baalal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalal
m.l 1. Dad daawanaya cayaarta xayaadka. 2. (w) eeg baal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalal
(Faalal-ka)
1. (geedo, kd.) iyadoo aan kor loo dheeraan ee dhulka korkiisa ama wax kale korkood, lagu ballaarto sida qaraha.
2. Agagaar; arar.
3. Manjabbaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalal
faalal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. la-mid: faalalid.
faalal²: f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faalal
f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid. m.f.dh, faalalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalal
m. n. creeping plant, creeper, rambler; surrounding area; a stroll, ramble
faalal v. grow sideways, ramble (of a plant)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faalal
-ay / faalashay: (v) scatter (iskaater); drift apart; branch out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalal
(fal) dhulka dushiisa ku baah oo ku ballaadho, dhulka ama meel ballaadhan ku fid.
faalal: (tilmaame) meel ballaadhan oo gudo weyn oo waxa kolkaa loo doonayo qaadi karta. Gurigu waa faalal. Dh: agagaar, arar.
faalal -ka: (magac, lab, keli) geedaha iyo wixii la mid ah, iyaga oo aan kor u dheeraane dhulka korkiisa ama wax kale korkood, ku ballaadha, sida qaraha iyo cinabka.
faalal -ka: (magac, lab, keli) manjabaxsiga iyo tamashlaynta meel aan reeraha ka fogayn. faalali: (fal) ballaadhi oo fidi. Innoo faalali fadhiga. Dh: ballaadhi, waasici. Li: cidhiidhi, kiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayax
(Ayax-a)
Bahal yaryar oo baalal leh, oo tiro badan, oo si daruur la moodo isu raaca oo u duula, oo dhirta iyo beeraha baabbi'iya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayeeyo-lugdheer
(Ayeeyo-lugdheer-ta)
Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalalley
(Baalalley-da)
Bahalhoosaadka duula jaad ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalfallaar
(Baalfallaar-ta)
Mid ka mid ah shinbiro wadajir u duula oo xilliba dal u talaaba; caloosha waa ka caddahay, dhabarkuna waa madow iyo buluug isku darsan; waxay leedahay baalal dheerdheer oo fallaarta u eg, iyo dabo ganto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baranbaro
(Baranbara-da)
Cayayaan madow ama guduud-madow ah oo leh baalal jiidan, lugo dheerdheer iyo geeso aad u miiqan; waxay ku badan tahay jikada, kortagga iyo meelaha aan nadiifka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayuurad
(Dayuurad-da)
Gaadiid la duuliyo oo baalal leh oo dadkiyo alaabadaba qaada, qaarkoodna lagu dagaallamo oo aad u dheereeya (ama diyaarad)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiidhiiyo
(Dhiidhiiya-da)
Cayayaan madaxa iyo qaarka hore wax adag oo kurtummo yaryar lihi kaga rogan yihiin oo aan baalal lahayn oo qaar danbe oo buuran oo jiidan leh; xaabley; uxu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiqle
(Dhiqla-ha)
Cayayaan yaryar oo aan baalal lahayn oo dhiigga dadka nuuga: wuxuu galaa sariiraha iyo gogosha kaloo lagu seexdo ama lagu fariisto; kataan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaar
(Fallaar-ta)
