baal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baal
1. (Baal-ka) a) Garbaha wixii duulaa ku duulaan midkood; baad, b) Xashi labo bog leh. c) Buunshe.
2. (Baa-sha) Doc; dhinac; gees.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baal
baal¹: m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. la-mid: baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baal²: m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tusaale: “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baal
baal¹: m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. la-mid: baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baal²: m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tusaale: Baasha midigta ee albaabka istaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baal
m. n. wing, feather; leaf; page
baal [feminine] n., loc. side, edge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baal
-ka: (n) 1. feather (feether) baal shimbireed 2. wing (wing) ~ garab 3. page (peeyj). Ex: baalka buugga; the page of the book
baal -baasha: (n) side (saaydh) ~ dhinac
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Baal
Foglio
Sheet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baal
-ka: (magac, lab, keli) cudur xummad badan oo dadka ku dhaca.
baal -ka: (magac, lab, keli) laan ka mid ah laamaha dhogorta leh ee baadka wixii duula. Baal gorayo ayuu Cali madaxa gashaday. Wa: baalal.
baal -ka: (magac, lab, keli) suqusha iyo saxarka ka soo hadha hadhuudhka marka la tumo ama la shuqlo. Baalka ka reeba hadhuudhka. Dh: buunshi, buushi, buunsha, weega.
baal -ka: (magac, lab, keli) waraaqaha kitaabku ka kooban yahay midkood. Baalka kitaabka ha qoynin Dh: xaashi. Wa: baalal.
baal -ka: (magac, lab, keli) tin ka mid ah kuwa ka baxa isha hareerteeda. Baal baa isha igaga dhacay.
baal -sha: (magac, lab, keli) goob dhinac kaa xigta. Waar ha i jiidhine, baal iga mar. Dh: dhinac, gees, fay, doc, barbar. Wa: baallo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Baal
Baallaha qaydaha moolasha lagu cabbiro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baal
جَنَاحٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaal
(Abaal-ka)
Samafal laysu galay, xusuusta wanaagsan iyo mahadda laysaga hayo; lib; gallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Samo cid loo galo. Tusaale: “Cali, abaal buu ii galay”. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tusaale: “Xasan, abaal baan u hayaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Samo cid loo galo. Tusaale Cali, abaal buu ii galay. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tusaale Xasan, abaal baan u hayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaal
m. n. favor, reward, gratitude; just deserts
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaal
-ka: (n) 1. favor (feyver); a gracious or friendly act that is freely granted ~ asxaan. Ex: abaal ma ii gali kartaa? can you do me afavor? 2. merit (meerit); worth (woorth) ~ mudnaan. Ex: abaalkiisa marsii! give him what he deserves!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaal
-ka: (magac, lab, keli) wanaag iyo samafal ay cidi kuu gasho; xusuusta wanaagsan iyo mahadda la isugu hayo. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaal
de: favor, reward, gratitude; just deserts
lx: abaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: He got his just deserts.
xv: Abaalkiisu helay.
key: abaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baali
1. (Baali-da) Naagta aan hufnaanta nafteeda iyo aqalkeeda daryeelin; basari; goonbaar; areebo.
2. (-') (dhar) duug; dhammaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baali
baali: m.dh (-iyo, m.l) Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iyo wixi lamida; areebo.
bąali¹: m.dh Wax duug noqday muddo dheer dabadeed (dhar iyo wixi lamida).
bąali²: f.g2 (-iyay, -isay) Koofiyad, gammuun iyo wixi lamida baal u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baali
baali: m.dh (-iyo, m.l) Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iyo wixi lamida; areebo.
bąali: m.dh Wax duug noqday muddo dheer dabadeed (dhar iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baali
f. n. bad wife, slovenly woman, slob; shabbiness ~ raggedness of a woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baali
-da: (n) slattern (islaa taran); an untidy and dirty woman ~ areebo, basari, goonbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baali
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo aan nadaafadda iyo miigganaan badan lahayn. Baali dumar, baradeeda eedday. Dh: basari, goonbaar. Li: gaari, dhabeel.
baali: (tilmaame) weel aan cugnayn. Dhiil baali ah baad caanaha ku shubtay.
baali: (tilmaame) shey la isticmaalay oo gaboobay sida dhar; walax aan cusbayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baali
de: bad wife, slovenly woman, slob; shabbiness ~ raggedness of a woman Opp: gaari
lx: baali
pd: (-da)
ps: n2-f, n7-f
syn: areebo, basari, goonbaar
key: baali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bagal
(Bagal-ka)
Cagcagaarka la cuno jaad ka mid ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer; (ama begel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagal
m.l Khudrad cagaar ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo la cuno. la-mid: baqal¹ (2), begel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bagal
m.l Khudrad cagaar ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo la cuno. la-mid: baqal¹: (2), begel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagal
m. n., [collective] root-vegetable species, radish
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAGAL
(Bagal) All.Som. Brassica sp. Umbelliferae.
