ba (-ba)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ba (-ba)
qr. 1. (naxwe) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tusaale: “Waxba ma aha”. 2. (naxwe) Mid kasta; wax kasta. Tusaale: “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (naxwe) In badan. Tusaale: “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tusaale: “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (naxwe) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haba
'ha' iyo 'ba' baa kolkol lays xijiyaa oo laysku kabaa (sida: haba yaraatee = ha yaraateeba), ulajeeddaduna ma baddalanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaag
(Halaag-ga)
Ba'; baabba'; le'asho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoog
(Hoog-ga)
Ba'; baas; belo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basanbaas
basanbaas¹: m.l Rafaad waxyeello weyn leh; hoog; ba'.
basanbaas²: f.mg1 (-say, -stay) Rafaad waxyeello weyn leh la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basanbaas
basanbaas¹: m.l Rafaad waxyeello weyn leh; hoog; ba'.
basanbaas²: f.mg1 (-say, -stay) Rafaad waxyeello weyn leh la kulmid. m.f.dh, basanbaasid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
overtrained
ta ba bar-dhaaf
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoor
-ka: (n) honey badger (hani baa-jer); ratel (raa-tel) ~ xoor dhubur
xoor -ta: (n) foam formed usually by milk; foam (foom); lather (laa-thar); bubble (ba-bal); froth ~ xumbo
xoor -aytay: (v) 1. lose (luus); mislay (mis-leey). Ex: furihii baan xooray; I lost the key. 2. discard (dis-kaadh); throw away; get rid of ~ tuur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xumbo
-da I xumbada: (n) foam (foom); lather (laa-thar); bubbles (ba-balis); froth ~ xunbo, xoor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xunbo
-xunbada: (n) foam (foom); lather (laa-thar); bubbles (ba-balis); froth ~ xumbo, xoor
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
rapid (adj)
iihi; ba' badni
deg deg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
a
(a): xarafka koowaad ee xuruufta Af Soomaaliga ahna shaqal gaaban oo u qorma: A, a.
-a: (qodob) sida ka raaca ereyada lab ee kelida ah kuna dhamaada hamsada (') sida go' - go'a
ba' - ba'a.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonla'
(tilmaame) mid aan cilmi haysanin; mid garasho u baahan; aan wax ba baran. Dh: jaahil, aqoonlaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba
(-ba): (qurub) dabagelis ah oo xagga dambe ka raaca falkaabka oo xoojiya diidmada. Aniga iyo Cali, waxba la nama siin.
ba (-ba): (qurub) dabagelis ah oo xagga dambe ka raaca falkaabka oo la macno ah 'kaste' ama 'walba'. Hadal la yidhi, ninba si u qaaday.
ba (-ba): (qurub) dabagelis ah oo xagga dambe ka raaca falkaabaha oo wax badan sheega. Waxaad doontoba waan ku siin.
ba (-ba): (qurub) dabagelis ah oo xagga dambe ka raaca falkaabka oo la macno ah 'xataa'. Caasha uun ma ahee, aniguba waan maqlay.
ba (-ba): (qurub) dabagelis ah oo xagga dambe ka raaca falkaabka oo weedha qaybaheega xidhiidhiya. Waxaan albaabkiisa fadhiyaba, ugu danbayn waa la iga furay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul badan gaadhsiisnaan. Baahsanaan iyo baylah ba barta ka eega. Baahsanaadka bahalkaa ku laaya xoolaha. Dh: faafsanaan, firirsanaan, fidsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandheeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka turubka baandheeya ama wax kale ba baadhbaadha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas
(fal) itixaan ka qudub; itixaanka ka dallac; ka gudub fasal oo mid kale u dallac.
baas -ka: (magac, lab, keli) dhib iyo waxyeello baas badan oo daran; wax aan dheef iyo wanaag lahayn. Balaayoy baydh, baasaw bax, barkhad Allay soo hoyo. Dh: belaayo, ba', balanbal, basanbaas, jab, masiibo, hankaag, hiirtaley, hoog. Li: barkhad, khayr
baas -ka: (magac, lab, keli) qoriga oo darandoorri baash rasaasta u rida.
baas -ka: (magac, lab, keli) tebinta labada ciyaartoy ay kubbadda isku tebiyaan ama isa siiyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) liibaan helid; farxad iyo raynrayn ku jirtid. Dad iyo duunyo ba badhaadhid Allow na gaadhsii. Dh: baraarid, lii, barwaaqoobid, rayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahbah
(ereycodeed) tusmeeya hadalka faraha badan ee aan milgada lahayn. Bahbah baad haysaa, saaxiib!
bahbah -da: (magac, dhedig, keli) dad walaalo ah oo hooyooyin kala duwan ka soo kala jeeda; intii hooyo wada dhashay ba bah tahay. Maalintiina waa aabbo aabbo, habeenkiina waa bahbah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaani
(fa) si digtooni ku jirto u dhawr, si taxaddar leh u wad. Banbaani maalkaad waddiyo ba baarqabkan qooqu kala gooyey. Dh: ilaali.
banbaani: (fa) hiil iyo hoo ba sii; waxtar ku biiri oo garab joogso. Dh: taageer, garabgal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato dhacda oo waxyeello badan leh; wixii aan wanaagsanayn oo dhan. Belaayo daaman la qabtay leedahaye dabo la qabto ma leh. Dh: ba', baas, massiibo, balaayo, hankaag, baaba', hoog. belo. Li: wanaag, barkhad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAY-BAY
(Bei-bei) NFD, May Boswellia microphylla Chiov. Burseraceae.
May Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
bad (adj)
hegeri
xun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kan³ (-kan)
dk.ti.l Dibkabe tilmaame oo magac dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kay³ (-kay)
dk.lh.l la-mid: kayga².