baabillooma
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabillooma
m.dh (daawo) Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabillooma
m.dh (daaw.) Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabiloomo
-da: (magac, dheddig, keli) soobax ku yaalla maqaarka sare ama xuubmalaaska, sida ilmasidaha dhexdiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallood
(fal) hareeraha day, baallahaaga eeg. Markaan baallooday baan buugga arkay
baallood -ka: (magac, lab, keli) daymo hareeraha ah. Anigaaba baalloonayee baarax baa dhacaye. Dh: jeelaalo, jalleeco, daymood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbillow
-ga: (magac, lab, keli) eeg afbillaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabulle
-ha: (magac, lab, keli) magac ka mid ah magacda libaaxa. Baabullow baa, beledkeennii soo galay. Dh: shaashle, halable, aar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaljoog
m. n., [compound] winger (in football)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaljoog
de: winger (in football)
lx: baaljoog
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: baaljoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqullo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baaqulle.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
babiller
babiller, v. - U hadlid si carruurnimo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballooli
(fal) sanka labadiisa dul waaweynee, dareenka ur xun awgii. Dadka wada ballooliyey maxaa u uray? Dh: sanbalooli.
ballooli-ga: (magac, lab, keli) sanka labadiisa dul waaweynee, ur qudhmuun aawadeed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ballroom
/boolruum/ballrooms;(n) qolka qoobka ciyaarka xafladaha lugu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallood
m.f.l eeg faalloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faallood
m.f.l eeg faalloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallood
-ka: (magac, lab, keli) «ka arrin ama wax kale, wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naallood
(Naallood-ka)
Naallo helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naallood
m.l la-mid: naallayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naallood
m.l eeg naalloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naallood
v.pat: be happy ~ lucky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naallood
-ka: (magac, lab, keli) (ku ~) xaalad farxadeed, wanaag iyo barwaaqo ku raaxaysi. Nin nabad ku soo toosay quudka maalintaana haya naallood kama maqna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naallood
de: be happy ~ lucky
lx: naallood
nt: naallood (ka) [vn-m]
pd: (naallooday)
ps: v1=pat
key: naallood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalloon
(tilmaame) mid hagaasan oo qumman ama miyir qaba. Xilliyada wax saareenka iyo saacadaha reeban, sabada iyo rugtay joogtay, gabadh timid ma saalloona. Dh: fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'iso
-da: (magac, dhedig, keli) walax yar oo waxa qoran lag tirtiro. Dh: masaxaad, goomad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadidoon
vl. n., [compound] search for something lost; investigation, study
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baadidoon
-ka: (n) look for lost; search for lost, especially for animals baadigoob, baafin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadidoon
(fal) raadi baadi kaa maqan. Orod oo baadido awrkii Candaawe. Dh: raadraac, raad, raadcee, doon
baadidoon -ka: (magac, lab, keli) raadcada xoolo maqan oo loo malaynayo inay cid kale raaceen. Dh: baadigoob, raadco, raadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadidoon
de: search for s.t. lost; investigation, study
lx: baadidoon
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: baadidoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baadigoob
-ka: (n) look for lost; search for lost, especially for animals ~ baadidoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadigoob
-ka: (magac, lab, keli) eer; taadiddocn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadisooc
(Baadisooc-a)
Astaan baadida lagu soo sooco; summad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadisooc
baadisooc¹: m.l Sumad u gaar ah qof oo xoolihiisa ku astaysto.
baadisooc²: f.mg1 (-cay, -cday) Ka b.: qof, baadi xoolo ku jirta ka aqoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadisooc
baadisooc¹: m.l Sumad u gaar ah qof oo xoolihiisa ku astaysto.