S Brassica oleracea L. Umbelliferae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagal
-ka: (magac, lab, keli) geedcagaar ka mid ah noocyada la cuno; geed nagaadh caleemo balballaadhan leh oo laga sameeyo salaadka koosaarta cuntada laga dhigto oo badhi leh. Dh: begel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagal
a: begel
de: root-vegetable sp., radish
lx: bagal
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: bagal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bahal
(Bahal-ka)
Nafleyda dadka iyo duunyada cunta ama qaniinta ama si kale u disha; (dugaag, bahal-hoosaad; cayayaan...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahal
bahal¹: m.l (-llo /-lo, m.dh) 1. Nafleyda inta dadka iyo duunyada wax yeeleysa ama qaabkoodu cabsi geliya ee aan cayayaanka ahayn. 2. Wax. 3. B. ah: qof dilaa ah.
bahal²: m.dh 1. Wax dad dhiba. 2. Haweenay naxariis daran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bahal
m.l (-llo /-lo, m.dh) 1. Nafleyda inta dadka iyo duunyada wax yeeleysa ama qaabkoodu cabsi geliya ee aan cayayaanka ahayn. 2. Wax. 3. B. ah: qof dilaa ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahal
m. n. wild animal, beast; evil person
bahal m. n. whachamacallit, whats-it [when one does not know ~ cannot remember the right word.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahal
-ka: (n) 1. dangerous wild animal; beast (biist) 2. a person regarded as brutal, fierce, or vicious: savage (saa veeyj)
bahal: -ka: (n) an individual object; thing (thing) ~ wax. Ex: bahalkaas iisoo dhiib; give me that thing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahal
-ka: (magac, lab, keli) dugaagga dilaaga ah; dugaagga hilibka ku nool. Dh: dugaag, wuxuush. Wa: bahalo.
bahal -sha: (magac, dhedig, keli) dugaagga hilibka cuna kiisa dheddig ama bahalhoosaadka.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bahal
مُتوَحش
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAKAL
(Baccal) May, NFD, S Delonix baccal Chiov. Caesalbinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqal
1. (Baqal-ka, Baqa-sha) Gammaanka jaad ka mid oo geenyada iyo dameerku iska dhalaan.
2. (Baqal-ka) Cagcagaarka la cuno mid ka mid ah; bagal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqal
baqal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Gammaan lab oo ay dameer iyo geenyo iska dhaleen. 2. la-mid: bagal.
baqal²: m.dh (-qlo, m.l) Gammaan dheddig oo ay geenyo iyo dameer iska dhaleen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqal
baqal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Gammaan lab oo ay dameer iyo geenyo iska dhaleen. 2. la-mid: bagal.
baqal²: m.dh (-qlo, m.l) Gammaan dheddig oo ay geenyo iyo dameer iska dhaleen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqal
m. n., [collective] mule
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqal
-baqasha: (n) mule (miyuul). Ex: baqashu waa dhasha dameer lab ah iyo faras dhedig ah; the mule is offspring of a male donkey and a female horse
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Baqal
(I) Mulo, femmina;
(E) Female Mule
(S) BAGKAS (S. c. m.: Bagàs)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqal
-ka: (magac, lab, keli) labka jaad gammaanka ka mid ah dameerka ka dheer faraskana ka gaaban oo xoog badan loona adeegsado gaadiid ahaan. baqal -sha: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah gammaanka dabjoog ah oo ay iska dhaleen geenyo iyo dameer ama faras iyo dameer oon tarmin. Baqali ma dhasho wax dhalana ma doonto. Baqal fardo ladaaqaday faras ayey ismoodaa, geenyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqal
bw: Arabic
de: mule
lx: baqal
pd: (-ka ~ /sha Pl: buquul (/sha))
ps: n2-m, n1-f, n8-m
key: baqal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baqal
بَعْلِ، ابْنِ الْفَرَسِ مِنْ الْحِمَارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basal
(Basa-sha)
Geed nagaarka la beerto ka mid ah oo leh ur iyo dhadhan aad u lifaaqoon iyo bari (buruq) kankoonsan oo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basal
m.dh.u Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basal
m.dh.u Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basal
f. n., [collective] onion
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BASAL
(Basal) All.Som. Allium ceba L. Liliaceae.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
basal
(adj) pertaining to or situated near a base, esp. basal temperature used in family planning.
