baandheeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandheeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka turubka baandheeya ama wax kale ba baadhbaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Turub, baandho ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baandhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Turub, baandho ku samayn. m.f.dh, baandhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baandhee
v. shuffle (cards)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandhee
-yey say: (v) reshuffle (riishafal). Ex: turubka baandhee; reshuffle cards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhee
(fal) turub isku laaq oo is dhex geli si aan loo kala naqaysan karin. Dh: baandhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baandhee
de: shuffle (cards)
lx: baandhee
pd: (baandheeyey)
ps: v2b=
key: baandhee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baardheere
pr. n., loc. Baardheere [town in south west Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baardheere
de: Baardheere [town in south west Somalia] in Gedo region
lx: Baardheere
ps: n0-loc
key: Baardheere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandheere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laandheere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laandheere
m. n., [compound] clan with many descendants ~ branches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laandheere
-laandheeraha: (n) a member of a majority clan or tribe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laandheere
-ha (magac, lab, keli) qof ka dhashay reer nasab ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laandheere
de: clan with many descendants ~ branches {N}
lx: laandheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: laandheere
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhay
(fal) isdhexgeli oo isku dardar turubka si haadadku isugu dhafmaan. Baandhay turubka oo qaybi. Dh: baandhee.
baandhay: (fal) baadhitaan is dabajoog ah ku samee; fatashaad ku suubbi. Dh: baadh, baandhee, fatash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bandheys
m. n. bandage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaneeye
m.dh Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaneeye
m.dh Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeeye
-ha: (magac, lab, keli) ninka maadda sameeya ce dadka maaweeliya. Aw Kuuke wuxu ahaa maadeeye caan ka ah geeska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhee
(fal) cid kale, dacwad u soo taag oo ku soo oog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacdheer
-ta: (magacwadeer) ceelasha birqodyada ah ee dhaadheer ee waadaanta iyo dawliska lagaga cabbo. Ceelku waa baacdheer oo ciyaar laguma shubo. Dh: matan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baandhayn
(Baandhayn-ta)
(turub) shaandhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhayn
m.f.dh eeg baandhee. la-mid: baandhays (2), baandho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandhayn
-ta: (n) shuffle (shafal); reshuffle (riishafal) ~ baandhada turubka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isku hagaajin iyo isku habaynta turubka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhays
m.l 1. Dhar ay askartu kubabka ku duuban jirtay. 2. la-mid: baandhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhays
-ka: (magac, lab, keli) baandhayn ku samayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BALDHEEJE
(Baldeje) S Tacca leontopetaloides (L)Kuntz. Tacaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandheer
f. n., [compound] strong camel of the herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandheer
-ta: (magacwadareed) magta dhagarta lagu baxsho, geela inta aan lammaanayn oo aan rimmanayn ee galoofta ah. Waxa middii ba loo xisaabiyaa sagaal ama lix laxaad. Li: uurrey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandheer
de: strong camel of the herd
lx: daandheer
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: daandheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaandheer
m.dh Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaandheer
m.dh Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaandheer
f. n. kind of traditional dance (folklore dance)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaandheer
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar jiib iyo jaanba leh oo laga ciyaaro sanaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaandheer
de: kind of traditional dance (folklore dance)
lx: jaandheer
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: jaandheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandheer
f.mg4 (-raa, -rayd) L. ah: qabiil tira badan ama gobnimo ku faano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laandheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Laandheer ah: qabiil tira badan ama gobnimo ku faano. m.f.dh, laandheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laandheer
adj., [expression] of a long noble line, important (clan ~ tribe)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laandheer
de: of a long noble line, important (clan ~ tribe)
lx: laandheer
pd: (laandheeraa)
ps: adj-expr
key: laandheer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maasheeye
name-m drowner; overwhelmer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sardheeye
nickname-m nap-taker, sleep-head. Lit: he who is accustomed to taking a nap or short snooze frequently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sardheeye
magac loo baxsho wiil dhashay xilliga duhurkii ee la inta la hadhimaystay la seexday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandheeri
-da: (magac, dhedig, keli) qaabxumo daanka gasha oo sidii caadiga ahayd daanku ka duwanaado. Daandheerida iyo dalabtuba waa foolxumo. Dh: daandheero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandheero
(Daandheera-da)
Qaabxumo daanka gasha oo uu sidii la rabey ka soo dheeraado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandheero
m.dh Cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu neefku calaliska ku dhibtoodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandheero
f. n., [compound] deformity of the jaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandheero
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daandheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandheero
de: deformity of the jaw
lx: daandheero
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: daandheero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandheeri
m.dh la-mid: laandheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laandheeri
f. n., [abstract] nobility, social importance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laandheeri
-da: (magac, dhedig, keli) abtirsiga iyo isirka meel fog ka soo jeeda ee asiiliga ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laandheeri
de: nobility, social importance
lx: laandheeri
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: laandheeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaardheere
m.l Dhicis xoolaad oo nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaaddheere
-ha: (magac, lab, keli), ilmo aan dhammays ahayn oo geelu dhalo, oo gaajo ama harraad soo tuuray isaga oo aan shinkiisii buuxsamin, welise nool. Dh: afkuxuuble, dhicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahbahleeye
-ha: (magac, lab, keli) eeg bahbahle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casardheere
m.l la-mid: casardheer.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARA-DHEERE
(Faradere) N Entada abyssinica A.Rich. Mimosaceae.