baadisooc²: f.mg1 (-cay, -cday) Ka b.: qof, baadi xoolo ku jirta ka aqoonsasho. m.f.dh, baadisoocid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadisooc
m. n., [compound] brand, mark, insignia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadisooc
-a: (magac, lab, keli) calaamad lagu kala saaro xoolaha; summad xoolaha lagu dhigo si looga garto kuwa cid kale leedahay. Dh: astaan, summad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadisooc
de: brand, mark, insignia
lx: baadisooc
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: baadisooc
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bataillon
bataillon, n.m. - Guuto (ciidanah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawilood
(Haawilood-ka)
Uurjiifka libaax-badeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawilood
m.l (-dyo, m.dh) Uurjiifka libaax badeedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawilood
m. n. shark fetus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawilood
-ka: (magac, lab, keli) uurjiifta libaaxbadeedka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawilood
cf: uurjiif
de: shark fetus
lx: haawilood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: haawilood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maallooti
-ga: (magac, lab, keli) geesi aan la loodin karin; halyay dagaal yahan ah. Dh: geesi, dagaalyahan. Li: fule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiyoom
m.l (-mmo, m.dh) (kiimika) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam- 226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadiyoom
m.l (-mmo, m.dh) (kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna yahay 1602 sano).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadiyoom
-ka: (magac, lab, keli) curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimribadheedkeeduna yahay 1602 sano).
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Taallo-da
monument.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasilloon
Xasillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasilloon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: xasillan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasilloon
der. [adjective] quiet, stable, calm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasilloon
de: quiet, stable, calm Opp: looyaan
initial: x
lx: xasilloon
pd: (xasilloonaa)
ps: adj-der
key: xasilloon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabisoow
(fal) yaabis aan dufan iyo caano midna lahayn nogo. Abaari dhacdaye xeedhooy yaabisoon Dh: yaabisowe yaamisow
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadiddoon
baadiddoon¹: m.l B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. la-mid: baadiggoob¹.
baadiddoon²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. m.f.dh, baadiddoonid. la-mid: baadiggoob².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiggoob
baadiggoob¹: m.l la-mid: baadiddoonid.
baadiggoob²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: baadiddoon².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadiggoob
baadiggoob¹: m.l la-mid: baadiddoon¹.
baadiggoob²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: baadiddoon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadiggoob
v., [compound] look for (a stray ~ something lost); search, research
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadiggoob
de: look for (a stray or s.t. lost); search, research
lx: baadiggoob
pd: (baadiggoobay)
ps: v1=cmp
key: baadiggoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaranooya
m.dh (daawo) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaranooya
m.dh (daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karjinooma
m.l (daawo) Kansar walba oo ka dhasha sooha ebiteliyamka oo saameeya maqaarka iyo uurkujirtada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karjinooma
m.l (daaw.) Kansar walba oo ka dhasha sooha ebiteliyamka oo saameeya maqaarka iyo uurkujirtada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karjinooma
-da: (magac, dhedig, keli) kansar walba oo ka dhasha sooha ebiteliyamka oo saameeya maqaarka iyo uurkujirtada.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaabilayya
accepter.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaafilo-da
caravane.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qabiilo-da
1) nation, 2) nationalité.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasillooni
(Xasillooni-da)
Ahaanta la yahay wax xasilloon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasillooni
m.dh la-mid: xasillanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasillooni
f. n., [abstract] quietness, stability, tranquility, being calm ~ peaceful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasillooni
-da: (n) stability (isti-bilati); peacefulness (piis-ful-nes); tranquillity (taraan-kuwilti); calmness (kaam-nes) ~ nabdoonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasillooni
-da: (magac, dhedig, keli) deggeni aan dhibaato, buuq iyo yooyaal midna lahayn ahaan. Xasillooni nabad baa leh. Dh: degganaansho.
xasillooni -da: (magac, dhedig, keli) xuuraan la'aan ku joogid. Dh: deggeni. Li: aguug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasillooni
de: quietness, stability, tranquility, being calm ~ peaceful
initial: x
lx: xasillooni
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: xasillooni
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baafiliyoon
m. n. stand (at exhibition), pavilion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baafiliyoon
de: stand (at exhibition), pavilion {Eng}
lx: baafiliyoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baafiliyoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahillaawe
m.l Qofka aan cidna u baahnayn; Alle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahillaawe
midka aan wax baahi ah qabin; ka aan wax ba u baahnayn. Dh: Alle, Ilaah, Ilaahey, Eebbe, Rabbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laamallooye
(Laamallooya-ha)
Geed laan keliya ka kooban; lugtool (ama laamalloosh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamallooye
m.l (botani) Geed laan kaliya ka kooban oo dheer, jirriddiisuna dhuubantahay, dushana had iyo jeer ku leh caleemo cagaaran. la-mid: laamalloodshe.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barbabiéttola
s.f. - geed baridiisa sonkor laga sameeyo.