saldhig
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
basal
-basasha: (n) onion (on yan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basal
-sha: (magac, dhedig, keli) geedgaab ka mid ah khudaarta dheriga oo badhi dhuleed leh. Dhulka ayaa laga soo qodaa oo dheriga ayaa lagu daraa, ur kulul na way leedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
basal
bw: Arabic
de: onion
lx: basal
pd: (/sha)
ps: n0-f-col
key: basal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batal
m.l/dh (-llo, m.dh) Meel bannaan oo aan dhir sare lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
batal
m.l/dh (-llo, m.dh) Meel bannaan oo aan dhir sare lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batal
-ka: (magac, lab, keli) dhulka inta xigta badda ee bataaxa leh ee aad loo wadhan yahay marka loo dabbaaltago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboodi
(Aboodi-ga)
Haadka jaad ka mid ah oo weyn oo afka iyo lugaha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayax
(Ayax-a)
Bahal yaryar oo baalal leh, oo tiro badan, oo si daruur la moodo isu raaca oo u duula, oo dhirta iyo beeraha baabbi'iya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayeeyo-lugdheer
(Ayeeyo-lugdheer-ta)
Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalalley
(Baalalley-da)
Bahalhoosaadka duula jaad ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaldhiig
(Baaldhiig-ga)
Baalasha haadka kuwooda buka oo laga rifo ama laga soo siibo; tinmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaldi
(Baaldi-ga)
1. Saxan weyn oo ballaaran oo dharka lagu mayro, baaf.
2. Weel macdan ama caag ah oo siddo leh oo biyaha lagu qaato; siilad; wadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalfallaar
(Baalfallaar-ta)
Mid ka mid ah shinbiro wadajir u duula oo xilliba dal u talaaba; caloosha waa ka caddahay, dhabarkuna waa madow iyo buluug isku darsan; waxay leedahay baalal dheerdheer oo fallaarta u eg, iyo dabo ganto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaluq
(Baaluq-a)
Qof shan iyo toban jir gaarey; qaangaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaluqid
(Baaluqid-da)
Shan iyo toban sano gaarid; baaluq noqosho; qaangaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalxaaf
(Baalxaaf-ka)
Waran jaad gooniya loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balanbaallis
(Balanbaallis-ta)
Cayayaan afar baal oo waaweyn oo xardhan oo qurux badan leh; baalley-baro; babbisjinni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baranbaro
(Baranbara-da)
Cayayaan madow ama guduud-madow ah oo leh baalal jiidan, lugo dheerdheer iyo geeso aad u miiqan; waxay ku badan tahay jikada, kortagga iyo meelaha aan nadiifka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkimo
(Barkima-da)
Gal maro ama wax kale ah, oo inta cudbi ama baal ama wax kaloo jilicsan laga buuxsho, kolka la seexana hayo, madaxa hoostiisa la dhigto; (ama barkin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bog
(Bog-ga)
1. Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka oogada nafleyda.
2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casarliiq
(Casarliiq-a)
Casarkii marka qorraxdu aad u gaabato oo dhicid ku dhowaato; kolka qorraxdu baalka dhigato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayayaan
(Cayayaan-ka)*
Bahal-yaryarta faraha badan oo aan lafdhabarta lahayn: waxaa oogadoodu u qaybsan tahay: madax iyo dhex (saab) iyo qaar danbe (uur), lix lugood iyo badanaa afar baal (diqsi, kaneeco, shinni, doorshaan, ...); xasharaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirif
(Cirif-ka)
Dacal; baal; gees; gooddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacar
(Dacar-ta)
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir.
2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, heerkutaasha ku urura; xammeeti.
