awooddarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awooddarro
m.dh la-mid: awooddarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awooddarro
-da: (magac, dhedig, keli) kartida wax lagu qabto oo aan jirin ama yar. Awooddarro ayaa odayga haysa. Dh: itaaldarro, tamardarro.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Awood darro
Incapacità
Incapacity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awooddarri
m.dh la-mid: awooddarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoondarro
m.dh la-mid: aqoondarnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqoondarro
m.dh Aqoon la'aan. la-mid: aqoondarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoondarro
f. n., [collective] ignorance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoondarro
-aqoondarrada: (n) ignorance (ignorensi); the condition of being uneducated, unaware, or uninformed ~ jaahilnimo. Ex: aqoondarro waa u nacab jacayl; ignorance is the enemy of love
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoondarro
-da: (magac, dhedig, keli) wax cilmi iyo aqoon ah aan lahayn; garansho la'aan. Dh: jahli. Li: aqoon, tacliin, waxbarasho, cilmi.
aqoondarro -da: (magac, dhedig, keli) caqlixumo; garaadxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoondarro
de: ignorance
lx: aqoondarro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: aqoondarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awooddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax awood yar ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awooddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax awood yar ahaansho. m.f.dh, awooddarnaan. m.dh, awooddarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awooddaran
der. [adjective] weak, incapable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awooddaran
(tilmaame) aan awood lahayn; itaal xun ama yar.
awooddaran: (tilmaame) itaal xumo; karti yaraan aan awood lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awooddaran
de: weak, incapable
lx: awooddaran
pd: (awooddarnaa)
ps: adj-der
key: awooddaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaaldarro
-da: (magac, dhedig, keli) awood la'aan, awooddarro; tabardarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarkul
-ka: (magac, lab, keli) awooddarro iyo joog ka dhicid ay keenaan hoos'udhac ku yimaadda cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awood daran
(adj) feeble fiibel); lacking strength; weak (wiik) ~ tabardaran, tabcaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodayso
(fal) itaal iyo amar yeelo.
awoodayso: (fal) itaal iyo amar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoondarri
m.dh la-mid: aqoondarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoondarri
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aqoondarnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Awoodfaras
Horsepower
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awooddarnaan
m.f.dh eeg awooddaran. la-mid: awooddarnaansho, awooddarri, awooddarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awooddarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) itaalxumi; amar la'aan.
awooddarnaan -ta: (magac, dhedig, keli) itaalxumi amar la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaddarro
-da: (magac, dhedig, keli) runta iyo xaqa oo aan lagu dhaqmin. Daacadarro waa diindarro iyo didnimodarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaddarro
m.dh Xanuun aan weynayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fahmaddarro
m.dh Xanuun aan weynayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fahmaddarro
f. n. lack of intelligence, stupidity; indisposition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahmaddarro
-fahmaddarrada: (n) unintelligence (anintalajansi); absence of intellect; mindlessness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fahmaddarro
de: lack of intelligence, stupidity; indisposition
lx: fahmaddarro
pd: (/da)
ps: n0-f
key: fahmaddarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsoonidarro
m.dh Aan aamin lagu qabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalsoonidarro
m.dh Aan aamin lagu qabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsoonidarro
-da: (magac, dhedig, keli) aaminaad la'aan; xasilooni la'aan. Dh: shaki. Li: kalsooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afdarro
(Afdarra-da)
Af la'aan; saawirnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdarro
m.f.dh la-mid: afdarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdarro
f. n. (adj.): muteness, speechlessness; mute, speechless
afdarro [feminine] n., [abstract] bluntness, dullness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarro
-da: (magac, dhedig, keli) af la'aanta bir ama aalad wax lagu jarto. Afdarrada billaawahan way muuqataa; baruur na kuuma jarayo. Dh: afbeel, saawirnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawdarro
(Dawdarra-da)
Gardarro, jid-darro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawdarro
f. n., [abstract] injustice
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dawdarro
Torto
Wrongful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarro
-da: (magac, dhedig, keli) gardarro aan daw lahayn. Dadka dawdarrada kala fadhiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawdarro
de: injustice
lx: dawdarro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dawdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooddaar
m.l la-mid: hoodaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayadarro
-da: (magac, dhedig, keli) waxtar la sugayey oo lagu hongoobay. Dh: aayadarni.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
autocarro
s.m. - baabuur, gaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
axdidarro
f. n. oath-breaking, treaty- breaking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
axdidarro
de: oath-breaking, treaty-breaking
lx: axdidarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: axdidarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodsaaro
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhuumanayaa waxa uu ku gabbado. Dh: foodsaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quuddarro
(Quuddarra-da)
Wax la fisho; rajo; yididdiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuddarro
m.dh Rajo; yididdiilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuddarro
m.dh Rajo; yididdiilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuddarro
f. n. expectation, anguish (such as that involved with vain hope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarro
-da: (magac, dhedig, keli) sugid cid wax laga sugo oo la naawilo in wax laga helayo. Waryaa aqalkii qiiqaba quudarro la horjoog. Dh: filsho, rajo, naawilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuddarro
