ayeeyalugdheer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayeeyalugdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abooto'idabadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayeeyolugdheer
m.dh.u (cilmiga naflayda) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. la-mid: ayeeyolugadheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayeeyo-lugdheer
(Ayeeyo-lugdheer-ta)
Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayeeyo-lugdheer
f. n., [compound] praying mantis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayeeyo-lugdheer
-ta: (n) mantis (maan tas); a predatory insect ~ abooto-idabadis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayeeyolugadheer
m.dh.u la-mid: ayeeyolugdheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abooto-idabadis
-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan jaadad badan oo baalal leh, inta sare u dhuuban. Kolka ay joogta na way dheeldheellidaa. Waxa ay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow iyo afar lugood oo danbe oo kuwa hore ka yaryar qodaxna leh. Abooto'idabadis ayaa geedka saaran. Dh: ayeeyalugdheer, mocooyolugdheer, gabro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mareegdheer
labo xiddigood oo la moodo in ay saro u yara weyn yihiin oo daalallida cutub ka mid ah oo u dhexeeya Libcas iyo Xoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mareegadheer
(Mareegadheer-ta)
Xiddigaha daalallida cuntub kamid ah oo u dhexeeya libcas iyo xoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareegadheer
m.dh 1. Xiddig kuwa dayaxa ugu dhow ka mid ah oo soo baxa xilliga dayrta. 2. Qof haween ah oo dhalatay 14- naadka dayaxeed oo dadku aaminsanyihiin inay ayaandhalad tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeesalugaley
m.dh.u Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abeesalugaley
m.dh.u Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Meegaar-dheer
Goobays lagu af meero tooxda weyn ee laga jarayo jaandiga iyo wixii ah birnugayl fidsan oo dul siman.