baagamuuddee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddee
(fal) shaqo la'aan ku joog; meherad waa; faaltuunimo ku joog. Dh: baagamuuddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddo
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama ruux aan meherad haysanin ama shaqaynin; dad camal iyo shaqo aan lahayn. Baagamuuddada, bannaannada tuban, yaan la baal marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo iyo meherad la'aan ku joogid. Dh: faaltuuyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baagamuuddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddanimo
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo, iyo merehrad waayitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamuunee
(fal) saabuun ku dar ama marmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaaddeg
baaxaaddeg¹: m.l la-mid: baaxaadeg¹.
baaxaaddeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: baaxaadeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaaddeg
(fal) degganaanshaha waa; xaaladba haku sugnaan.
baaxaaddeg -ga: (magac, lab, keli) go'aan qaadan waa; dhanna xaminili waa. Berraan dhoofi lahaaye, baaya baaxaaddeg baan ku jiraa.
baaxaaddeg -ga: (magac, lab, keli) qof qarqoomay oo ay biyo liqeen; qof kolba mawjad gelaya oo kolla kor u soo baxaya kolla hoos u dhaadhacaya. Baaxaaddeg buu biyaha kor iyo hoos u gelayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax barafuun marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafuumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax barafuun marin. m.f.dh, barafuumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barafuumee
v. perfume, put perfume on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumee
(fal) udgoonee oo cadar ku buufi. Aqalka barafuumee. Dh: carfi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barafuumee
de: perfume, put perfume on {Eng}
lx: barafuumee
pd: (barafuumeeyey)
ps: v2b=tr
key: barafuumee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naakhuudee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) U n.: Si cid loo khiyaamo wax aanad ahayn iska yeelyeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naakhuudee
(fal) si cid loo khiyaamo wax aanad ahayn iska yeelyeel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagaxnuuradeed
m.l (jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.