1. Ul dhuuban oo doc bir dhego lihi kaga jirto docna baalal iyo fantax ku leh oo qaansada laga rido.
2. Gamuun; leeb.
3. (cudur) jeeniwareen; oofwareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidmeer
(Fiidmeer-ta)
Nafley shinbir u eg aanse ahayn: waxay leedahay baalal xuub adag ka samaysan oo ay ku duusho, naaso iyo caano dhasheedu nuugto, arag aan fiicnayn iyo karti lala yaabo oo ay cayayaanka ku hesho oo ku eryooto, kuna garato oo kaga leexato wax kastoo ka hor yimaada iyadoo aan orodkeeda inna dhimayn; habeenkii bay ugaarataa maalintiina waa ay nasataa oo meelay iska lushaa iyadoo foororta; kibilli ama kobolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedaggable
(Geedaggabla-ha)
Cayayaan yar oo baalal leh, baalkoraadku qolof yahay sida kan geesoolaha; sida bulunbulyada si ka daran buu alwaaxda iyo qoryaha u cunaa, siiba kuwa qoyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goroyo
(Goroya-da)
Shinbiraha hadda adduunka ku nool tan ugu weyn; waxay ku dhaqantaa Afrika iyo Bariga Dhow, waxay leedahay sur dhuuban oo dheer iyo madax yar; lugo iyo bowdyo diiran oo mid waliba ku dhammaato labo suul; baalal gaaggaaban oo ayan ku duulin, aadse u qurux badan (kuwa haldhaaga); warriile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Injir
(Injir-ta)
Bahalhoosaad yaryar oo aan baalal lahayn oo dadka aan aad u hufnayn timaha iyo dharka ka gala oo dhiigga dadka ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majallad
(Majallad-da)
Wargeys sida buugga u baalal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quraanyo
(Quraanya-da)
Bahal xasharaadka kamid ah, oo jaadad badan u kala baxa, oo beel beel u dega: maamulkoodu siyaalo badan buu kan dadka ugu eg yahay. Buulallada dhexdeeda hawsha laga qabto oo kale, meel laga qabtaa waa dhif; qaarkood yar (laboodka iyo boqoradaha yaryar) baalal bay lee yihiin; oogadoodu waxay u kala baxdaa madax iyo saab iyo qaar danbe, oo uurkii uga dhigan, iyo lix addin iyo labo gees; (ama quraanjo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salammadle
(Salammadla-ha)
Shinbir Afrika ku nool, oo aad u xoog badan; wuxuu lee yahay sur iyo lugo dheerdheer, dabo dheer oo dhulka gaarta iyo cuntub baalal fiiqfiiqan ah oo qadaadka ka taagan; wuxuu cunaa oo aad u laayaa halaqa oo sidaas darteed dhulal badan waa mamnuuc in la dilo; kolkol dhulkuu ku ordaa oo fardaha kama gaabiyo, hadduu duulona aad buu cirka ugu fogaadaa; (ama shalammadle).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shilin
1. (Shilin-ka) Lacag ka dhigan gini labaatan meelood loo qaybshey meeshi; 100 senti; astaantiisu waa (/–).
2. (Shilin-ta) Xasharaad jaadad badan ah, oo dhiigga nuuga, oo aan baalal lahayn, oo dadka iyo nafleyda kaleba cuna, cudurrana keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinbir
(Shinbir-ta)
Nafley lafdhabar leh oo ugax dhasha oo dhiig kulul, oo baalal leh oo duusha; haad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaashi
(Xaashi-da)
1. Baalal xalxalleefsan oo jiljilicsan oo aad u waxtar badan; qaar waa adag yihiin oo weelal iyo galal wax lagu gurto baa laga sameeyaa qaarna wax baa lagu dhisaa; qaar korkoodaa wax lagu qoraa ama lagu daabacaa, qaar wax baa lagu duubaa, qaarna siyaalo kale oo badan baa wax loogu qabsadaa.
2. Warqad qoran oo la isu diro.
3. Warqad iska cad oo aan wax ku qornayn; (ama xaanshi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayax
m.l.u (cilmiga naflayda) Cayayaan yaryar, oo baalal iyo lix lugood oo labada dambe ka dhaadheeryihiin kana xoog badanyihiin kuwa kale leh, koox koox aad u badan isu raaca oo dhirta iyo dalaggaba waxyeeleeya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baalalay
-da: (n) birds that can fly ~ haad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalbaal
m.l Macmacaan ka samaysan bur, sonkor iyo ukun oo sida baalka oo kale loo googooyay oo saliid lagu dubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalash
baalash¹: m.l 1. Rinji midabbo badan leh oo gasacado yaryar ku jira oo kabaha la mariyo, luujito. 2. Burush.
baalash²: f.g1 (-shay, -shtay) Kabo luujito marin. la-mid: baalashee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalash
f.g1 (-shay, -shtay) Kabo luujito marin. m.f.dh, baalashid. la-mid: baalashee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalash
-ka: (magac, lab, keli) dhaashiga midabka leh ee kabaha la mariyo si bilicdooda loo muujiyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalcad
baalcad¹: m.dh Waxaro abab ah.
baalcad²: m.l 1. Qaloon loogu talagalay in Alla bari lagu samaysto; salool. 2. la-mid: baalcas.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baalcad
name-m white-sided; lit: bald on one side of the head at birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalcad
-da: (magac, dhedig, keli) middi aad u af badan; middi xiiraysa waxay taabato.
