baaq_wicid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaq_wicid
de: call sign
lx: baaq wicid
ps: np
key: baaq_wicid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaq wicid
n. phr. call sign
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baayicid
(Baayicid-da)
Wax ganacsi u yaal, qiimahooda weyddiin; gorgorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayicid
m.f.dh eeg baayac². la-mid: baayac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax libinaysa qiimaaha weydiin oo la gorgortamid. Dh: baayacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaldhicid
(Abaaldhicid-da)
Abaal laysu galay oo la asaraaro, oo la beeniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldhicid
m.f.dh eeg abaaldhac². la-mid: abaaldhac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawilid
m.f.dh la-mid: awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawilid
-da: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha wax soo socda ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bawisid
m.f.dh eeg bawis². la-mid: bawis¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaqici
-ah: (adj) realistic (ri-ya-lis-tik); factual (faak-ju-wal); pragmatic (paraag-maa-tik); practical (paraak-ti-kal) ~ xaqiiqa ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'id
-da: (magac, dhedig, keli) tirtirmidda wax hore u jirey; wax jiray oo baaba' noqday. Dh: lumid, tirtirmid, masaxmid.
baabi'id -da: (magac, dhedig, keli) edebta iyo dhaqanka oo qof ka xumaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąalidid
m.f.dh eeg bąalid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalidid
-da: (magac, dhedig, keli) curinta gabayga oo laga raago ama laga maago.
baalidid -da: (magac, dhedig, keli) weel aan bilo waxba lagu shuban ama lagu ridan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baariyid
m.f.dh eeg baari². la-mid: baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baariyid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligii la isticmaali lahaa dhaafid. Dh: baaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baawirad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad noocyada tawaariista ka mid ah oo labo ulood leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacid
-da: (magac, dhedig, keli) gorgortanka iibka la xidhiidha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayirid
m.f.dh eeg baayir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayirid
-da: (magac, dhedig, keli) naaxitaan iyo cayilid. Dh: baayiris, baayiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqtiyid
(Baqtiyid-da)
(xoolo) iyadoo aan la birayn dhimasho; geeryoomid; (ama bakhtiyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiyid
m.f.dh eeg baqti². la-mid: bakhtiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) neef isaga oon la biraynin dhinta oo cadkiisu noqdo xaaraan. Baqtiyidda ka ilaali laxda bugta. Dh: bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawinid
m.f.dh eeg caawin². la-mid: caawimid, cawimid, cawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawinid
-da: (magac, dhedig, keli) u gargaarid; kaalmayn; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawiyid
m.f.dh eeg caawi. la-mid: caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabicid
(Daabicid-da)
1. Si daabac ah u qorid.
2. (dhar, kd.) daabac u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabicid
m.f.dh eeg daabac². la-mid: daabac¹ (4), daabacaad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daabicid
Stampatura
To print
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qorayo makiinad ku qorid oo wax waraaqo ku daabacan ka dhigid. Daabicidda wargeysyadu shaqo badan ayay u baahan tahay. Dh: daabicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaficid
(Daaficid-da)
Wax iska celin ama cid kale ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaficid
m.f.dh eeg daafac². la-mid: daafac¹, difaac¹, difaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaficid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax dhibaya ka horjoogsasho oo hoo iyo hiilba la garab joog- sasho. Daaficidda dacwadaha waxa u xilsaaran afookaaga. Dh: daaficis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalicid
(Daalicid-da)
Kor u soo bixid; soo fuulid; soo daalacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalicid
m.f.dh eeg daalac². la-mid: daalac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo daahirid. Daalicidda awliyadu waa sheeko aan sal diineed lahayn. Dh: daahirid, muuqad, daalicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayicid
m.dh la-mid: dayicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayicid
-da: (magac, dhedig, keli) baylihin oo wax dayacan ka dhigid. Ammaanada daayicidda ka daa oo xafid. Dh: halladaadin, baylihin, dayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaqidid
(Faaqidid-da)
Wax la waayey ama lumay doondoonid; baarid; raadin; fatashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaqidid
m.f.dh eeg faaqid². la-mid: faaqid¹, faaqidaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) xog ama aragti, wax ka sheeg. Dh: faaqidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laayicid
m.f.dh eeg laayac². la-mid: layicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayicid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama wax kale, ilaalin la'aan. Dh: lumin, dayicid, layicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqwiyid
(Laqwiyid-da)
Hadal laqwi ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqwiyid
m.f.dh eeg laqwi². la-mid: laqwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqwiyid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal laqwi ah ku hadlid. Haddaad daacad tahay laqwiyidda iska daa. Dh: gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanicid
(Maanicid-da)
Ka celin; u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanicid
m.f.dh eeg maanac². la-mid: maanac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanicid
-da: (magac, dhedig, keli) iska hor taagid deeq cidi cid u fidisay, diidid oo fal ka hortegid. Maanicidda deeqda adu wax ku heli maysid. Dh: horjoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqisid
m.dh la-mid: naaqusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqisid
-da: (magac, dhediq, keli) wax buuxay, in ka dhimid. Dh: naaqusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naawilid
(Naawilid-da)
Filid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawilid
m.f.dh eeg naawil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag soo socda filid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadicid
-da: (n) the act of boycotting; not participating ~ qaadacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaricid
(Raaricid-da)
Laallaadid; lulasho; lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaricid
m.f.dh eeg raarac². la-mid: raarac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raawisid
(Raawisid-da)
(doon, markab) majare ku wadid, ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawisid
m.f.dh eeg raawis³. ld. raawis¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawisid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama mar kab majare toosan ku wadid oo ku toosin.
