baaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaf
m.l (-faf, m.l) Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaf
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah qalabka codka weyneeya, bahiyana. Baaf baa i dul yaalay oo waxba ma maqlayn, kolkaad ila hadlaysay.
baaf -ka: (magac, lab, keli) saxanka lagu dhaqo maryaha; saxniga dharka lagu maydho. Dh: tashti, saxni, sixni, saxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baafi
f.g2 (-iyay, -isay) Baadi, dad badan weyddiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baafi
f.g2 (-iyay, -isay) Baadi, dad badan weyddiin. m.f.dh, baafin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baafi
yey say: (n) ask for lost; search or inquire for lost thing or an animal publicly ~ baadidoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baafi
(fal) xoolo ama wax kale oo lumay raadi. Db: yaboohi, docndoon, dayday, cayniqabo, yaahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bagaf
(Bagaf-ka)
1. Wax fidsan oo aan qiro weyneyn oo wareegsan.
2. hilib, waran... qaabkaas leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagaf
m.l 1. Weel aan weyneyn, in yar godan oo aan wax badan qaadin. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af ballaaran oo badeelka u eg leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagaf
m. n. frame (for stretching)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bagaf
ka: (n) an oval shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagaf
(tilmaame) weel ama walax kale oo in yar godan ama balaleexsan oo aan qaro weynayn. Saxni bagaf ahi soor ma qaado. Li: godan
bagaf -ka: (magac, lab, keli) madaxa waranka inta birta ah. Sargafka ayuu madaxa igaga dhuftay.
bagaf -ka: (magac, lab, keli) weel yar oo godan oo aan qaro weynayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagaf
de: frame (for stretching)
lx: bagaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: bagaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balaf
(Balaf-ka)
Biyaddiidka xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaf
balaf: m.dh War aan la hubin oo cidda sheegtay aan la aqoon.
bąlaf¹: m.l Neef xoolo ah oo biyo diido; biyodiid.
bąlaf²: f.g1 (-lfay, -laftay) la-mid: bąlfi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaf
v. refuse to drink (of camel ~ other animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaf
(ereycodeed) sanqadha ka baxda marka walax ama lafi kala jabto.
balaf -ka: (magac, lab, keli) diiddo badan. Nin baahi qabaa balaf ma yeesho.
balaf -ta: (magac, dhedig, keli) war aan sugnayn ama si aan la hubin loo maqlo.
balaf -ta: (magac, dhedig, keli) quudhsiga iyo yasidda dadka kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaf
cf: balfin
de: refuse to drink (of camel or other animal)
lx: balaf
pd: (balfay)
ps: v1=
key: balaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraf
(Baraf-ka)
Biyo, qabow darti la guntama, oo sida dhalada u iftiima oo u dhalaala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Ice
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Snow, Ice
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraf
m. n., (mass n.): ice, snow, sleet, hail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraf
-ka: (n) 1. ice (aays) Ex: warshadda barafka; ice factory. 2. snow (isnoow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraf
-ka: (magac, lab, keli) biyo qabaw dartii la fadhiistay oo dhagaxoobay. Waan surmiyey biyaha baraf iigu rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraf
de: ice, snow, sleet, hail
lx: baraf
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: baraf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baraf
جَمَدَ، جَلِيدٍ، ثَلْجِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baafin
(Baafin-ta)
Wax lumay ama aan la aqoon meel laga helo, weyddiin iyo 'war yaa arkay?' ku baadi goobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaldi
(Baaldi-ga)
