baaqin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqin
(Baaqin-ka)
Baaqimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqin
baaqin¹: m.l la-mid: baaqimo.
baaqin²: m.dh Summad alif ah oo idaha shanshada ama tagoogta loogu dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqin
m. n. dairy animal that does not produce much milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baaqimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqin
de: dairy animal that does not produce much milk
lx: baaqin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baaqin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqi
(Baaqi-ga)
Wax la bixiyey, inta ka soo harta; dheeri; hanbo; haraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqi
m.l Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaqi
m.l Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqi
m. n. leftover, excess, remainder, the rest; change (money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaqi
-ga: (n) 1. change (janji); 2. remnant (rimnant); leftover, remainder~ haraa, hambo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqi
-ga: (magac, lab, keli) inta ka soo hadha wax la cunay ama la iibsaday ama la isticmaalay. Inta baaqu badan iyo baaqiqaa hadhi. Dh: hadhaa, hanbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqi
de: leftover, excess, remainder, the rest; change (money)
lx: baaqi
pd: (-ga)
ps: n2-m
xe: Keep the change!
xv: Arabic
key: baaqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baacin
(Baacin-ta)
1. Baac wax ku cabbirid.
2. Wax la dhifanayo, kor u sii wadid, taniyo inta gacantu ka wada kala baxdo.
3. (u baacin) u taagid.
4. Kor u qaadid; bilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacin
m.f.dh eeg baaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacin
-ta: (magac, dhedig, keli) baac ku cabbirid; gacmaha oo la kala baxshay, wax dhererkii ku qiyaasid.
baacin -ta: (magac, dhedig, keli) wax inta sare loo qaado, lagu simo halka ugu sarraysa ee ay gacmuhu gaadhi karaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baafin
(Baafin-ta)
Wax lumay ama aan la aqoon meel laga helo, weyddiin iyo 'war yaa arkay?' ku baadi goobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baafin
m.f.dh eeg baafi. la-mid: baafis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baafin
f. n. inquiry, search
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baafin
-ta: (n) inquiry about missing or lost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baafin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax Jumay raadintii. Baafin baa baadi lagu helaa. Dh: yabcohin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baafin
de: inquiry, search
lx: baafin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: baafin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baafin
مَطْلُوبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahin
m.f.dh eeg baahi². la-mid: baahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąahin
m.f.dh eeg bąahi. la-mid: bąahis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baahin
-ta: (n) broadcasting; publication (pab li keey shin); propagation (poro-pageey-shin); dissemination-faafinta, warbaahin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahin
-ta: (magac, dhedig, keli) fidinta wax lagu faafiyo meel aanu hore u gaadhsiisnayn. Dh: fidin, firdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baajin
(Baajin-ta)
Wax la samayn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baajin
m.f.dh eeg baaji. la-mid: baajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhici lahaa, maaro u helid oo joojin ama dib u dhigid. Dh: nageyn, joojin.
baajin -ta: (magac, dhedig, keli) ballan in la qabto la sugayay oo laga baaqsado. Beenaale ballan baajis badanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalin
bąalin: m.f.dh eeg bąali². la-mid: bąalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanin
(Baanin-ta)
Baan siin; baanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanin
m.f.dh eeg baani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanin
-ta: (magac, dhedig, keli) siinta cunto nafaqo leh, si qofku uga kabto bugtaan iyo dhaawac soo gaadhay. Baanin buu ku jiraa weli bukaanku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqid
(Baaqid-da)
Baaq samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqid
m.f.dh eeg baaq³. la-mid: baaq¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeedinta codsi ku baaqul wajahan meel ama cid gaar ah oo ujeeddo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, baaq u jeedin. Dh: baaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarin
baarin¹: m.f.dh la-mid: baariyid.
baarin²: m.dh Meesha gacatada laga qoto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarin
-ta: (magac, dhedig, keli) badeeco la naadiyay qof u xukumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqin
m.f.dh eeg balqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel uu dareere ka buuxay wax yar ka daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barqin
1. (Barqin-ka) Barqo.
2. (Barqin-ta) Xoolaha barqo daajinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqin
barqin¹: m.l la-mid: barqo.
barqin²: m.f.dh eeg barqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barqin
m. n. late morning
barqin: vl. n. taking livestock to graze in the late morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqin
-ka: (magac, lab, keli) gellinka hore ee maalinka. Biciid barqin bilcil daaqay, jilba baldhaq. Dh: barqo.