3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aal
aal¹: m.dh.fk Aashay, -aa, -iis iyo wixi lamida: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale: “Ciise aashiis buu hadlaa”.
aal²: f.g/mg1 (yiil, tiil; aalli) 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. la-mid: ool², oollow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aal
f.g/mg1 (yiil, tiil; aalli) 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka aa.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. m.f.dh., aallid. la-mid: ool, oollow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aal
f. n., [adverb] slowly, gently, carefully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aal
(fal) waxtar yeelo oo faa'idee. Mar haddii ad shaqo heshay, dadkiinna wax ugu aal. Dh: ool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baa
Erey tixaha ulajeeddooyin gaar ah u yeela: Wiilkii baa yimid; Ladan baa timid baa?; ayaa; yaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baa
qr.dd (naxwe) Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tusaale: “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. la-mid: aa¹, ayaa, yaa³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baa
qr.dd (naxwe) Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tusaale: Ma Cali baa yimid? Haa, Cali baa yimid. la-mid: aa, ayaa, yaa³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baa
class: MARKER
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baa
/baa/baas, baaing, baaed;(v) cida idaha ama wixii sida idaha u ciya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baa
ereycodeed lo'du samayso markay insaarixinayso ama ciyeyso. Baada lo'da ayaan hurdada kaga toosay.
baa: (qurub) falkaab ah oo diiradeeya magacda weedha ku jirta sida ereyada kale ee la midka ah ee 'ayaa' iyo 'waa'. Bulxan baa baabuurka leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baa
a: ayaa
de: [FOCUS MARKER] Follows the noun or pronoun it emphasizes or draws attention to
lx: baa
ps: class
key: baa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bal
1. Erey ulajeeddooyin midabyo badan leh sida 'waa yahay e,' 'Arrintii hore daayey ama ka noqday e,' oo la yiraahdo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska yeersiiyo (wax aan lagu jacsanayn ama cagajiid lagu yeelo); Bal hoo, bal kaalay, bal ina keen; wiilka bal u yeer.
2. (Bal-ka) a) Geedka meseggada, galleyda, kd. inta laamaha iyo caleemaha ah. b) Ballan; wacad; axdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bal
bal¹: m.l.u Geedka galleyda ama meseggada oo aan miro lahayn.
bal²: e.d 1. Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tusaale: “B. inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii b. inay fog tahay”; ama cagajiid lagu jeedo, sida “B. hoo”, “B. ina keen”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bal
bal¹: m.l.u Geedka galleyda ama meseggada oo aan miro lahayn.
bal²: e.d 1. Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tusaale: B. inaan eegi karo aan soo durko, Weyddii b. inay fog tahay; ama cagajiid lagu jeedo, sida B. hoo, B. ina keen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bal
inter. allright, ok, well, just, now, uh
bal m. n. large leaf, leaves and stalk of plants like bananas ~ corn
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAL
(Bal) S Aristida adscensions L. Gramineae.
N Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rubr.) De Winter. Gramineae.
N Stipagrostis uniplumis (Licht) De Winter. Gramineae.
N Zygophyllum hildebrandtii Engl. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bal
(adv) simply; just. Ex: bal maqal waxuu sheegayo; simply listen to what he is saying
bal -ka: (n) hay (heey); hay cut and dried for fodder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bal
(xidhiidhiye) macne gaar ah aan lahayn, hadal lagu hakiyo oo fiirsasho iyo digtooni ku jirto. Bal kaalay oo ila hadal. Bal soo qaad koobka.
bal: (ereycodeed) lagu tusmeeyo iftiin meel ka baxay; iftiinka ka baxa kolka ay meeli olosho. Olol baa halkan bal ka yidhi.
bal -ka: (magac, lab, keli) caws laamo dhaadheer leh ka baxa webiyada jiinkooga. Waxa uu leeyahay xubno u eg dicinta oo loo adeegsado dhismaha cariishyada. Dh: dacaar.
bal -ka: (magac, lab, keli) gogosha lagu seexdo ee laga sameeyo laamaha geedbaarka ama geetimireedka. Bal u dhig martida. Dh: caw, qaddiifad. bal -ka: (magac, lab, keli) hadhuudhka kolka madaxa ama sabuulka laga guro inta soo hadha. Saca irmaan balka siiya. Dh: qaran.
bal -ka: (magac, lab, keli) kulan lagu ballamay. Bal dambe oo shan iyo tobnaad innoo qabta. Dh: ballan, madal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baab
(Baab-ka)
1. Qaybaha ama xubnaha kitaabka middood, fasalka ka weyn.
2. Jaad; nooc; jinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baab
m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tusaale: “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baab
m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tusaale: Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baab
m. n. type, kind; topic; chapter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baab
-ka: n) phase (feeyzf aspect; one of b o or more opposing sets of opinions