1. Saxan weyn oo ballaaran oo dharka lagu mayro, baaf.
2. Weel macdan ama caag ah oo siddo leh oo biyaha lagu qaato; siilad; wadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baafin
m.f.dh eeg baafi. la-mid: baafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baafis
m.l la-mid: baafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaaro
m.dh Baafinta la baafiyo wax lumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Dhar la dhaqay baaf iyo wixi lamida gudihiisa ku garaacasho ama ku xafuujisasho. 2. Haad turub oo fas badan laga hayo degasho (ciyaar turub) la-mid: jukeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jukee
f.g2 (-keeyay, -keysay) 1. la-mid: jugee (1). Si isdabajoog ah wax u tumid 2. Dhar la dhaqayo baaf iyo wixi lamida gudihiisa ku garaacid ama ku xafuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaboohi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jukee
f.g2 (-keeyay, -keysay) 1. la-mid: jugee (1). Si isdabajoog ah wax u tumid 2. Dhar la dhaqayo baaf iyo wixi lamida gudihiisa ku garaacid ama ku xafuujin. m.dh, jukayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baffle
/baafal/baffles, baffling, baffled; (v) ku wareerid, wax aan la fahmi karin ama aan la sharxi karin. e.g. Police are baffled by the girls' disappearance.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baadidoon
-ka: (n) look for lost; search for lost, especially for animals baadigoob, baafin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xujee
-yey / xujeysay: (v) 1. puzzle (pa-zal); perplex (peer-palaksi); bewilder (biwil-dher); baffle (baafal). 2. test (tes-t); experiment (ikis-peeri-ment); check (jeek); give something a try ~ tijaabi, jeegaree
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bathtub
/baathtab/ (n) baafky musqully lyky kordhighythaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baafin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax Jumay raadintii. Baafin baa baadi lagu helaa. Dh: yabcohin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baafis
-ka: (magac, lab, keli) oog baafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaway
(fal) gaadhsii dad badan; ogaysii ummadda oo dhan. Dh: baafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholyow
boholyow!: (fal) wax aad rabto ama jecelshahay aad u doon; dad iyo dal la aqoon jirey araggooda loo jeelo, oo loo hiloobo. Meel kastaan kaa baafinaayaa, adi dartaan baan u boholyoobayaa. Dh: teb, taw
boholyow-ga: (magac, lab, keli) wax kaa maqan, xiise weyn u qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolituug
-ga: (magac, lab, keli) qofka aan sheegin xoolaha baadida ah ee qarsada. Boolituug baadi helaan wallee, baafin kuula soo bixine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulan
(fal) wax rifmay ama tiro yaraaday noqo. Eebbow xaqaygii bulmaan, baafinayaaye.
bulan: (tilmaame) tuman oo bul leh. Maydhax bulan ii keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaf
m.dh.u Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aaf
m.dh.u Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaf
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac cidla' ah oo cadaw xiga; dacalka u shisheeya degmada beesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baa
Erey tixaha ulajeeddooyin gaar ah u yeela: Wiilkii baa yimid; Ladan baa timid baa?; ayaa; yaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baa
qr.dd (naxwe) Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tusaale: “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. la-mid: aa¹, ayaa, yaa³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baa
qr.dd (naxwe) Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tusaale: Ma Cali baa yimid? Haa, Cali baa yimid. la-mid: aa, ayaa, yaa³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baa
class: MARKER
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baa
/baa/baas, baaing, baaed;(v) cida idaha ama wixii sida idaha u ciya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baa
ereycodeed lo'du samayso markay insaarixinayso ama ciyeyso. Baada lo'da ayaan hurdada kaga toosay.
baa: (qurub) falkaab ah oo diiradeeya magacda weedha ku jirta sida ereyada kale ee la midka ah ee 'ayaa' iyo 'waa'. Bulxan baa baabuurka leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baa
a: ayaa
de: [FOCUS MARKER] Follows the noun or pronoun it emphasizes or draws attention to
lx: baa
ps: class
key: baa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baf
m.dh.sh.r B. dheh: cod lagu muujiyo wax si kedo ah lagu jebiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baf
f. n. fracture; being smashed ~ crushed by a blow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baf
(tilmaame) mid indhaha la' oo aan waxba arki karin.
