ereyga

b,b

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

B,b

DHAN

/bii/ xarafka labaad ee alifbeetada ingiriisiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

B,b

DHAN

/bii/ harafky lammaad oo farty ingriinsky.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bal

DHAABAN
1

1. Erey ulajeeddooyin midabyo badan leh sida 'waa yahay e,' 'Arrintii hore daayey ama ka noqday e,' oo la yiraahdo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska yeersiiyo (wax aan lagu jacsanayn ama cagajiid lagu yeelo); Bal hoo, bal kaalay, bal ina keen; wiilka bal u yeer.

2

2. (Bal-ka) a) Geedka meseggada, galleyda, kd. inta laamaha iyo caleemaha ah. b) Ballan; wacad; axdi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Diin

DHAABAN
1

1. (Diin-ka) a) Maamul xag Ilaah laga jideeyey oo dad ku dhaqmo; hab weyn oo lagu dhaqmo oo Ilaah loogu dhowaado; (ama diinta). b) Bahal xamaaratada kamid ah oo aad u gaabiya oo miyiga ku dhaqma. Qolof xoog badan baa ku rogan, wuxuuna u eg yahay qubada badda; (ama diindiin)

2

2. (Diin-ta) Diinka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Duud

DHAABAN
1

1. (Duud-da) a) (-°) Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. b) Buuro xiriira.

2

2. (Duud-ka) Dul; kor; dhabar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gacan

DHAABAN
1

1. (Gacan-ka) a) Xubin dhuun la moodo oo madaxa maroodiga ka lallaadda: waa sankii iyo bushintii kore oo isku samaysmay, wuxuuna isku darsaday xoog iyo jiljileec; docda kore waa adayg qallafsan gudo-ujeeddaduna waa wax jilicsan; Maroodigu wuxuu karaa inuu geed weyn gacankiisa ku jebiyo, dhinaca kalena, wax yar, sida xabbad digir ah oo kale, uu ku qaado. b) Biyo jiidan oo ama bad ka dillaaca ama biyo kale, oo dhulka engegan dhex gala, c) (qalab, weel) meel soo baxsan oo gacanta lagu qabto.

2

2. (Gacan-ta) (oogada dadka) xubinta qarqarka ka bilaabata oo faraha ku dhammaata oo ay kamid yihiin cududda, xusulka, dhudhunka, sacabka...

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gar

DHAABAN
1

1. (Gar-ka) a) Timaha ka baxa bushimaha hareerohooda iyo camanka iyo daamanka. b) Bir ama qori, kd., soo baxsan oo qaroofan, c) Garraarka dumarka. d) Doc; dhinac.

2

2. (Gar-ta) Abbaarta iyo xeerka, qof walba wax uu lee yahay ama uu jid u lee yahay ama uu mudan yahay, siiya; garsoor ku dhisan, eexasho la'aan; xaq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Haad

DHAABAN
1

1. (Haad-da) a)° Nafleyda inta duusha; wixii baal leh; shinbiro. b) Baylah; goldaloolo.

2

2. (Haad-ka) ° a) Sida 1a. b) (qof. kd.) sida haadka u fudfudud oo wax walba ku soo haada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Sarac

DHAABAN
1

1. (Sarac-a) a) Saf. b) () beerfal.

2

2. (Sarac-da) kobta laabatada ah oo bowdada iyo calooshu (uurku) iska galaan (ama sarcan).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Sulub

DHAABAN
1

1. Sidib ah; aan xanaf iyo gowtiyo lahayn.

2

2. (Sulub-ka) a) Dhagax sulubi ah. b) Birsulub; birlab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tar

DHAABAN
1

1. (Tar-ka) a) Wax soo noqnoqod keena. b) Badasho; taran.

2

2. (Tar-ta) a) Bowdo. b) (xiddig) afqays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

badad

DHAABAN

m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Dululaatiga laga dareemi karo xoog; xooggaasi oo uu sababay jiritaanka walax taalla bar ka mid ah dululaatiga. Noocyada b.da waxa ka mid ah: a) b.birlabeed, b) b. danabeed c) badad cufisjiidad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

balafbalafsii

DHAABAN

f.g2 (-iiyay, -iisay) Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baqo

DHAABAN
1

baqo¹: m.l la-mid: baqasho.

2

baqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Ka b.: baqdin awgeed meel lagu sugnaa ka tegid; wax ka cabsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bihimbihi

DHAABAN

f.g2 (-iyay, -isay) Is b.: bihimbih samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

niinf

DHAABAN

m.dh (cilmiga naflayda) Heer ay maraan xasharaadka qaarkood intaayan weynaan sida: kaboyaaga marka ukunta ka soo baxaan niinfigu waxay u egyihiin kuwa waaweyn; waxay kaga duwan yihiin oo keliya: a) way ka yaryaryihiin; b) baalal uma soo wada bixin; c) mana baaluqin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xeerka kala-hormarinta

DHAABAN

m.l (xisaab) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

badad

DHAABAN

m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Dululaatiga laga dareemi karo xoog; xooggaasi oo uu sababay jiritaanka walax taalla bar ka mid ah dululaatiga. Noocyada b.da waxa ka mid ah: a) b.birlabeed, b) b. danabeed c) badad cufisjiidad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baqo

DHAABAN

f.mg3 (-qday, -qatay) Ka b.: baqdin awgeed meel lagu sugnaa ka tegid; wax ka cabsasho. m.f.dh, baqasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

niinf

DHAABAN

m.dh (cilmiga naflayda) Heer ay maraan xasharaadka qaarkood intaayan weynaan sida: kaboyaaga marka ukunta ka soo baxaan niinfigu waxay u egyihiin kuwa waaweyn; waxay kaga duwan yihiin oo keliya: a) way ka yaryaryihiin; b) baalal uma soo wada bixin; c) mana baaluqin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xeerka kalahormarinta

DHAABAN

m.l (xisaab) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Orographic rain

DHAABAN

Roo-b buureed

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bab

DHAFANDHAAF

(ereycodeed) lagu tusmeeyo sanqarta uu sameeyo wax culus oo dhulka ku soo dhaca ama dharbaaxo qof ku dhacday.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beb

DHAFANDHAAF

f.g1 (-bay, -btay) Ciyaar lagu tartamay, foorooyinkood iska soo gudid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beb

DHAFANDHAAF

(eraycodeed) lagu cabbiro jabaqda wax adag oo la dharbaaxo ama wax lagu jiido. Dharbaaxo beb ku sii!

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

bib

DHAFANDHAAF

/bib/ (n) qoor-hir (goodky yer oo unuggy qoorty lyngky hiraw maddi hung-gury ly siyaaw).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bib

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) haloosi iyo mala'awaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

bob

DHAFANDHAAF

/bab/ (v) saaltayn; saalto (bood-boodid). e.g. He was bobbing up and down on the rough road.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

bob

DHAFANDHAAF

/bab/ (v) boboothow, mamaathow, fud yub erow. The fish bobbed on the waves.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bub

DHAFANDHAAF
1

(Bub-ta)

2

Cayaar labo qof ama ka badan lagu cayaaro oo shaxda u eg; yib; shantarad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bub

DHAFANDHAAF

m.dh Cayaar u eg shaxda oo ay ciyaaraan laba qof ama ka badan; yib; shantarad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

bub

DHAFANDHAAF

f. n. game similar to chess

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

bub

DHAFANDHAAF
1

de: game similar to chess

2

lx: bub

3

pd: (-ta)

4

ps: n-f

5

key: bub

waa la naqliyay ✓