ereyga

baalkarridid

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baalkarridid

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudh tumid oo gal ka saarid ama gal ka ridid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baalkarrid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudh la tumay oo baalka laga saaray ama laga riday. Dh: buunshabixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

baalka bidix

DHAFANDHAAF

left winger

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

baalka midig

DHAFANDHAAF

right winger

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

raarridid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg raarrid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baankariis

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh laga helo lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyotobanlaha iyo beeryarada dhexdhooda. Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya marinka baankariyeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baankariis

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh laga helo lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyo-tobanlaha iyo beeryarada dhexdhooda. Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya marinka baankariyeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waxkaridid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qiimo dhin samayn oo qiimihii asalka ahaa wax ka naaqusid. waxkasta: (tilmaame) shay walba; wixii jira oo dhan. Nabaddaa waxkasta ka wayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

baalkaabiyood

DHAFANDHAAF

-da: (n) dragonfly (daraagan falaay)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baalashid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baalash². la-mid: baalasheyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baarramid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baarran². la-mid: baarran¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baarramid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) afeefasho oo cudurdaar sii qaddimasho, ballamid. Baarramid hore haddaad lahayn adkayso. Dh: baarrimasho, afeefasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baarrimad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) afeef sii dhigasho; Intaanad hadal horteed baarrimaad dhigto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

baarriyad

DHAFANDHAAF

-da: (n) an obedient daughter, especially to her parents

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laalaadid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka lulasho. Dh: lulasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abaaldarid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dafiraadda wanaag laguu geystay ama celinla'aantiisa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baaltaagid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baaltaag². la-mid: baaltaag¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baankariya

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qanjidh ku ladhan marrinka dheefshiidka ee ku meelaysan caloosha agteeda. Wuxuu soo saaraa hormoonka insuliinta. Dh: beeryar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caalsaarid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg caalsaar².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dalkakicid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) colaad iyo abaar dartood, dalkii la degganaa oo looga guuro. Dh: dalkaqixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Laallaadid

DHAFANDHAAF
1

(Laallaadid-da)

2

Meel sare surnaan, ka lulasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

laallaadid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg laallaad². la-mid: laalaadis².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Sakaraadid

DHAFANDHAAF
1

(Sakaraadid-da)

2

Sakaraad noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sakaraadid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg sakaraad².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sakaraadid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) sakaraad noqosho, xanuunka geerida. Dh: xaraarugid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xawlmariid

DHAFANDHAAF

m.l Xididdo waaweyn oo surka ku yaal midkood coobe. la-mid: xawlalmariid

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xawlmariid

DHAFANDHAAF

m. n. jugular vein

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xawlmariid

DHAFANDHAAF

-ka: (n) jugular ijagi-laar); jugular vein; large artery of the neck

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xawlmariid

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xidid hal-bawle ah oo mara luqunta xaggeeda hore oo dhinac u badan. Dh: xawlalmariid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xawlmariid

DHAFANDHAAF
1

a: xawlalmariid

2

de: jugular vein

3

initial: x

4

lx: xawlmariid

5

pd: (-ka)

6

ps: n2a-m

7

key: xawlmariid

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baarbaarrid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) daanshadaanshood iyo tamashlayn; socod ladnaansho ka muuqdo. Baarbaarrid beryaha abaareed kuuma qummana. Dh: daanshadaanshood, tamashleyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barbardi'id

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg barbarda'².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barbardi'id

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) roob, dhinac ka da'id. Roobku wuxu u socdaa barbardi'id.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Barkadhicid

DHAFANDHAAF
1

(Barkadhicid-da)

2

Waxbarkasho-xumo darteed, muruqyada surku xanuunid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barkadhicid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg barkadhac². la-mid: barkindhicid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barkadhicid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) surka oo barkinka ka dhaca. Dh: barkindhicid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanadiidid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhamista caanaha ama dhaadhista naaska ka joogsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dalkaqaadid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhul laga. qaado dadkii lahaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dubbarridid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dubbarrid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dubbarridid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) isku hagaajin oo isla falgelin. Jaamac ayaa dubbarididda laanta cusub ee xisbiga u xilsaaran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

saamajiidid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg saamajiid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bankarroorid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg bankarroor².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bayrbayriyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg bayrbayr². la-mid: bayrbayr¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaalaabbixid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) kolba meel gelid oo ka bixid; booqashooyin is daba joog ah samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jaawqarrerid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jaawqarrer².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Marmaarriyid

DHAFANDHAAF
1

(Marmaarriyid-da)

2

Si marmaarri ah, wax meel ugu mudid, u gelin, ugu librin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

marmaarriyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg marmaarri². la-mid: marmaarri¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

marmaarriyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ku cadaadin oo meel cidhiidhi ah ku jujuubid. Marmaarriyidda musbaarku gidaarka way jebisaa. Dh: jujuubid, cadaadin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalgaroobid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qaaliyoobid: wax qiimo sare leh noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qaalmarrogad

DHAFANDHAAF
1

(Qaalmarrogad-ka)

2

Qaalmarrogasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qaalmarrogad

DHAFANDHAAF

m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba. la-mid: qaalmarrogasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qaalmarrogad

DHAFANDHAAF

m.l Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barbarkadhicid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: barbardhicid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ballaanqaadid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey ama la isku raacay fulinteed; u ballanqaadis cid si aad ugu fuliso waxa ay tabanayso ama doonayso ciddaasi. Dh: ballangelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

garabka midig

DHAFANDHAAF

(expression) [politics]: conservative faction of a group; rightwing (raayt wing) ~ xisbi iwm, oo muxaafid ah

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qaaligaroobid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg qaaligarow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaaligaroobid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qaali noqosho: qiimihii caadiga ahaa ka siyaadid. Dalabka badani qaaligaroobidda qayb ayuu ka yahay: Dh: qaaliyoobid, qaaligaraw.

waa la naqliyay ✓