baalfallaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalfallaadh
-a: (magac, lab, keli) shimbir calool cad dhabarkana madaw iyo buluug ah oo baadad dhaadheer oo falladh u eg iyo dabo fantaxle leh oo xiiliba meel u hayaanta oo kooxkoox u duula.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalfallaar
(Baalfallaar-ta)
Mid ka mid ah shinbiro wadajir u duula oo xilliba dal u talaaba; caloosha waa ka caddahay, dhabarkuna waa madow iyo buluug isku darsan; waxay leedahay baalal dheerdheer oo fallaarta u eg, iyo dabo ganto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalfallaar
m.dh Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baalfallaar
f. n., [compound] swallow (bird)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalfallaar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baalfallaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baalfallaar
de: swallow (bird)
lx: baalfallaar
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: baalfallaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balawaadh
-ka: (magac, lab, keli) eeg bahardaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalaadhi
(fal) wax isku yaalla ama isku duuban, kala saarsaar oo fidi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faamallaydh
-ka: (magac, lab, keli) daldaloollo hawadu ka soo gasho guriga daarta ah oo daaqadaha ka korreeya; dariishadda yar ee aan badanaa la furin oo hawadu ka baxdo kana soo gasho oo ka korraysa daaqadaha waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalliidh
(fal) faas ama gudin ku yaryaree xaabo iyo wixii la mid ah. Dh: jeexleex, dildullaaci.
falfalliidh -ka: (magac, lab, keli) digir inta la dubo oo la tumo la kariyo. Dh: faracad.
falfalliidh-ka: (magac, lab, keli) wax la jeexjeexay ama la dildillaacshey; wax falliidho laga dhigay. Dh: falfalliir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaballaadh
-ka: (magac, lab, keli) neef dhasha shinkiisii oo shan iyo toban cisho ay ka hadhsan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaldillaacsi
m.l la-mid: baaldillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaldillaacso
f.mg3 (-saday, -satay) Heerkii ay ku duuli lahayd gaarid (shinbir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalballaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) dal dad kali leeyihiin xoog ku qaadasho oo kaagii ku darsasho. Dh: dalballaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalallee
(fal) ugu horree kolka wax la qabanaay. Dabbaasha noo baalalee. Dh: horree, daar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalalley
(Baalalley-da)
Bahalhoosaadka duula jaad ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalalley
m.dh.u Xasharaad yaryar oo baalal leh sida badan waqtiga roobka la arko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalalley
m.dh.u Xasharaad yaryar oo baalal leh sida badan waqtiga roobka la arko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baalalley
f. n., [collective] butterfly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalalley
-da: (magacwadareed) cayayaanka duula jaad ka mid ah oo ka dhasha roobka.
baalalley: (ereycodeed) carruurtu tidhaahdo marka ay biyaha ku ciyaarayaan, iyaga oo uga jeeda saydhista biyaha. Biyo batalaq baalalley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baalalley
de: butterfly
lx: baalalley
pd: (-da)
ps: n2-f-col
syn: balambaallis
key: baalalley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baallacad
m.dh (-ddo, m.l) Nooc warmaha yaryar ka mid ah oo aan caarad dhuuban lahayn, lehna af ballaaran iyo tiir weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallacad
-da: (magac, dhedig, keli) walax bir ah oo hub ahaan loo isticmaalo. Bir la afeeyay oo uu soofuhu labada dhinac caddeeyay ama hillaacaysa. Dh: abley, toorri, toorrey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baayac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalaad
m.dh la-mid: beddelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaadhi
v. widen, broaden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaadhi
yey / say: (v) expand (ikispaandh); widen (waaydhen); make wide ballaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhi
(fal) ka yeel wax fidsan. Innoo ballaadhi gogosha. Dh: fidi, ballaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaadhi
a: ballaari
de: widen, broaden
lx: ballaadhi
pd: (ballaadhiyey)
ps: v2a=
key: ballaadhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqaad
-da: (magac, dhedig, keli) weel ama aqal xidhnaa, wax af bannaan ka dhigid. Ballaqaadda afaafka ka ilaali yaanay tuugtu kuu soo geline. ballaqad -ka: (magac, lab, keli) eeg ballaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daafacaad
m.dh Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daafacaad
m.dh Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafacaad
-da: (magac, dhedig, keli) iska caabbin xoog kale oo kaa soo horjeeda. Daafacaad adag ayaa cadawgii lagu sameeyey. Dh: difaac. Li: weerar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalaad
m.dh la-mid: dąldalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daldalaad
-da: (n) hanging (haang-ing); killing by hanging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalaad
-da: (magac, dhedig, keli) dil qofka la dilayo inta xadhig qoorta loo geliyo meel laga soo laadlaadiyo. Dh: daldalid.
daldalaad-da: (magac, dhedig, keli) wax aan kala go' lahayn, si is dabajoog ah oon kala go' lahayn u wadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalallaw
-ga: (magac, lab, keli) qofka faalka yagaan ama adeegsada. Dh: faaliye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadho
-ha: (magacwadareed) 'xisaab' urur baro ah oo ka kooban bar xariiq ku taalla iyo dhaamaanba bara dhinac ka xiga oo ku yaalla xariiqda.
