aweytiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aweytiyid
(Aweytiyid-da)
Aweyti ku akhriyid; habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aweytiyid
m.f.dh eeg aweyti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaytiyid
-da: (magac, dhedig, keli) aweyti ku akhriyid; cid kale habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweysimid
(Caweysimid-da)
Caweysin gaarid, soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweysimid
m.f.dh eeg caweysin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweysimid
-da: (magac, dhedig, keli) caweysin gaadhid; caweys soojeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawelliyid
-da: (magac, dhedig, keli) erey afcarbeed ka soo jeeda oo tilmaamaya madax noqosho iyo masuuliyad. Ma meel sheikh tawalleeyey buu... Taarig naag mehershaa!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aweyti
(Aweyti-da)
Habaar gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aweyti
aweyti¹: m.dh Habaar, cid Eebbe looga baryo in uu dhaqso u dhinto.
aweyti²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid inay dhaqso u dhimato Eebbe uga baryid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aweyti
m. n. curse
aweyti v. curse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aweyti
-da: (n) words believed to have magic power; spell (ispeel) ~ asmo -da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aweyti
(fal) hadal habaar ah oo si gaar ah loo aqriyo dheh. Dh: awayti.
aweyti -da: (magac, dhedig, keli) habaar gaar ah oo wax lagu habaaro. Dh: habaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aweyti_1
de: curse
hm: 1
lx: aweyti
pd: (-da)
ps: n2-m, n7-m
syn: habaar
key: aweyti_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aweyti_2
de: curse
hm: 2
lx: aweyti
pd: (aweytiyey)
ps: v2a=
key: aweyti_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werdiyid
(Werdiyid-da)
Werdi la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werdiyid
m.f.dh eeg werdi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) werdi akhriyid. Masaajidka dhexdiisa ayaa werdiyidda ugu wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaajiyid
(Awaajiyid-da)
War qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaarsiin; naadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaajiyid
m.f.dh eeg awaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) war, qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaadhsiin. Awaajiyad baan u baahannahay, si aaska loo yimaaddo. Dh: faafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawryatirid
-da: (magac, dhedig, keli) si cawryoda looga fogaado wax bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaatiyid
m.f.dh eeg dhawaati².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalleetiyid
(Kalleetiyid-da)
Kaadi ama wax la mid ah, oo kalleeti ah, sii deyn, dhiijin, ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalleetiyid
m.f.dh eeg kalleeti².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalleetiyid
-da: (magac, dhedig, keli) talleejin oo sarajoogga ku kaadiyid. Dh: taleejin, kalleedhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgembiyid
m.f.dh eeg afgembi². la-mid: afgembi¹ (3), afgembin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgembiyid
-da: (magac, dhedig, keli) samaynta inqilaab talada lagaga xayuubinayo taliskii hore oo mid cusub loogu wareejinayo, iyada oo xoog millateri la adeegsano. Afgembiyidda waataan arkeen eednay berigiiye, miyaa aayar la iskula hadloo edebta loo joogo. Dh: inqilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgenbiyid
(Afgenbiyid-da)
Afgenbi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afwaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qof odhan lahaa ka hortegid; hadal nuxurkiisa la diiddan yahay hadal kale ka horgeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweysimin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaa fiidka gaadhid; caweysimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawratirid
m.f.dh eeg cawratir². la-mid: cawritirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawritirid
m.f.dh eeg cawritir². la-mid: cawratirid, cawritir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xaraaro iyo hamuun dartood, la wareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraatiyid
(Haraatiyid-da)
Haraati ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraatiyid
m.f.dh haraati³. la-mid: haraatin, harraatin, harraatiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraatiyid
vl. n. kicking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraatiyid
de: kicking
lx: haraatiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: haraatiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaawiyid
(Hawaawiyid-da)
Alaladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaawiyid
m.f.dh eeg hawaawi². la-mid: hawaawi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdada dhexdeeda ku sheekaysasho. Dh: alaladid, riyood, dhadhabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makeekiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kas iyo isyeelyeel fal qaldan u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagootiyid
(Sagootiyid-da)
Qof tegaya cabbaar sii raacid; anbabbixin; (ama saagootiyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagootiyid
m.dh la-mid: saagootiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tegeya, sii dhowayn: cabbaar sii raacid oo anbabixin. Li: soodhoweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awayti
(fal) habaar wax oo inkaar. Innaga awayti cadawga.