N Entada leptostachya Harms: Mimosaceae.
N Farsetia longisilinqua Decne. Crucferae
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansheegte
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof qaansheeg soo qortay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansheegte
m. n. creditor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansheegte
-qaansheegtaha: (n) one who sends an invoice or bill to customers; creditor (karedhi-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansheegte
-ha: (magac, lab, keli) qof cid kale deyn ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansheegte
de: creditor
lx: qaansheegte
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaansheegte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadacdheere
m.l Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Afgooye oo leh sacab iyo biro layska garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaad-dheere
m.l Afkuxuuble.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabusheeye
m. n. organizer, programmer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabusheeye
de: organizer, programmer
initial: t
lx: tabaabusheeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tabaabusheeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiye
-ha: (magac, lab, kel) dhulka magaalada ka baxsan ee xoola dhaqatadu dego. Dh: miyi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahiye
-ha: (magac, lab, keli) qof ama qalab war ama wax kale baahiya oo dhul badan gaadhsiiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baanbey
m.dh (-nan, m.l) Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandho
m.dh Isku qasidda ranka iyo biigga turubka. la-mid: baandhayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandho
-baandhada: (n) shuffling; mixing together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandho
-da: (magac, dhedig, keli) turubka is dhexgelintiisa si haadadku isugu dhafmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaniye
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid bukaan ah baxnaaniya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Dhunko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashee
(fal) eeg baashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhee
f.mg2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Neef irmaan candho keenid. 2. Neef sid dhaweeyey gor yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candhee
v. swell, be filled up with milk (of the udder); show signs of pregnancy (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhee
(fal) candho kuusan yeelo. Qaalin yahay waad dhawaatee candhee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candhee
de: swell, be filled up with milk (of the udder); show signs of pregnancy (of animals)
lx: candhee
pd: (candheeyey)
ps: v2b=intr
key: candhee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeeye
-ha: (magac, lab, keli) natiijada ka soo baxda isla falgalka labo xisaabood iyo in ka badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaheeye
-ha: (magac, lab, keli) qalab tilamaama jahada oo lagu hago maraakiibta iwm. Jaheeye ayaan ku hagay markabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandhe
n. phr. son!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhe
(ereydhawaaq) qof labood ah oo lala. hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. Dh: maandhow, wiiloow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandhe
de: son! {C & S}
lx: maandhe
pd: (maandhow)
ps: np-voc
key: maandhe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhee
f.g2 (-dheeyay, -dheysay) Qandho kicin. la-mid: qandhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandhee
v. produce a fever in someone; make someone ill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhee
(fal) xummad iyo xanuun aan badnayn ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandhee
a: qandhi (qandhiyey) [v2a=tr]; rw: qandho
de: produce a fever in s.o.; make s.o. ill
lx: qandhee
pd: (qandheeyey)
ps: v2b=tr
key: qandhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Alwaax raando ku simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raandee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Alwaax raando ku simid. m.f.dh, raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdheere
m.l Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdheere
m.l Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdheere
m. n. nosy ~ nasty person, one who interferes with others and cannot be trusted
afdheere m. n. grain weevil ~ small coleopteran species, (Calandra granaria)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdheere
-ha: (magac, dhedig, keli) hadhuudhka jaad ka mid ah oo af yuuban leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaddiye
(Baaddiya-ha)
Meel aan magaalooyin ku ool; miyi; (ama baadiye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaddiye
m.l Berriga intaa aan magaalo ama tuulo ahayn.