ayeeyo-lugdheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayeeyo-lugdheer
(Ayeeyo-lugdheer-ta)
Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayeeyo-lugdheer
f. n., [compound] praying mantis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayeeyo-lugdheer
-ta: (n) mantis (maan tas); a predatory insect ~ abooto-idabadis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayeeyolugdheer
m.dh.u (cilmiga naflayda) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. la-mid: ayeeyolugadheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayeeyalugdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abooto'idabadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayeeyolugadheer
m.dh.u la-mid: ayeeyolugdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abooto-idabbadis
(Abooto-idabbadis-ta)
Ayeeyo-lugdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abooto-idabbadis
m.dh Ayeeyo-lugdheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abbaayguddoy
m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. la-mid: ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mantis Mites
Ayeeyo lugdheer, Abooto-idabadis
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
màntide
s.f. - abootoidobadis, ayeeyo lugdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso-lugaley
(Abeeso-lugaley-da)
Jaad halaqa ka mid ah oo qallajisaha waaweyn lagu tirsho oo afar addin iyo dabo dheer iyo harag adag leh; masolugaley, riyannuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abeeso-lugaley
f. n., [compound] lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abeeso lugaley
-da: (n) lizard (li zerd) ~ masacagaley