ayax-makareen
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AYAX-MAKAREEN
(Aiah-macaren) S Bothriochloa insculpta (A.Rich.)A.Camus. Gramineae.
S Bothriochloa radicans (Lehm.) A. Camus. Gramineae.
S Enneapogon schimperanus (A. Rich.) Renv. Gramineae.
S Dichanthium annulatum (Forsk) Stapf. Gramineae.
S Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
N Tetrapogon tenellus (Roxb) Chiov. Gramineae.
N Tetrapogon villosus Desf. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ABOOR-MAKAREEN
(Abor-makaren)
S Rinorea elliptica (Oliv) Kuntze. Violaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaxmakara
-ha: (magac, lab, keli) geed cawsaad ka baxa dhulka dooxooyinka ah. Waa mid aad u adag oo uu gammaanku daaqo. Ayaxmakaraha abaartaa loo aayaa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILAAL-MAKAREEN
(Jilal-makaren) S Enicostema axillare Lam. Gentianaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAROODI-MAKAREEN
(Marodi-macaren) S Ormocarpum kirkii S. Moore Papilionaceae.
May Bottegoa insignis Chiov. Sapindaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamar-dabareed
m.dh (fiisikis) Tamarta la bixiyo marka dabar elektaroon-wadaag ihi ka dhex samaysmo laba atam oo madax bannaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aayaxumaan
m.f.dh eeg aayaxun. la-mid: aayaxumaansho, aayaxumi, aayaxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayaxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mustaqbal iyo rajo xumaan; aayatiin la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaxbadeed
-ka: (magac, lab, keli) qolofleyda badda jaad ka mid ah oo aad u nafaqo badan. Waxa uu eg yahay ayaxa berriga oo kale. Tiro aad u badan ayuu badda dhexdeeda isu raacraacaa. Ayaxbadeed baan caawa ku casheeyay. Dh: qawqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyamareen
-ka: (magac, lab, keli) dhul godan oo biyaha roobku isugu soo ururaan ama ku soo dindimaan, meesha dhuuxa ah ee biyuhu maraan. Biyamareen baad reerka dejiseen daadkaa qaadiyi see la yeel hadduu roob da'o. Dh: keli, boqon, far, gacan, kannaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadmareen
-ka: (magac, lab, keli) meel dhulka kale ka hoosaysa oo marka roob da'o biyuhu ku soo quiqulaan. Lama dego daadmareenka. Dh: dix, biyomareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawamareen
m. n. trachea, windpipe; respiratory organ
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawamareen
de: trachea, windpipe; respiratory organ
lx: hawamareen
pd: (-ka)
ps: n-m
key: hawamareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lamakaraan
m.l.kh L. ah: qof garmaqaate ah; macangag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lamakaraan
m. n. stubborn ~ obstinate person; hard to defeat, invulnerable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamakaraan
-ka: (magac, lab, keli) qof haddii uu xanaaqo aan la dejin karin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lamakaraan
de: stubborn ~ obstinate person; [ext.] hard to defeat, invulnerable
lx: lamakaraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: lamakaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaamareen
-ta: (magac, dhedig, keli) yaab iyo argagax. Dh: anfariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyammareen
(Biyammareen-ka)
Tog yar ama weyn oo la sameeyey ama iska samaysmay oo dhuuxiisa biyuhu maraan; far; gacan; kanaal; keli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyammareen
m.l (-nno, m.dh) Jeex; tog; kanaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyammareen
m.l (-nno, m.dh) Jeex; tog; kanaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyammareen
m. n., [compound] canal, channel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyammareen
de: canal, channel
lx: biyammareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyammareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawammareen
m.l Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawammareen
m.l Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawammareen
-ka: (magac, lab, keli) labada dhuumood ee hunguriga ku yaal tan ay maraan hawada ama ay kasoo baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadimareen
kaadimareen¹: m.l (-no, m.dh) Dhuunta kaadidu marto.
kaadimareen²: m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadimareen
kaadimareen¹: m.l (-no, m.dh) Dhuunta kaadidu marto.
kaadimareen²: m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadimareen
-ka: (magac, lab, keli) labada xidid ee kaadida ka soo qaada kelyaha ee kaadihaysta ku shuba, dabadeedna dibadda jidhka uga saara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaamarreen
-ka: (magac, lab, keli) shaamarreer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnawareen
-ka: (magac, lab, keli) xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afar-madaxle
m.l (cilmiga naflayda) Muruqyada ugu waaweyn ee lugta fidiya midkood, wuxu ku yaal bowdada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadimmareen
(Kaadimmareen-ka)
Xididka kaadihaysta ka baxa oo kaadida dibadda u saara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadimmareen
m. n., [compound] urethra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadimmareen
de: urethra
lx: kaadimmareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kaadimmareen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-wareer
-ka: (n) headache (heedh-ek) ~ madax-xanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malax-dareer
m.dh (daawo) Cudur ku dhaca soohyada haya ilkaha, sida: cirridka iyo lafta. Waxaa keena baktiiriyada huurada ilkaha; malax ayaa cirridka fariisata ilkuhuna salka ayay ka bololaan. Ereyga “Pyorrhoea” wuxu noqon karaa malax meel jirka ka mid ah ka dareerta markaas ereyga “Cirrid” ayaa laga reebaya waxay noqoneysaa malax-dareer af Soomaaliga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malax-dareer
m.dh (daaw.) Cudur ku dhaca soohyada haya ilkaha, sida: cirridka iyo lafta. Waxaa keena baktiiriyada huurada ilkaha; malax ayaa cirridka fariisata ilkuhuna salka ayay ka bololaan. Ereyga 'Pyorrhoea' wuxu noqon karaa malax meel jirka ka mid ah ka dareerta markaas ereyga 'Cirrid' ayaa laga reebaya waxay noqoneysaa malax-dareer af Soomaaliga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallax-barafeed
m.l (juqraafi) Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sallax-barafeed
m.l (juqraafi) Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sawir-maskaxeed
-ka: (n) imagination (i-maaji-neey-shin); imaginary (i-maaji-nari); fancy (faansi)