axdifur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axdifur
-ka: (magac, lab, keli) ballan iyo axdi, jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandarro
-da: (magac, dhedig, keli) ballan fulin la'aan; oofin la'aan heshiis. Dh: axdifur, ballanjebin. Li: ballanfulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadifur
m.l la-mid: baadifad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
abdiquer
abdiquer, v. - is casilid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
auditeur
auditeur, n.m. - dhageyste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifur
(fal) ballan xidhnayd buri; wax la isku ogaa weydaaro. Weligaa ha badhifurin, balkii kuu xidhnaayoo, dhaqankaa ha baylihin.
badhifur -ka: (magac, lab, keli) ballan ka bixid; ballan jebin. Badhifur beenaale caado way u tahay. Dh: ballanfur, dhabarjebin, dabafur. Li: oofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afur
afur¹: m.l la-mid: affurid.
afur²: f.mg1 (-ray,-rtay) la-mid: affur².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afur
afur¹: m.l 1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad. 2. la-mid: afurid.
afur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Soonka jebin. 2. Cunnada afurka cunid. m.f.dh, afurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afur
m. n. meal eaten after sunset to break the fast of Ramadan
afur v. break one's fast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afur
-ka: (n) 1. the food eaten after sunset in the month of Ramadan. 2. breaking one's fasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afur
(fal) soommanaan dabadeed, wax cun. Iska afur haddeed cadceeddu way dhacdayo.
afur: (fal) waaberiga hore, cunto cun.
afur-ka: (magac, lab, keli) adoo sooman wax cunid ama cabbid; soon jebin.
afur -ka: (magac, lab, keli) cuntada aroorta ugu horrynta la cuno ama soonka lagu jebiyo. Afurku maanta waxa uu ahaa laxoox. Dh: afbilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axdi
(Axdi-ga)
Ballan adag oo lagu heshiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axdi
m.l (-iyo, m.dh) Ballan adag oo lagu heshiiyo. la-mid: cahdi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
axdi
m.l (-iyo, m.dh) Ballan adag oo lagu heshiiyo. la-mid: cahdi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
axdi
m. n. promise, oath, pledge, contract, testament, treaty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
axdi
-ga: (n) promise (poromas); treaty (tiriiti); a contract or an agreement
axdi: -ga: (n) constitution (konisti-tuuu-shiri); law (loo) ~ disduur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axdi
-ga: (magac, lab, keli) ballan ama dhaar adag oo la galo. Axdi nimaan aqoon baa i helay amarku waa yaabe. Dh: ballan, cahdi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
axdi
de: promise, oath, pledge, contract, testament, treaty
lx: axdi
pd: (-ga)
ps: n7-m
xe: Old Testament
xv: Axdiga Hore
key: axdi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
adieu
adieu, n.m. - Nabadgeliyo; Isnabadgelyeyn;
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Adigu
tu, toi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affur
(Affur-ka)
Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affur
affur¹: m.l 1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad. 2. la-mid: affurid.
affur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Soonka jebin. 2. Cunnada affurka cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Axdar
magac loo baxsho wiil dhashay iyada oo arrin iyo talo qoyska ah loo fadhiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axdar
-ka: (magac, lab keli) gar adag oon jixinjix iyo isku dulqaadasho lahayn oo jilba'aasad ah. Haddii aynu axdar is marino oon kaa gar helo ma i garbixin?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
adieu!
intj., amaana Allaah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ardeur
ardeur, n.f. - khushuuc; u qiirood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badfur
(Badfur-ka)
Xilliga baddu deggan tahay oo waxa shiraaca ku dhoofa ay u furan tahay; (ama badfuran).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badfur
m.l (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badfuran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badfur
m.l (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badfuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badfur
m. n. season in which the sea is calm and favorable for sail boat navigation; north east monsoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badfur
-ka: (magac, lab, keli) marka aanay baddu lahayn dabayl iyo hirar kacsan. Xilligii badfurka ayaa la gaadhay. Dh: badfuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badfur
a: badfuran (ka)
de: season in which the sea is calm and favorable for sail boat navigation; north east monsoon Lit: open sea
lx: badfur
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
key: badfur
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aquifer
Biyoside lakabeed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
auditor
/oodhitar/ (n) hanti-dhowr ama xisaabiye dabagala ama hubiya in si sax ah wax loo xisaabay. e.g. Once a year an auditor comes to verify the business accounts.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Auditor
Dhabiiltame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifur
(fal) cid aad ballan wada lahaydeen, kaga bax. Dh: badhifur, baaji. Li: fuli.
barifur -ka: (magac, lab, keli) kaga baxidda ballan aad cid lahaydeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejifur
(Wejifur-ka)
Hadiyad gabadha la arooso la siiyo, oo ninka wax aroosay uu siiyo (kolka laysu guri geeyo oo ay dharka arooska dhigayso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejifur
m.l Hadiyad gabdhaha la arooso uu siiyo ninka wax aroosay kolka la gurigeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejifur
m.l Hadiyad gabdhaha la arooso uu siiyo ninka wax aroosay kolka la gurigeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejifur
m. n., [compound] final gift given to the bride by the groom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejifur
-ka: (magac, lab, keli) hadiyad caruusku caruusadda siiyo habeenka dadab galka. Wejifur waa furaha qoyska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejifur
cf: gabbaati, hadiyad, yarad {S}
de: final gift given to the bride by the groom Lit: open or uncover the face
initial: w
lx: wejifur
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: wejifur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
axdidarro
f. n. oath-breaking, treaty- breaking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
axdidarro
de: oath-breaking, treaty-breaking
lx: axdidarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: axdidarro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdinuur
name: Abdi Nur
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdinuur
bw: Arabic
de: Abdi Nur
lx: Cabdinuur
ps: name-m
key: Cabdinuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddifur
-ka: (magac, lab, keli) muurka rarka ka dhigid. Halkee baad doonaysaa inaad reerka geeddifurto? Dh: dejin.