ereyga

ayeeyolugdheer

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ayeeyolugdheer

DHAN

m.dh.u (cilmiga naflayda) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. la-mid: ayeeyolugadheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ayeeyolugdheer

DHAN

m.dh.u (cilmiga naflayda) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. la-mid: ayeeyolugadheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ayeeyo-lugdheer

DHAFAN
1

(Ayeeyo-lugdheer-ta)

2

Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ayeeyo-lugdheer

DHAFAN

f. n., [compound] praying mantis

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ayeeyo-lugdheer

DHAFAN

-ta: (n) mantis (maan tas); a predatory insect ~ abooto-idabadis

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ayeeyolugadheer

DHAFAN

m.dh.u la-mid: ayeeyolugdheer.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ayeeyalugdheer

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abooto'idabadis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abbaayguddoy

DHAABAN

m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. la-mid: ayeeyolugdheer; abooto-idabbadis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abbaayguddow

DHAABAN

-da: (magac, dhedig. keli) cayayaan jiriqaaqa iyo ayaxa la bah ahooleh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheer yihiin. Dh: gabro, ayeeyolugdheer, mocooyolugdheer, aboota'idabadis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

idabadis

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) xasharaad fuqa ayaxa oo kale leh oo lugo dhaadheer iyo laba baal leh, dadkana aan dhibin oo inta badan midab cagaaran Jeh. Dh: mocooyolugdheer, ayeeyolugdheer, abooto'idabbadis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Mareegdheer

DHAFANDHAAF

labo xiddigood oo la moodo in ay saro u yara weyn yihiin oo daalallida cutub ka mid ah oo u dhexeeya Libcas iyo Xoor.

waa la naqliyay ✓