fallaadho-ha: (magacwadareed) fallaadho birtu qalloocin karin oo dhex mara walxaha ilaysku ka gudbi karin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gal-Allah
name-m God's sheath
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel sare ka raaricin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laallaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel sare ka raaricin. m.f.dh, laallaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laallaadi
v. hang up, suspend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laallaadi
-yey / say: (v) hang down so as to make free movement; suspend (sas peendh) ~ raarici
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laallaadi
de: hang up, suspend
lx: laallaadi
pd: (laallaadiyey)
ps: v2a=tr
key: laallaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarranaad
-ka: (magac, lab, keli) afeefashada wax laga afeefto oo laga shardamo. Baarranaadka hadalkeennu waa kow dheh, beentiyo isdhaaf-dhaafku waa belo dheh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballanqaad
(Ballanqaad-ka)
Ballangal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanqaad
ballanqaad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Caddeynta cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la soo dalbaday. la-mid: ballangaal¹.
ballanqaad²: f.g1 (-day, -dday) Wax lagu heshiiyay ama lays faray ballanteeda qaadid. la-mid: ballangal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballanqaad
ballanqaad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Caddeynta cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la soo dalbaday.
ballanqaad²: f.g1 (-day, -dday) Wax lagu heshiiyay ama lays faray ballanteeda qaadid. m.f.dh, ballanqaadid. la-mid: ballangal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballanqaad
v., [compound] promise, make a deal
ballanqaad: vl. n., [compound] making a promise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballanqaad
-ka: (n) a pledge to do; promise (paromas); commitment, assurance
ballanqaad: -ay/day/een: (v) pledge to do; promise (paromas); commitment or assurance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BALLANQAAD
Fide-iussione
Fidejussion, surety
Waa ballanqaadid qoraal ah oo qof ku oggolaanayo dammaanad qof kale laga doonayo, xilka bixinteedana mas'uul uga noqonayo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ballanqaad
Promessa; fide-iussione
Promise; fidejusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanqaad
-ka: (magac, lab, keli) axdi dad lala galo ama ballan loo qaado in wax loo samayn doono ama loo suurtagelinayo. Ballanqaad lama sameeyo, haddaad samayso na waa la fuliyaa. Dh: ballangal, ballangqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalfalad
m.l la-mid: camalfalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallallaan
(Qallallaan-ta)
Wax qallalan ahaan; engegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallallaan
f. n., [abstract] dryness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallallaan
de: dryness
lx: qallallaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qallallaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahillaawe
m.l Qofka aan cidna u baahnayn; Alle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahillaawe
midka aan wax baahi ah qabin; ka aan wax ba u baahnayn. Dh: Alle, Ilaah, Ilaahey, Eebbe, Rabbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullalaydh
-ka: (magac, lab, keli) rasaas ifta oo habeenkii samada loo rido si ay wax u iftiimiso, ciidamadu cadowgooda ku arkaan. Magaaladii waxa dharaar lagaga dhigay buullalaydh. Dh: ifiso, buullalayr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku yaalla ama isku duuban, kala saarsaarid oo fidin. Dh: balbalaarin, balballaadhin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balballaaran
adj., pl. wide, broad, spacious, large (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balballaaran
(adj) 1. broad (baroodh); wide in extent from side to side ~ ballaaran. 2. covering a wide scope; general ~ faahfaahsan Ex: akhbaar balballaaran; general information
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balballaaran
de: wide, broad, spacious, large (ones)
lx: balballaaran
pd: (Sg: ballaaran)
ps: adj-pl
key: balballaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaldillaacsad
m.l la-mid: baaldillaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhulballaadhsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey ama la isku raacay fulinteed; u ballanqaadis cid si aad ugu fuliso waxa ay tabanayso ama doonayso ciddaasi. Dh: ballangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalomadhan
-ta: (magac, dhedig, keli) labada dambee daalallo oo ku beegan godadka 21-22 lehna saadaal taban. Daalallo madhan gabadha dhalataayi way guur beeshaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalliidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku yaalla dildillaacin ama jejebin. Dh: dildillaacin, jeexjeexid, falfalliirid.
falfalliidhid -da: (magac, dhedig, keli) digir iyo wixii la mid ah falfalliidhid; falfalliidh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalbilaash
m.dh Iilka maahane xabaasha inteeda kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalbilaash
-ta: (magac, dhedig, keli) bora ay bahaluhu qotaan. Xabaalbilaash ayuuj Dh: god.
xabaalbilaash-ta: (magac, dhedig, keli) xabaasha inta aan iilka ahayn ee hoos loo qodo. Dh: xabaal-faras.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldarnaansho
m.l/dh la-mid: abaaldarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaadhsad
-ka: (magac, lab, keli) qorshe ujeeddadiisu tahay in dhul dad kali leeyihiin xoog ama xeelad lagu qaato. Dh: dhulballaarsi.