aw-batiiqow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aw-batiiqow
m.l Ciyaar dhaqameed si gaar ah looga yaqaan degaanka Janaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awbatiiqaw
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar waayadii hore u gaar ahayd beeraleyda oo keliya oo ciyaari jirey xillga beeruhu u baxaan. Waxaa loogu magac daray nin la oran jirey Aw-Batiiqow, waxaa na lagu tumaa durbaanno labo ah oo la kala yidhaahdo yoome iyo jabuu, teneg iyo labo qori oo lagu tumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basiirow
(fal) qof basiiro hayso noqo, nafaqadarro iyo tabaale ha kaa muuqdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibajiiqo
m.dh Yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibajiiqo
-da: (magac, dhedig, keli) yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caana mareenka naasku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batiikhow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Sida batiikha u bislaasho (gabar).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batiikhow
(fal) sida batiikha u buurraw. Waad buurnaataye batiikhow.