b.s.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
B.S.
/bii-es/or B. Sc./ (abbr) shahaadada jaamacadda qaybta cilmiga (Bachelor of Science oo la soo gaabiyey). e.g. She has a B.S. in biology.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burcad
1. (Burcad-da) Urur tuugo; qowle.
2. (Burcad-ka) a) caanaha la lulo subagga ka baxa oo aan weli la shiilin. b) Subag dhirta laga liso oo kan caanaha laga lulo u eg. c) Bocorka caanaha geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guumeys
1. (Guumeys-ka) a) Shinbir, shinbiraha habeenkii ugaarsada kamid ah; wuxuu lee yahay madax ballaaran iyo labo indhood oo waaweyn oo ku yaal kax bannaan oo middiiba baal adki ku xariiran yahay. b) Nin qaabka guumeyska leh; guun gaaban oo foolxun; filkii guurka wax badan dhaafay.
2. (Guumeys-ta) a) Inan gabowdey oo aan la guursan. b) Sida 1a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jar
1. (Jar-ka) a) Xoolaha la cayiliyo oo la ganacsado; ahmin. b) Daruur duuban oo hir la moodo, c) Bohol weyn gowgeed; qar; haadaan.
2. (Jar-ta) a) Sida 1c. b) Shaxda marka saddex hal oo isku bar bar ahi isku beegmaan; jare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jare
(Jara-ha)
1. Xarig lo'da iyo fardaha lagu qabto.
2. Shax: a) kolka saddex isku dhacdo. b) Shaxda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedid
(Jeedid-da)
1. Meel u socosho; anbabbaxsanaan.
2. (u jeedid) wax indhaha ku hayn; arkid; fiirin.
3. (sii jeedid) dib u jeeda; qofka hadla haya dhabarka u duwa haya.
4. (soo jeedid) a) Xagga laga xigo ama laga hadla hayo u jeeda. b) seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marin
1. (Marin-ka) a) Meesha loo sameeyey in la maro; dhabbe; waddo. b) Sida eg; abbaar; jid.
2. (Marin-ta) a) Wax maran ka dhigid; eber ka dhigid. b) Meel marsiin. c) Wax akhriyid, kicin. d) Wax wax ku jiidid; ku tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaddar
1. (Qaddar-ka) a) Karti; awood. b) Sharaf; qiime; tixgelis.
2. (Qaddar-ta) Iraadada Eebbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorxir
(Qoorxir-ka)
a) (*) Maro yar oo dhuuban oo badanaa xariir ah oo raggu surka ku xirto, guntin qaabab badan lehna u yeelo. b) Suun dumaysan oo heensaha kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saad
1. (Saad-da) a) Hadallo lagu sii mala'awaalo ama lagaga sheekeeyo, waxyaalo dhiciddood la jecel yahay, oo weliba la moodayo - soo qaadidda la soo qaaday darteed - in waxa dhiciddoodii suuraggal noqon karayso oo laga yaabo inay run ahaan u dhacaan; saraad. b) Waxyaalo dhici doona, astaamo lagu garto dhicitaankooda, oo ka soo hormara.
2. (Saad-ka) a) Geed aad u weynaada oo u laf adag oo qoryihiisa waxna lagu dhisto alaabo badanna laga samaysto; saaj. b) Sahay; jicsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safar
1. (Safar-ka) a) Magaalo ama meel kale oo loo aado - iyadoo gaadiid la wato - in wax laga soo gato ama laga soo iibsado. b) Socdaal; dhoof.
2. (Safar-ta) Bilaha dayaxa oo Muslinku tirsado, tan labaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayid
1. (Sayid-da) (dun, liilammo, kd.) isfeer dhigid. sarcid.
2. (Sayid-ka) a) Waayeel, madax. b) Shariif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sibir
1. (Sibir-ka) a) Dacar. b) Shammiinto.
2. (Sibir-ta) Lugta geela saanteeda iyo weelka saantaas laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomaali
1. (Soomaali-da) Dadka Soomaaliya deggan.
2. (Soomaali-ga) a) Afka Soomaalidu ku hadasho. b) Shilinka Soomaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tegid
(Tegid-da)
1. Dhaqaaqid; aadid; socosho; bixid.
2. (ka-tegid) Meel ka anbabbixid; cid ama wax meel ku dhaafid; xusid la'aan.
3. (kala-tegid) a) Midba meel aadid. b) Is furid.
4. (ku tegid) a) Meesha la tegayo waxa loo raacay. b) Sababta tegidda keentay.
5. (la tegid) Qaadasho, wadasho, kaxaysasho; raacid. 6. (u tegid) U imaansho; la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariir
1. (Xariir-ka) a) Caano iyo biyo la isku daro; barax. b) Sarmo indhaha baalkooda hoose, docdiisa gudaha ah oo xagga isha u jeedda, lagu dhigo oo dhiig yar looga keeno (waa farsamo lagu daweeyo xanuun indhaha ku dhaca). c) Summad xoolaha lagu dhigo. d) Hadal la qoonsado oo bareer la isu yiraahdo; (xan iyo xariir).
2. (Xariir-ta) a) Dun qurux badan oo jilicsan oo diirdiirxariireeddu samayso. b) Dharka duntaas laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baariyam-salfeyt
m.dh (kiimika) Adke cad oo ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah. B. s. kuma milanto biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbax
badbax¹: m.l Guuridda reero xagga badda u guuraan si ay uga samatabbaxaan dhibaatada dhuugga, baalka iyo wixi lamida.
badbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Ka b.: halis ka samatabbixid. 2. Ka b.: si looga samatabbaxo dhibaatada dhuugga, baalka iyo wixi lamida xagga badda u guurid (reero).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahardaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Is b.: si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baq
baq¹: m.l 1. Caano xumaaday oo aan la dhammi karin. 2. la-mid: biqid.
baq²: f.mg1 (-qay, -qday; -biqi) 1. Wax xumaaday oo aan la dhami karin noqosho (caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.: sharci, qawaaniin iyo wixi lamida wax khilaafsan faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado ciqaabta ay jebintiisu leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bareer
bareer¹: m.l 1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn; caddaan; kas. 2. la-mid: bareerid. la-mid: bareero.
bareer²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. U b.: fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.: si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama shay u wajahid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
B.A.
/bii ey/ (abbr) shahaado jaamacadeed oo lugu qaato adabka (arts) ama cilmiga bulshada. e.g. He took a B.A. in languages.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
b.C.
/bii sii/ (abbr) dhalashadii Nebi Ciise ka hor (taariikhda). e.g. 1600 B.C.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
B.C.
/bii sii/ (abbr) harfy lahaku gaabiyi Before Christ, dhalyshithii naby lisy hortis. 200 B.C. means 200 years before the birth of Jesus.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
M.S.
/em-es/ msc.(abbr) shahaadada mastareeydka oo lugu sameeyo qayb cilmi ah (Master of science).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
P.S.
/pii-es/ (abbr) fiiro gaar ah ~ F.G (postscript oo lasoo gaabiyey).