baaleey-baroorto
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAALEEY-BAROORTO
(Balei-barorto) S Heliotropium cineriscens DC. Boraginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalleybaroor
-ka: (magac, lab, keli) eeg baallay-baroor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallaybaroor
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan duula oo balambaallista la jaad ah, inuu iskii hawada isku taago na awood u leh. Gaar ahaan, waxaa u ku nolyahay meelaha biyaha leh. Dh: boollibarooro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boollibarooro
-da: (magac, dhedig, keli) noole la bah ah balambaallista oo afar baal leh, meelaha biyaha dul wareegaa. Boolibarooro biyo lagama biyo laga ag waayo. Dh: baalalley.