raawisid -da: (magac, dhedig, keli) saawir afdaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqidid
m.f.dh eeg saaqid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho gudbi waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwicid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabicid
m.f.dh eeg taabac². la-mid: taabac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabicid
-da: (magac, dhedig, keli) raacid; dabaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawilid
m.dh la-mid: taawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax filasho. Dh: rajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawilid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dayid; isku tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbi'id
(Baabbi'id-da)
Tirtirmid; ciribgo'id; qarsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbi'id
m.f.dh eeg baabba'². la-mid: baabba'¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabbi'id
vl. n. destruction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabbi'id
-da: (n) elimination (i-lim neey-shin); eradication (iraadi keey shin) ~ baabbi'in
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbi'id
-da: (magac, dhedig, keli) tirtirmid oo wax masaxmay ahaan. Xinnuhu intuu gacanta ku dhegayo baabi'idda ka ilaali. Dh: masaxmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabbi'id
de: destruction
lx: baabbi'id
pd: (-da)
ps: vn0-f
key: baabbi'id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanjiyid
m.f.dh eeg baanji². la-mid: baanji¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanjiyid
-da: (magac, dhedig, keli) faandigid oo aad wax u doondoonid. Dh: doondoonid, raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashirid
m.f.dh eeg baashir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baashiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakicid
m.f.dh eeg barakac². la-mid: barakac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakicid
-da: (magac, dhedig, keli) qaxooti ahaan u guurid; cabsi ama gaajo u qayaadid. Dagaalladu waxay sababaan barakicidda dad badan. Dh: qixid, qaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiicid
-da: (magac, dhedig, keli) furintaan aad u yar, iftiin tusid uun. Bashiicid yar baa nooga bannaan albaabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawicid
(Dhaawicid-da)
Dhaawac gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawicid
m.f.dh eeg dhaawac².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawicid
-da: (n) the act of injuring or inflicting a wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaawac gaadhsiin oo cawirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabkicid
-da: (magac, dhedig, keli) dareen farxadeed aawadii, gaaddada kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddicid
m.f.dh eeg qaaddac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddicid
-da: (magac, dhedig, keli) diidid oo arrin socda si qayaxan uga hor imasho. Xisbiyada mucaaradku waxay ku heshiiyeen qaaddicidda doorashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahitirid
m.f.dh eeg baahitir². la-mid: baahitir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitirid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, qof ama koox wax tebaysa oo laga bi'iyo tabashada iyo baahida wax u haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqbaaqid
m.f.dh eeg baaqbaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) baaqbaaq ku samayn. Baagbaaqidda beerta, Beylow dibigiiyow, berri baa lagaa sugi. Dh: baaqbaaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawaawicid
(Tawaawicid-da)
Cabasho; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawicid
m.dh eeg tawaawac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhicid
m.dh eeg barbardhac². la-mid: barbardhac¹, barbarkadhac, barbarkadhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhicid
-da: (magac, dhedig, keli) kala gurasho oo kala badinwaa. Barbardhicid barbaartii noqotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadisoocid
m.f.dh eeg baadisooc².