awayti-da: (magac, dhedig, keli) cid kale habaarid ama inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayidid
m.f.dh eeg ayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageeris dhan waliba noqon karta. Dh: ayidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayimid
m.f.dh eeg ayin². la-mid: ayin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydii
ditransitive v. ask, inquire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydii
-yey / say: (v) ) ask (aask); inquire (in-ku-waayer); ask questions; make inquiries ~ weyddii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydii
(fal) warso oo su'aal u jeedi. Inaan weli ku jecelahay weydii dadkaba qaar. Dh: su'aal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydii
de: ask, inquire
initial: w
lx: weydii
pd: (weydiiyey)
ps: v2a=ditr
see: weyddii (and related forms)
key: weydii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: waasii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftirid
m.f.dh eeg aftir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaabkii iyo cuntadii aftirka qaadasho. Dh: aftirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftixid
m.f.dh eeg aftax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfiyid
-da: (magac, dhedig keli) duudsiga iyo diidmada wax la sheegay. Anfiyiddu runta wax ba kama dooriso. Dh: diidmo, inkirid, duudsi, dafirid, beenin. Li: yeelid, rumayn, aqbalid, qirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beriyid
m.f.dh eeg beri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beriyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax beryey oo habeen yaal ahaan. Dh: beryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiyid
m.dh la-mid: caawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gediyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rogid; wax beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wayigid
m.f.dh eeg wayig. la-mid: wayigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayigid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka wax la rabay in la qabto samayntiisa iska maanicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejihid
(Wejihid-da)
Wajihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejihid
m.f.dh eeg wejih. la-mid: waajihid, wajahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejihid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wajahid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydiin
-ta: (n) question (kuwe-shiri); query (kuweeri); questionnaire (kuwe-shin-neer); the act of asking ~ weyddiin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Weydiin
Richiesta
Request
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydiin
-ta: (magac, dhedig, keli) su'aal. Imtixaankii weydiin adag ayaa ku jirtay.
weydiin -ta: (magac, dhedig, keli) su'aalid. Weydiin xumi jawaab ma leh. Dh: su'aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysiin
m.dh la-mid: waasiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax ay rabtay seejin. Weysiinta imtixaanku waa qalad weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhriyid
(Akhriyid-da)
Erey ama hadal qoran kicin; ku dhawaaqid; naqid; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhriyid
m.f.dh eeg akhri. la-mid: akhrin, akhris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhriyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg akhris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqtiyid
(Baqtiyid-da)
(xoolo) iyadoo aan la birayn dhimasho; geeryoomid; (ama bakhtiyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiyid
m.f.dh eeg baqti². la-mid: bakhtiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) neef isaga oon la biraynin dhinta oo cadkiisu noqdo xaaraan. Baqtiyidda ka ilaali laxda bugta. Dh: bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: daawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweysii
(fal) cid kale, daawee; dawo sii. Dh: daway.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddiyid
(Geddiyid-da)
(wax) Dhinaca kale u dhigid; rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddiyid
m.dh eeg geddi². la-mid: gaddin, gaddis, gaddiyid, geddin, geddis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg geddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gembiyid
m.f.dh eeg gembi². la-mid: gambi¹, gambin, gambis, gambiyid, gembi¹, gembin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gembiyid
-da: (magac, dhedig, keli) weel ama wax kale, afka u rogid. Dh: geddin, gaddoonsiin. gemboonaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax afka u rogan ahaan; wax gembisan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Genbiyid
(Genbiyid-da)
1. Afka u rogid; geddiyid; foororin.
2. Dagaal ku kicid; diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiyid
(Hantiyid-da)
Wax la lee yahay ka dhigid; qabsasho; yeelasho; lahaansho; hanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiyid
m.f.dh eeg hanti². la-mid: hantin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiyid
vl. n. taking possession; nationalization, socialization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ku dhigid oo iska yeelasho. Dh: hantiyis, qabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiyid
de: taking possession; nationalization, socialization
lx: hantiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hantiyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) herdootan; herdi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldiyid
m.dh la-mid: jildiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabtiyid
(Kabtiyid-da)
Ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabtiyid
m.f.dh eeg kabti².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) roorid; ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutiyid
-da: (magac, dhedig, keli)eeg kuutin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layliyid
m.dh eeg layli. la-mid: laylin, laylis, laylyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layliyid
vl. n. training, exercise, instruction; taming, breaking in
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layliyid
a: lalyid
de: training, exercise, instruction; taming, breaking in
lx: layliyid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: layliyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Martiyid
(Martiyid-da)
Cid marti u noqosho, martiggelis ka doonid, ku hoyasho.