baagamuuddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddo
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama ruux aan meherad haysanin ama shaqaynin; dad camal iyo shaqo aan lahayn. Baagamuuddada, bannaannada tuban, yaan la baal marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddee
(fal) shaqo la'aan ku joog; meherad waa; faaltuunimo ku joog. Dh: baagamuuddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaltuu
-ga: (magac, lab, keli) qof baagamuuddo ah; qof aan shaqo haynin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabdhood
-ka: (magacwadareed) dad aan shaqeysan oo akhlaaqad xumo gidaarrada la joogjooga. Dh: mashaqayste, baagamuuddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo iyo meherad la'aan ku joogid. Dh: faaltuuyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baagamuuddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuun
-ka: (magac, lab, keli) qof aan balaaqo ama fasaaxa lahayn; qof aan garta si fiican u celin. Dh: afgamuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgamuur
m. n., [compound] blunt edge, lack of sharpness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuur
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal gaaban oo aan fasaaxo lahayn. Dh: afgamuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgamuur
de: blunt edge, lack of sharpness
lx: afgamuur
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: afgamuur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgamuux
v. make something blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuux
-a: (magac, lab, keli) eeg afgamuur. afgamuuxan: (tilmaame) wax caarada hore go'an ama gamuuman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgamuux
a: afgamuur
de: make s.t. blunt
lx: afgamuux
pd: (afgamuuxay)
ps: v1=
key: afgamuux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadaddo
(Gaadadda-da)
Qodax-badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaddo
m.dh Nafley badda ku jirta oo xiddigtadhul u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadaddo
f. n. thorny marine plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaddo
-da: (magac, dhedig, keli) noole badda ku nool oo dushiisu wada qodax tahay. Dh: qodaxbadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadaddo
de: thorny marine plant sp.
lx: gaadaddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gaadaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammuudo
m.dh Nagaar dhulka ku faalala oo dhala miro yar yar, dhanaan oo la cuno. la-mid: hammuude.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammuudo
-da: (magac, dhedig, keli) geed nagaadh dhulka ku faalala oo dhala midho yaryar, dhanaan oo la cuno. Dh: hammuudhe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maxamuud
name: Mohammud
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maxamuud
name-m honorable, praised, praise-worthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maxamuud
de: Mohammud
lx: Maxamuud
ps: name-m
key: Maxamuud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaadaddo
(Yaadadda-da)
Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dheerdheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaadaddo
m.dh (cilmiga naflayda) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaadaddo
m.dh (cilmiga naflayda) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaadaddo
f. n. porcupine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaadaddo
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo dhirxagatada ka mid ah oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo caddaan iyo madow ah leh. Yaadaddo dhayal laguma dilo. Dh: caanaqub, dhiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaadaddo
de: porcupine
initial: y
lx: yaadaddo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: caanaqub, kashiito
key: yaadaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraacuud
m.l Baro badan oo isugu jira midabbo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaguddo
m.dh Caws balka galleyda u eg oo sida badan beeraha ka soo dhasha oo haddii la falo si dhaqso ah u soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawaguddo
m.dh Caws balka galleyda u eg oo sida badan beeraha ka soo dhasha oo haddii la falo si dhaqso ah u soo baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaguddo
-da: (magac, dhedig, keli) cusbada cuntada lagu darsado. Dh: milix, cusbo, soguddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxamuudi
(Maxamuudi-da)
(dhar) baftada qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxamuudi
m.dh Nooc ka mid ah dharka la xirto oo midab cad leh; bafto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxamuudi
f. n., [collective] white cotton cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxamuudi
-da: (magac, dhedig, keli) dhar baftada u eg oo aad u cad oo waayadii hore dumarka Soomaalidu ka tolan jireen marada saddex qaydka ee ay xidhan jireen imikana dadka dhinta kafan looga dhigo. Dh: bafto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxamuudi
cf: bafto
de: white cotton cloth
lx: maxamuudi
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: maxamuudi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxaduud
-ka: (magac, lab, keli) xanuun lafaha ku dhaca oo jajabiya laakiin laga daawoobo. Qaaxaduud ayaa ku dhacay oo laga daweeyey. Dh: tiinbaylafood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgamuuran
afgamuuran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay) la-mid: afgammuuran¹.
afgamuuran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: afgammuuran².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuuran
(tilmaame) qori, bir ama wax kale oo aan lahayn af yuuban; wax gamuuman.
afgamuuran: (tilmaame) qof hadal yar ama aan hadal badan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuurid
-da: (magac, dhedig, keli) qori, bir ama wax kale, caarada hore ka gamuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgamuuxan
afgamuuxan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay) la-mid: afgammuuran¹.
afgamuuxan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: afgammuuran².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuuxid
-da: (magac, dhedig, keli) qori, bir ama wax kale, caarada hore gamuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarashuud
m.l (-dyo, m.dh) Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baarashuud
m.l (-dyo, m.dh) Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarashuud
m. n. parachute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarashuud
-ka: (n) parachute (paarashuut) dallaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarashuud
-ka: (magac, lab, keli) dallad, maro ama wax la mid ah ka samaysan oo cirka diyaaradaha lagaga soo boodo. Dh: baalashuud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarashuud
de: parachute
lx: baarashuud
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dallad {Eng}
key: baarashuud
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sakabuundo
-sakabuundada: (n) cuff (kaf); the fold at the bottom of a trouser leg ~ sotobuundo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xangaruufo
(Xangaruufa-da)
Ciddiyaha oo wax lagu nabro, lagu xagto, lagu dhaawaco; xagatin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xangaruufo
xangaruufo¹: m.dh Ciddiyaha oo wax lagu nabro, lagu xagto; xagatin.
xangaruufo²: f.g1 (-ftay, -fatay) Ciddiyaha wax ku xagasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xangaruufo
xangaruufo¹: m.dh Ciddiyaha oo wax lagu nabro, lagu xagto; xagatin.
xangaruufo²: f.g1 (-ftay, -fatay) Ciddiyaha wax ku xagasho. m.f.dh, xangaruufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xangaruufo
v. scratch, claw (at), injure by scratching
xangaruufo [feminine] n. scratch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xangaruufo
-xangaruuftay / xangaruufatay: (v) scratch (iskaraaj) with the fingernails
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xangaruufo
(fal) ciddiyaha wax ku sar. Qofkii ku dayn waaya xangaruufo. Dh: xago.
xangaruufo-da: (magac, dhedig, keli) cidiyaha faraha oo wax lagu xagto oo lagu jeexo. Dh: xagasho, xagtin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xangaruufo
de: scratch, claw (at), injure by scratching
initial: x
lx: xangaruufo
nt: xangaruufad (ka) [vn-m], xangaruufasho (/da) [vn-f]
pd: (xangaruuftay)
ps: v3b=tr
key: xangaruufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudso
f.mg3 (-saday, -satay) Muddo yar seexasho. la-mid: indhacasayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhagaduudso
f.mg3 (-saday, -satay) Muddo yar seexasho. m.f.dh, indhagaduudsasho. la-mid: indhacasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagaduudso
(fal) muddo yar oo gaaban seexo. Dh: indhacasayso.