba loogu faano. Mannasheegadku waa bahdilaad. Dh: mannasheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daafkaddeegid
m.f.dh eeg daafkaddeeg². la-mid: daafkaddeeg¹ (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habka dheegid
Inductive Method