baf -ta: (magac, dhedig, keli) indhala'aan qofku aanu waxba arki karin. Ma baf tiibaa, ma bakooraa, hooyo Aamina, cunto ii kari, arki maayee, afka iigu gur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baf
de: fracture; being smashed ~ crushed by a blow (of s.t. that is suddenly or unexpectedly broken)
lx: baf
pd: (dheh)
ps: np-f-expr
key: baf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baab
(Baab-ka)
1. Qaybaha ama xubnaha kitaabka middood, fasalka ka weyn.
2. Jaad; nooc; jinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baab
m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tusaale: “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baab
m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tusaale: Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baab
m. n. type, kind; topic; chapter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baab
-ka: n) phase (feeyzf aspect; one of b o or more opposing sets of opinions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baab
(fal) fal ku akhri, sixir u qabo. Nin Banaadir joogoo, Beledweyn la haystoo, waxaan ahay la baabee. Dh: sixir.
baab -ka: (magac, lab, keli) fal qofka lagu sameeyo oo wax u dhima maskaxdiisa. Ninkii baab dhigaa isagana balaayaa u taal. Dh: Sixir, qataar, girigiri.
baab -ka: (magac, lab, keli) qaybta ama badh hadal ah oo ka kooban sadar ama sadarro. Aan baab tusaale ah, ku bilaabe hadalkee, bismilaahi waa kow.
baab -ka: (magac, lab, keli) jaad turubka ah; afarta jaad ee turubka midkood. Dheeman iyo isbigmid kastaa waa baab.
baab -ka: (magac, lab, keli) qaybaha kitaab ama buug ka kooban yahay, qayb is ku hal ujeeddo ka hadlaysa. Dh: cutub, qayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baab
bw: Arabic
de: type, kind; topic; chapter
lx: baab
pd: (-ka Pl: baabab)
ps: n4-m
key: baab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baac
(Baac-a)
1. Dhererka u dhexeeya labada gacmood marka la kala fidiyo.
2. Dherer wax lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baac
Fathom
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baac
m. n. fathom (measure length with outstretched arms)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baac
-a: (n) a unit of length measurement equal to stretched out arms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baac
-a: (magac, lab, keli) cabbirka dhererka labada gacmood oo midig iyo bidix u kala baxsan. Ceelkani waa saddex baac iyo badh.
baac -a: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa qoorta ama xabadka iyo gacan keli ah oo la furay.
baac -a: (magac, lab, keli) luqunta geela. Hareeriga ka baxay foocyadey baaca gelisaaye. Dh: luqun, qoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baac
de: fathom (measure length with outstretched arms)
lx: baac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: baac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baad
1. (Baad-da) Xoolo qofkii ama dadkii laga adkaado baxsho; sedo (sado); ammaan; canshuur.
2. (Baad-ka) a) Waxa dhulka ka baxa oo nafleyda daaqdaa, cunto; cunno. b) Labada garab oo haadka iyo dayuuraduhu ku duulaan; baal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baad
baad¹: m.dh 1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.
baad²: f.g1 (-day, -dday) Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.
bąad¹: m.l 1. Caws, caleen, xaab iyo wixi lamida oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal.
bąad²: f.mg1 (-day, -dday) Hooy ka dhixid (qof ama xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baad
baad¹: m.dh 1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.
baad²: f.g1 (-day, -dday) Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid. Tusaale: Ha oggolaanin in lagu baado. m.f.dh, baadid.
bąad m.l 1. Caws, caleen, xaab iyo wixi lamida oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baad
Wing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baad
vl. pron. you,
baad v. stay out overnight in an unknown place; be late
baad m. n., [collective] good pasture; food, subsistence
baad [feminine] n., [collective] protection money, extortion; tribute, tax
baad m. n. wing (of bird ~ airplane)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baad
-da: (n) extortion (ikis toor shin); to obtain from another by intimidation handadaad. Ex: Ismaciil lacag baad ah buu bixiyaa; Ismail pays extortion money
baad2 -day day: (v) extort (ikis toort); blackmail (balaak- meeyl)
baad3 -ka: (n) food (fuud); nourishment eaten in solid form. Ex: baad iyo biyo; food and water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baad
(fal) dalkii lagugu yaqaannay ama dadkaagii in badan ka raag oo ka maqnaw.
