baalxooftayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalxooftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baalxoofto samayn oo hanjabaad; gooddi iyo cagajuglayn la imasho. Baalxooftaynta iska dhaaf oo bannaanka u soo bax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaxooftayn
m.dh la-mid: boolixooftayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolixooftayn
m.f.dh eeg boolixooftee. la-mid: boolaxooftayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalxooftee
(fal) cid kale u cagajuglee; isku taartaar oo u hanjab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalaxoofto
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad aan run ahayn; cagajuglayn been ah, gooddiyid aan dhab ahayn. Dh:goolaaftan, jiirfeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalgoroyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u labo ruux oo looltamaya, dagallaamaya soo dhexgelid oo labada mid u hoosaasin ama u hoodaadin; labo qof oo ishaysa, midkood si dadban ugu hiilin; u mijin qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftay
(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaaljoogtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dabbaaljooglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaljoogteyn
m.dh la-mid: dabaaljoogleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljoogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabaaljoogo samayn. Dabaaljoogaynta ayaan dabaaljirjirraynta ka jecelahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaaljooglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha dhexdooda isku taagid adiga oo aan cagaha dhulka ku haynin. Dh: dabbaaljoogto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaaljoogtays
-ka: (magac, lab, keli) eeg dabbaaljooglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaaljoogteyn
m.dh la-mid: dabaaljoogleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayoonayn
m.dh (kiimika) Habka soo saaridda ayoonnada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayoonayn
m.dh (kiim.) Habka soo saaridda ayoonnada. ab m.l.u 1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayoonayn
vl. n. ionization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayoonayn
de: ionization
lx: aayoonayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: aayoonayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg balxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardootan
bardootan¹: m.l la-mid: bardoodan¹.
bardootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: bardooddan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryootan
(Baryootan-ka)
Baryo is dabajoog ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryootan
baryootan¹: m.l 1. Baryo badan. 2. la-mid: baryootamid.
baryootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Si aad ah cid u baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baryootan
baryootan¹: m.l Baryo badan.
baryootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Si aad ah cid u baryid. m.f.dh, baryootamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baryootan
m. n. begging, mendicancy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baryootan
-ka: (n) the act of begging or making an earnest request or petition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryootan
-ka: (magac, lab, keli) baryo aan ka la go' lahayn oo taxan ku kac. Baryootanka badan baahi kaama tiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baryootan
de: begging, mendicancy
lx: baryootan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baryootan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootan
(Gaafootan-ka)
Wadaag qaarba kol wax qabto; gaafeysi; kaltan; jilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafootan
gaafootan¹: m.l 1. Kaltan. 2. la-mid: gaafootamid.
gaafootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax ku kaltamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafootan
v. alternate, take turns
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafootan
-ka: (magac, lab, keli) hawl uu qofba mar qabto. Gaafootan baa lagu wada shaqaynayaa. Dh: kaayaysi, kaltan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafootan
de: alternate, take turns
lx: gaafootan
nt: gaafootan (ka) [vn2-m] 'alternation, taking turns'
pd: (gaafootamay)
ps: v1=recip
key: gaafootan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxooxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) budo laxoox ka dhigid. Dh: kimisayn, loxooxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si mukur ku jiro u sheekayn. Malookayn dumarbaa lagu yaqaan. Dh: mukurid, malookays.
malookayn -ta: (magac, dhedig, keli) madaxa timaha ka wada xiirid oo gunta gu jarid. Dh: moolayn, malookays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaloogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax taaloog leh ahaansho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajootan
xaajootan¹: m.l Arrin ka doodid.
xaajootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La x.: cid arrin kala garramid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaajootan
xaajootan¹: m.l Arrin ka doodid.
xaajootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La x.: cid arrin kala garramid. m.f.dh, xaajootamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaajootan
m. n. negotiation, discussion
xaajootan v. negotiate, discuss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajootan
-ka: (magac, lab, keli) wada xaajood iyo wada tashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabaha oo dhaashi midabaysan la mariyo oo lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalgorayo
m.dh Marka meseggada ama gallaydu sabuul yeelan rabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalgorayo
-da: (magac, dhedig, keli) baalasha gorayada mid ka mid ah ee mamayuuxsan. Baalgoroyo waa tuu gashaday geesigaan dhalaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayhoofsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid bayhooftay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayhoofsan
(tilmaame) wax dayacan oo baylahasan. Dh: jaahwareersan, basanbaasan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faahoortan
-ka: (magac, lab, keli) si faataadhuglayn ah u socod; si isqaadqaad ah u socosho. Faahoortan ayaad usocotaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmootin
m.f.dh eeg qaalmooti. la-mid: qaalmootis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaangaadh noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloofitaan
-ka: (magac, lab, keli) maro iyo wax la mid ah, dalool lahaansho. Dh: daloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maantoolayn
m.f.dh eeg maantoolee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maantoolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sheeko xariir ka sheekayn. Dadkii hore ayaa maantoolaynta ku fiicnaa. Dh: sheekaxariirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sax ahaan, aan wax dhib ah qabin. Saalloonaan baan kaga imi ee dabaday baa la helay. Dh: fayoobaan, qummanaansho, hagaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaloognaan
m.f.dh eeg taaloogan. la-mid: taaloognaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayhoofitaan
-ka: (magac, lab, keli) bayhoofid iyo baylahi hayso. Bayhoofitaan iyo baylahda ka muuqata reerka boohinta ceshan kari maysid. Dh: basanbaasitaan, jaahwareeritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaaljoogleyn
(Dabaaljoogleyn-ta)
Biyaha dhexdooda isku taagid iyadoo aan cagaha dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaljoogleyn
m.f.dh eeg dabaaljooglee. la-mid: dabaajoogteyn, dabbaaljoogleyn, dabbaaljoogteyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljoogleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dabaaljoogayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalguditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaalgudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaalmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaroobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaaroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolaxgootayn
m.f.dh eeg foolaxgootee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolaxgootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si kibir iyo isqaadqaad ah u hanjabid. Dh: foolaxgooddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) doodoonitaan wax lumay la raadiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saalaxweeteyn
m.f.dh eeg saalaxweetee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaaljoogleyn
m.dh la-mid: dabaaljoogleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalloobitaan
-ka: (magac, lab, keli) salsallaabid.