baalcad: (tilmaame) 'neef' dhinacyadiisa midi cadyahay. Sicii baalcad wuu dhalay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalcas
m.l Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. la-mid: baal¹ (4), baalcad² (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalcas
m.l Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. la-mid: baal¹: (4) , baalcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaal
-ka: (magac, lab, keli) darxumo badan; ba' iyo hoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaybal
m.l (dii.) Kitaabka diimeed oo muqaddaska u ah Yahuudda iyo Kirishtaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaybal
m.l (dii.) Kitaabka diimeed oo muqaddaska u ah yahuudda iyo kirishtaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalaw
-ga: (magac, lab, keli) dhaqan adaygga iyo naxariisdarrada; yeelashada sifooyinka dugaagga. Bahalaw reer laguma dhaqo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BALALAG
[BALALEG] Platycelyphium voense 01
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BALALAQ
[BALALAL] Loewia glutinosa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BALALAQ
(Balalak) C Loewia glutinosa Urban. Turneraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalaw
-da: (magac, dhedig, keli) xog ama war dhab ah, laakiin daalaadhac ku geyooda ama lagu helo. Balalawda tebinteeda iyo dhiilladiyo baaqa. Dh: kufaakac, dalankac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalax
(ereycodeed) lagu tusmeeyo shubmidda dareere sida biyaha iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batalaq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo lug xoog ugu dhec dhacday biyo si biyuhu kor ugu duulduulaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalo
-da: (magacwadareed) bilo ka mid ah bilaha jiilaalka, labada bilood ee ka horreeya bisha u dambaysa jiilaalka ee cirirka. Dhaxantii daalalada ayaan ku harqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alal
f.mg1 (-alay, -ashay) Xanuun la taahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alal
f.mg1 (-alay, -ashay) Xanuun la taahid. m.f.dh, alalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alal
(fal) qayli; cod dheer oo la maqlo samee.
alal-ka: (magac, lab, keli) ceel durugsan oo geelu in badan u socdo u kallihid. Dh: hoosubax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baal
1. (Baal-ka) a) Garbaha wixii duulaa ku duulaan midkood; baad, b) Xashi labo bog leh. c) Buunshe.
2. (Baa-sha) Doc; dhinac; gees.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baal
baal¹: m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. la-mid: baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baal²: m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tusaale: “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baal
baal¹: m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. la-mid: baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baal²: m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tusaale: Baasha midigta ee albaabka istaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baal
m. n. wing, feather; leaf; page
baal [feminine] n., loc. side, edge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baal
-ka: (n) 1. feather (feether) baal shimbireed 2. wing (wing) ~ garab 3. page (peeyj). Ex: baalka buugga; the page of the book
baal -baasha: (n) side (saaydh) ~ dhinac
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Baal
Foglio
Sheet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baal
-ka: (magac, lab, keli) cudur xummad badan oo dadka ku dhaca.
baal -ka: (magac, lab, keli) laan ka mid ah laamaha dhogorta leh ee baadka wixii duula. Baal gorayo ayuu Cali madaxa gashaday. Wa: baalal.
baal -ka: (magac, lab, keli) suqusha iyo saxarka ka soo hadha hadhuudhka marka la tumo ama la shuqlo. Baalka ka reeba hadhuudhka. Dh: buunshi, buushi, buunsha, weega.
baal -ka: (magac, lab, keli) waraaqaha kitaabku ka kooban yahay midkood. Baalka kitaabka ha qoynin Dh: xaashi. Wa: baalal.
baal -ka: (magac, lab, keli) tin ka mid ah kuwa ka baxa isha hareerteeda. Baal baa isha igaga dhacay.
baal -sha: (magac, lab, keli) goob dhinac kaa xigta. Waar ha i jiidhine, baal iga mar. Dh: dhinac, gees, fay, doc, barbar. Wa: baallo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Baal
Baallaha qaydaha moolasha lagu cabbiro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baal
جَنَاحٍ
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ball
kubbadda
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ball
/bool/ (n) 1. kubbad (banooni) ama shay kubbad oo kale ah. e.g. He kicked the ball into the goal.(n) 2. xaflad weyn oo dadku ciyaaro. 3. wagti farxad leh.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Ball
Kubbad
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ball
/bool/ (n) 1. boloony. 2. wal wereegsyng. 3. isfeel (dheel aang eh oo lynisky kooyi).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ball
n., (any round body) kubad, -di, gucunso, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalaa
Inta badan; badanaa; dhaaxa; qajeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aalaa
fk. Inta badan, marar badan, badanaa. Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aalaa
f.. Inta badan, marar badan, badanaa. Tusaale: "Aa. ma yimaado saacadahaan".
