ereyga

atp

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ATP

DHAN

m.dh (kiimika) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ATP

DHAN

m.dh (kiim.) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

ATP

DHAN

ATP

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gulukows burburin

DHAABAN

m.dh (baayoloji) Falgallo bayokiimikeed oo taxane ah, oo guluukowsta loo jejebiyo bayruufeyt iyada oo loo sii daynayo tamar loo isticmaali karo qaabka ATP.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

meertada Kaalfin

DHAABAN

m.dh (baayoloji) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

meertada Kerb

DHAABAN

m.dh (baayoloji) Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gulukows burburin

DHAABAN

m.dh (baay.) Falgallo bayokiimikeed oo taxane ah, oo guluukowsta loo jejebiyo bayruufeyt iyada oo loo sii daynayo tamar loo isticmaali karo qaabka ATP.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

meertada kaalfin

DHAABAN
1

m.dh (baay.) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.

2

meertada kaarboon m.dh (baay.) Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

meertada kerb

DHAABAN

m.dh (baay.) Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

atop

DHAFANDHAAF

/atop/ (prep) korreeya, kor saaran; sare.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

at

DHAFANDHAAF

prp., ku; at sea, badduu kusoo jiraa or badduu soo socdaa; at home, aqalkii buu joogaa, at your house, aqalkaagi buu joogaa; at-hand, dhowyahay; at leisure, goortaanan hawl kale lahayn; at ease, barax; at a stand, waan werwersanahay; at a loss, waan raagsanahay; we are at odds, col baannu nahay, or xer baannu leenahay, or waannu is qoonsanaa, or qoonsimaad baa na dheḥ yaal; at this moment, iminkadaan, goortaan, haddataan, goorta tan oo kale; at this day, maalintan, dharaartan oo kale, caanamaalkan; at that time, goortaasaa, kolkaasaa; at one time or other, mar ama mar kale; at that time or the other, goortaa ama goorteedahan; at no time, kolla, kolna, hadna, goorna; at last, kolki dambese; at first, kolki horay; at the very first, goorti ugu horaysay; at the first coming of the governor, serkaalka imaadkiisii horay; at once, mar keli ah; all things are ordered at the will of God, wax waliba hawlka Eebbahay bay ku socdaan or baa hagaajiya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

ate

DHAFANDHAAF

/eyt/ (v) waa cunay (eat oo fal tagay ah). e.g. I ate my lunch already.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

ate

DHAFANDHAAF

/eyt/ (v) eat oo fal laha moothi eh.

waa la naqliyay ✓