de: expectation, anguish (such as that involved with vain hope)
lx: quuddarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: quuddarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldarro
m.dh Gudid ama aqoonsi la'aanta abaal la isu galay. la-mid: abaaldarnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaaldarro
-abaaldarrada: (n) ungratefulness (an-gareeyt-fuul-nes); lack of gratitude, lack of appreciation ~ abaal ka dhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldarro
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun oo ku salaysan in la dafiro ciddii wax kuu tartay ama loo gudi waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoondaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan aqoon lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqoondaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan aqoon lahayn ahaansho. m.f.dh, aqoondarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoondaran
der. [adjective] ignorant, without knowledge, uncultivated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoondaran
(adj) ignorant (ignorent); unaware or uninformed ~ aqoonla'aan, jaahilnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoondaran
(tilmaame) mid aan cilmi iyo garasho lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoondaran
de: ignorant, without knowledge, uncultivated
lx: aqoondaran
pd: (aqoondarnaa)
ps: adj-der
key: aqoondaran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoondarsi
-ga: (v) 1. research (riseerji); scientific investigation or inquiry ~ cilmibaaris. 2. correspondent school (kores-poon-dent iskuul); distance learning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arxandarro
-da: (magac, dhedig, keli) naxariis yari; tudhaad la'aan; jimic la'aan. Arxandarrada waa lagu cadaab galaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaandarro
m.dh la-mid: ayaandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaandarro
f. n. bad luck, misfortune
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayaandarro
-ayaandarrada: (n) misfortune (misfoorjin); bad fortune or ill luck ~ nasiibdarro. —Syn: adversity, mishap, mischance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaandarro
-da: (magac, dhedig, keli) nasiibxumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayaandarro
de: bad luck, misfortune
lx: ayaandarro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: nasiibxumo, saancaddo
key: ayaandarro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahmodarro
-fahmodarrada: (n) unintelligence (an-intala jansi); absence of intellect; mindlessness 2. indisposition
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jisaddarro
m.dh Abaaldarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jisaddarro
f. n., [abstract] ingratitude
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jisaddarro
de: ingratitude
lx: jisaddarro
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: jisaddarro
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Awood urursi
Collecting power
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daacad darro
(n) dishonesty (dis-onesti); disloyalty (dis-looyalti); betrayal (bi-tareeyal); deception (di-sap-shin); treachery (tareejari); perfidy (peefadi) ~ khaa'inimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammindarro
ąammindarro: m.dh Kalsooni la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aammindarro
ąammindarro: m.dh Kalsooni la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aammindarro
f. n., [abstract] mistrust, lack of confidence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aammindarro
-da: (n) mistrust (mis tarast); lack of trust or confidence ~ aamminid la'aan, aamminbax. --Syn: uncertainty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammindarro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aamminbax.
aammindarro -da: (magac, dhedig, keli) kalsooni la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aammindarro
de: mistrust, lack of confidence
lx: aammindarro
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: aammindarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdarro
m.dh Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. la-mid: anshaxdarnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anshaxdarro
m.dh Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. la-mid: anshaxdarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxdarro
-da: (magac, dhedig, keli) asluubxumo; edebdarro. Li: anshaxwanaag.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awood badan
(adj) mighty (maaytif, powerful (paawar fuul) ~ awood sare leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodla'aan
m.dh Wax aan awood lahayn; tabardarro; karti la'aan. la-mid: awoodla'aansho, awoodli'i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballandarro
(Ballandarra-da)
Ballan fulin la'aan; axdi-darro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandarro
m.dh la-mid: ballandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballandarro
f. n. failure to fulfill a promise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballandarro
-ballandarrada: (n) unreliability (an·ri·laayabiliti); untrustworthiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandarro
-da: (magac, dhedig, keli) ballan fulin la'aan; oofin la'aan heshiis. Dh: axdifur, ballanjebin. Li: ballanfulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballandarro
de: failure to fulfill a promise
lx: ballandarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ballandarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiraddarro
-da: (magac, dhedig, keli) fahmaxumi iyo fikirla'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karti-darro
-da: (n) lack of ability; lack of strength; weakness (wiiknes); inability (in a biliti); impotence (impo-tansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelyaddarro
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi kugu baahda; baqdin kugu fogaata. Dh: fulaynimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamuldarro
-da: (magac, dhedig, keli) hoggaamin xumo wax lagu maamulo. Shirkaddu maamuldarro darteed bay u kacday. Dh: maamuldxumo. Li: maamulwanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciindarro
m.dh la-mid: miciinddarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maciindarro
f. n., [abstract] lack of feeling, harshness, hardness of heart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciindarro
-da: (magac, dhedig, keli) gacanyare la'aan; gargaar xumo. Nin weyn waayeelnimo maciindarro ayaa kaga xun. Dh: miciindarro, ciidanxumo.