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aalaa
[adverb] or [adverbial] [expression] frequently, usually, mostly, often
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aalaa
(adv) often (often); usually (vush wali); regularly or customarily used ~ aalaaba, badanaaba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaa
(falkaab) sida inta badan dhacda. Axmad waa arday aalaa iskuulka yimaadda. Dh: aalaaba, badanaa, qajeelo, dhaaxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aalaa
de: frequently, usually, mostly, often
lx: aalaa
ps: adv
key: aalaa
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aalaa
كثيرا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalad
(Aalad-da)
Alaabo wax lagu qabsado; qalab; hub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąalad
m.dh (-do, m.dh) 1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tusaale: “Kombiyuutarku waa ąa. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aalad
ąalad: m.dh (-do, m.dh) 1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tusaale "Kombiyuutarku waa ąa. cusub oo cilmibaarista fududaysay". 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aalad
f. n. weapon; instrument; machine; equipment; mechanism; technology; apparatus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aalad
-da (n) instrument (inis tur mant); device (di vaays) ~ qalab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab wax loo adeegsado. Dh: agab. Wa: aalado.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Aalad
Makiinadaha iyo qalabka waaweyn ee looga shaqeeyo waabka shaqada iyo warshadaha ee u baahan aqoon heer dheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aalad
bw: Arabic
de: weapon; instrument; machine; equipment; mechanism; technology; apparatus
lx: aalad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: aalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awlal
(Awlal-ka)
1. (hilib) Dhinac; sarar.
2. Malabka kiisa raagey oo madow; xabagbarshi raagtey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlal
m.l (-llo, m.dh) 1. Feeraha iyo hilibka saaran. 2. Iskujirka malabka iyo xabagta shinnida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awlal
m.l (-llo, m.dh) 1. Feeraha iyo hilibka saaran. 2. Iskujirka malabka iyo xabagbta shinnida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awlal
m. n. meat from the flank
awlal m. n. honeycomb; wax; old dark honey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awlal
-ka: (n) flank (falaank)-, the meat on the body of an animal between the last rib and the hip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awlal
-ka: (magac, lab, keli) legga iyo feedhaha hilibkooda. Iblayskii Xakiim duufsadaa awlalka u lulaye. Dh: dhinac, sarar.
awlal -ka: (magac, lab, keli) xabagbarshada is haysata ee ay shinnudu ku shubto malabka.
awlal -ka: (magac, lab, keli) malabka kiisa raagey oo madow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baaba
m. n. pope, Holy Father (Roman Catholic)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baaba
de: pope, Holy Father (Roman Catholic)
lx: Baaba
pd: (-ha)
ps: n7-m
key: Baaba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baada
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dadkii lahaa ka lumay oo cid kale la socda. Dh: baadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaga
-da: (magac, dhedig, keli) gubbaha iyo baadda cid kaa awood badan cabsi loo siiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaha
-da: (magac, dhedig, keli) wax la'aan; hayn la'aan. Dh: baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baali
1. (Baali-da) Naagta aan hufnaanta nafteeda iyo aqalkeeda daryeelin; basari; goonbaar; areebo.
2. (-') (dhar) duug; dhammaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baali
baali: m.dh (-iyo, m.l) Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iyo wixi lamida; areebo.
bąali¹: m.dh Wax duug noqday muddo dheer dabadeed (dhar iyo wixi lamida).
bąali²: f.g2 (-iyay, -isay) Koofiyad, gammuun iyo wixi lamida baal u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baali
baali: m.dh (-iyo, m.l) Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iyo wixi lamida; areebo.
bąali: m.dh Wax duug noqday muddo dheer dabadeed (dhar iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baali
f. n. bad wife, slovenly woman, slob; shabbiness ~ raggedness of a woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baali
-da: (n) slattern (islaa taran); an untidy and dirty woman ~ areebo, basari, goonbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baali
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo aan nadaafadda iyo miigganaan badan lahayn. Baali dumar, baradeeda eedday. Dh: basari, goonbaar. Li: gaari, dhabeel.
baali: (tilmaame) weel aan cugnayn. Dhiil baali ah baad caanaha ku shubtay.
baali: (tilmaame) shey la isticmaalay oo gaboobay sida dhar; walax aan cusbayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baali
de: bad wife, slovenly woman, slob; shabbiness ~ raggedness of a woman Opp: gaari
lx: baali
pd: (-da)
ps: n2-f, n7-f
syn: areebo, basari, goonbaar
key: baali
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baana
conj. and ...