baad -da: (magac, dhedig, keli) xoolo si xaqdarro ah qof lagaga qaato; xoolo si gardarro iyo kibir ah cid lagaga muquunsado. Fircoon riciyaddiisa ayuu baad ka qaadi jiray.
baad -ka: (magac, lab, keli) nooluhu waxay quutaan oo aan biyo ahayn. Diirta baadka idlaysiyo, waxaad tahay bullaroora aan da'ayn. Dhul abaar ah oo aan baad iyo biyo toona lahayn baan soo arkay. Dh: cunto, calaf, kimis, daaq.
baad -ka: (magac, lab, keli) labada garab ee noolaha duula ama diyaaradaha midkood. Shimbiri baad bay ku duushaa. Wa: baadad.
baad -ka: (magac, lab, keli) baalka isha; timaha isha ku xeeran middood. Baad baa isha igaga dhacay. Dh: baal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baag
-ta: (magac, dhedig, kel:) calaamade ku faafa oogada qofka oo cadcad oo diirka sare hoola. Baag baa qoorta wiilka ka soo baxday. Dh: cambaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baah
(Baah-a)
Dhulka wada gaaray; faaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baah
baah¹: m.l la-mid: baahid.
baah²: f.mg1 (-hay, -hday) War, cudur, daad iyo wixi lamida aad u faafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baah
f.mg1 (-hay, -hday) War, cudur, daad iyo wixi lamida aad u faafid. m.f.dh, baahid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baah
v. spread out, expand
baah vl. n. expansion, spreading out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baah
-ay/day: (v) scatter (iskaater); spread over; expand (ikis-paandh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baah
(fal) dhul badan gaadh; is ballaadhi oo meelo hor leh gaadh. Geelii wuu baahay. Dh: faaf. baahid
baah -a: (magac, lab, keli) dhul badan gaadhid; meelo aanu hore u jirin gaadhid. Dh: baahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baal
1. (Baal-ka) a) Garbaha wixii duulaa ku duulaan midkood; baad, b) Xashi labo bog leh. c) Buunshe.
2. (Baa-sha) Doc; dhinac; gees.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baal
baal¹: m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. la-mid: baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baal²: m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tusaale: “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baal
baal¹: m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. la-mid: baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baal²: m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tusaale: Baasha midigta ee albaabka istaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baal
m. n. wing, feather; leaf; page
baal [feminine] n., loc. side, edge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baal
-ka: (n) 1. feather (feether) baal shimbireed 2. wing (wing) ~ garab 3. page (peeyj). Ex: baalka buugga; the page of the book
baal -baasha: (n) side (saaydh) ~ dhinac
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Baal
Foglio
Sheet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baal
-ka: (magac, lab, keli) cudur xummad badan oo dadka ku dhaca.
baal -ka: (magac, lab, keli) laan ka mid ah laamaha dhogorta leh ee baadka wixii duula. Baal gorayo ayuu Cali madaxa gashaday. Wa: baalal.
baal -ka: (magac, lab, keli) suqusha iyo saxarka ka soo hadha hadhuudhka marka la tumo ama la shuqlo. Baalka ka reeba hadhuudhka. Dh: buunshi, buushi, buunsha, weega.
baal -ka: (magac, lab, keli) waraaqaha kitaabku ka kooban yahay midkood. Baalka kitaabka ha qoynin Dh: xaashi. Wa: baalal.
baal -ka: (magac, lab, keli) tin ka mid ah kuwa ka baxa isha hareerteeda. Baal baa isha igaga dhacay.
baal -sha: (magac, lab, keli) goob dhinac kaa xigta. Waar ha i jiidhine, baal iga mar. Dh: dhinac, gees, fay, doc, barbar. Wa: baallo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Baal
Baallaha qaydaha moolasha lagu cabbiro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baal
جَنَاحٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baan
(Baan-ta)
Cunno waxtar iyo uraad leh oo lagu dheefiyo dadka buka ama dhaawaca ah.