barqin -ta: (magac, lab, keli) xoolaha oo la daaq geeyo inta aan la maalin subaxda hore. Barqinta lo'du caanahay ku badisaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laaqin
(Laaqin-ta)
Heesid; luuqin; tuuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaqin
m.f.dh eeg laaqi. la-mid: laaqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) hees ku luuqayn; heesitaan. Dh: laaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaqin
(Xaaqin-ka)
Qalab wax lagu xaaqo; minfiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaqin
m.l (-nno, m.dh) Mafiiq, minfiiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaqin
m.l (-nno, m.dh) Mafiiq, minfiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaqin
m. n. broom, brush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaqin
-ka: (n) broom (buruum); sweeper (iswiiper) ~ mafiiq, minfiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab wax lag haro. Dh: mafiiq, manfiiq, salabe, xaarin, duugme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaqin
de: broom, brush
initial: x
lx: xaaqin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: mafiiq ~ minfiiq
key: xaaqin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xaaqin
مكنسة، مِكْسَحَة مِقَشَةً كَنَّاسَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabne
(Gabna-ha)
Baaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Hal la lisayo lugaha dambe kala bixin. 2. Qof meel dheer iska tusid iyadoo aan loo baaqin. la-mid: faarugso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabne
-ha: (magac, lab, keli) neef xoolo ah oo aan madi ahayn; neef aan caano badan lahayn. Dh: baaqimo, badho, gabno, hooto, baaqin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabne
cf: baaqin
de: female animal whose milk supply is drying up
lx: gabne
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gabne
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabin
m.dh la-mid: ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo yar, sida wax loo cuno, barid. Dh: ababin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadin
m.f.dh eeg abaadi. la-mid: abaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) goofinta wax jiray iyo baabi'intiisa. Abaadinta beerta, anaa kugu dhaafay. Dh: goofin, baabi'in.
abaadin -ta: (magac, dhedig, keli) waarinta wax jira iyo raajintiisa. Abaadinta uunka, Allaa iska diiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahin
m.f.dh eeg abaahi². la-mid: abaahiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) saarashada awrku hasha ku dhoodo. Abaahinta awrta waa loo milay dayaa. Dh: dhoodis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan, xaaluf iyo oomane ka yeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadino
(tilmaame) bad deggan; bad fadhida oo aan kacsanayn. Baadino ayay ahayd baddu maanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqimo
(Baaqima-da)
Neef xoolo ah oo aan madi ahayn; aan caano badan lahayn; badho; hooto; gabno; (ama baaqin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqimo
m.dh (-ooyin, m.l) Neef caana yar; gabno; badho. la-mid: baaqin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaqimo
m.dh (-ooyin, m.l) Neef caana yar; gabno; badho. la-mid: baaqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqimo
f. n. animal that does not produce much milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaqimo
-baaqimada: (n) a cow, goat or she camel that produce little milk ~ finnaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqimo
-da: (magac, dhedig, keli) hal geel oo caano yar. Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimo noqoto, bilaash baa lagu baxshaa. Dh: badho, gabno, hooto. Li: ayro, deeqa, haldoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqimo
cf: gidir
de: animal that does not produce much milk
lx: baaqimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: baaqimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhunkashada iyo gacan ku salaaxidda ay naxariistu weheliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasiin
m.l la-mid: baansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasiin
m. n., (mass n.): gas, petrol
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasiin
-ka: (n) gasoline (gaa soliin); gas (gaas) bansiin, baansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasiin
-ka: (magac, lab, keli) shidaal fudud oo degdeg u daarma, haddii la laydhiyana dhakhso u baabi'i og. Gaadhiga baasiin ku shub. Dh: bensiin, bansiin, betrool, baadrool, batrool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasiin
de: gas, petrol
lx: baasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
see: bansiin {Eng}
key: baasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhqin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ama shaqo uu qof garasho la'aan ama ula kac u laaqo oo u carshacarsheeyo. Dh: dhabqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax balalooday ka dhigid. Saca balalinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqid
m.f.dh eeg balaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqid
-da: (magac, dhedig, keli) furid albaabka si weyn loo furo oo waxa gudaha ku jira aad loo muujiyo. Dh: ballaqid, furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararin
m.f.dh eeg barari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararin
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun ama nabar wax barariya. Bararinta maxaa keenaya?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarin
m.f.dh eeg basari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qun yar ah oo xeelad iyo maskaxi ku jirto xal u helid. Hawluhu basarin ayay u baahan yihiin. Dh: basaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsin
(Daaqsin-ta)
Meel xooluhu daaq ku gaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsin
m.dh (-nno, m.l/dh) 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaqsin
m.dh (-nno, m.l/dh) 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daaqsin
Pasture
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsin
f. n. grazing place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqsin
-ah: (n) grazing land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka tigaadda iyo dhirta leh ee ay xooluhu daagaan. Dooxada daaqsin fiican baa ku taalla.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsin
de: grazing place
lx: daaqsin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: daaqsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqin
m.f.dh eeg aqi. la-mid: caqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunnaxumo u dhimasho. Dh: caqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baan
(Baan-ta)
Cunno waxtar iyo uraad leh oo lagu dheefiyo dadka buka ama dhaawaca ah.