ereyga

b.c.

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

b.C.

DHAN

/bii sii/ (abbr) dhalashadii Nebi Ciise ka hor (taariikhda). e.g. 1600 B.C.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

B.C.

DHAN

/bii sii/ (abbr) harfy lahaku gaabiyi Before Christ, dhalyshithii naby lisy hortis. 200 B.C. means 200 years before the birth of Jesus.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Doon

DHAABAN
1

1. (Doon-ka) a) Xoolaha tabarta yar oo aan ceelka gaari karin oo guryaha lagu waraabsho. b) Ciidda iyo dhoobada ceelasha dheerdheer uurkooda laga soo saaro. c) * Wixii sidaas oo kale dhulka uurkiisa hoose laga doono oo laga soo baxsho. d) Ciid sida tallatiirriyaadda u samaysan oo ceelasha dheerdheer dhinacyadooda ka abuuranta; taallo ka samaysantay waxyaalaha dhulka uurkiisa hoose laga soo baxsho oo ceelasha agtooda lagu qubo.

2

2. (Doon-ta) Gaadiid-badeed markabkana ka yar bedenkana ka weyn; xaryan; (ama doonni).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Duq

DHAABAN
1

1. (Duq-a) ) Nin fil weyn; waayeel; oday. b) Madax, taliye. c) Gaboobey.

2

2. (Duq-da) a) habar. b) (cayaar) foorad, dhibic.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Feer

DHAABAN
1

1. (Feer-ka) a) Sacabka oo duuban oo qof kale, dagaal ama cayaar, xoog loogu dhufto. b) Cayaar ku dhisan, labo qof oo feer isla dhaca, taniyo inta mid laga adkaado; feertan.

2

2. (Feer-ta) ) Lafo sida qaansada u xoodan oo lafdhabarta ku qodqotoma, xagga horena lafsakaarta, badankood madaxyada ku hayaan, middood. b) Dhinac; barbar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jaan

DHAABAN
1

1. (Jaan-ka) a) Caano dhanaan; jinaw. b) Ciid dhano ah. c) (') Uuman aan la arkayn; jinni.

2

2. (Jaan-ta) a) Kob wareegsan. b) Cad harag ah oo qaab gaar ah leh (sida jaamaha kabaha). c) Waraaq ama wax la mid ah oo wax la qaban doono jaangooyadood ku qoran tahay. d) Cad; kar; gabal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kar

DHAABAN
1

1. (Kar-ka) a) Aburka kulaylku biyaha iyo wixii la mid ah, ka soo saaro. b) Cad wax lagu karo.

2

2. (Kar-ta) Gabal yar oo harag ah ama xaashi adag ama wax kale oo la mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Karin

DHAABAN
1

1. (Karin-ka) a) Raadka raridda badani u yeesho awrta kuruskeeda. b) Xiriirka buuraha duudkooda sare, meel inta kale ka gaaban.

2

2. (Karin-ta) a) Wax bislayn. b) Cad wax lagu karo; karmo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Mataan

DHAABAN
1

1. (Mataan-ka) a) Labo ilmood oo hooyo isku kol dhashay, midkood lab. b) Labo wax oo isku mataansan, midkood.

2

2. (Mataan-ta) a) Labo ilmood oo hooyo isku kol dhashay midkood dheddig. b) Ceel af dhuuban oo dheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qun

DHAABAN
1

1. Si qumman; hagaag; toos.

2

2. (Qun-ka) a) Labada qanjir oo kulkulucsan oo afka salkiisa labada dhinac kaga kala yaal, midkood. b) Cudurka qanjirradaas ku dhaca; majin; majinow; xoqato. c) Lugta yar, oo sabuulka sidda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Taag

DHAABAN
1

1. (Taag-ga) a) Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood. b) Cudur la is qaadsiiyo oo xubnuhu la togtogmaan; togtogan.

2

2. (Taag-ta) a) Xoog; itaal; tabar; awood, b) Karti; maaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Weer

DHAABAN
1

1. (Weer-ka) Bahal dugaagga ka mid ah oo dhurwaaga u eg; dhidar. b) Cad maro ah oo cad oo madaxa lagu xirto, oo murugo weyn lagu muujinayo.

2

2. (Weer-ta) Ereyo taxan oo macne buuxa leh; hawraar; tix; hadal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baabbaca-caleen

DHAABAN

m.dh (-eemo, m.l) (baayoloji) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c. yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baahi

DHAABAN
1

baahi¹: m.dh 1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la'aantooda. Tusaale: “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.

2

baahi²: f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid in ay wax u baahato badid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baarran

DHAABAN
1

baarran¹: m.l (-ammo/-anno, m.dh) 1. Dhawaaq afka ka soo baxa firkad gaar ah lagu cabbirayo; hadal; afeef. 2. la-mid: baarramid.

2

baarran²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La b.: cid hadal la yeelasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

babacdhig

DHAABAN
1

babacdhig¹: m.l la-mid: babacdhigid.

2

babacdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: cid, wax dhibaato leh oo ku soo aaddan difaacid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

badi

DHAABAN
1

badi¹: m.dh 1. Wax tirsama intooda badan. 2. (fk) Alaaba, sida qaliibka ah, inta badan, badanaa, guud ahaan.

2

badi²: f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tusaale: “Shaahii sonkor buu ka badiyey”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bahow

DHAABAN
1

bahow¹: m.l la-mid: bahoobid.

2

bahow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) La b.: cid, gaashaanbuur la noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bambaani

DHAABAN

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid si naxariis iyo xushmad leh u kaalmeyn. 2. Iska b.: cid, wax ay dhibsaneyso is ka ilaalin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bar

DHAABAN
1

bar¹: m.l Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshay, meeshood; nus. Tusaale: “Lacagta bar i sii”.

2

bar²: m.dh (-ro, m.l) 1. Goobaabin yar oo meesha ku taal midab ka duwan leh. 2. B. xoolaad: xoolo yar.

3

bar³: m.l (daawo) Bar lagu dhasho oo meel xaddidan ee maqaarka ah ku taal.

4

bar⁴: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid, cilmi iyo wax uusan aqoon aqoonsi. 2. Wax laba meelood oo isla 'eg u qaybin. 3. Is b.: caadaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barki

DHAABAN

f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beelow

DHAABAN

f.g1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Cid beel noqosho. 2. Ku b.: cid, cid kale oo ka dhaqan duwan ku darmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

B.A.

DHAFANDHAAF

/bii ey/ (abbr) shahaado jaamacadeed oo lugu qaato adabka (arts) ama cilmiga bulshada. e.g. He took a B.A. in languages.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

B.S.

DHAFANDHAAF

/bii-es/or B. Sc./ (abbr) shahaadada jaamacadda qaybta cilmiga (Bachelor of Science oo la soo gaabiyey). e.g. She has a B.S. in biology.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

B.C.E.

DHAFANDHAAF

/bii sii ii/ (abbr) harfy lahaku gaabiyi Before Common Era, waqtighy aadighe eh ku hor.

waa la naqliyay ✓