ereyga

atmosfeer

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

atmosfeer

DHAN
1

-ka: (magac, lab, keli) dhulka intiisa ay hawadu huwan tahay.

2

atmosfeer -ka: (magac, lab, keli) xuub neefeedka ku daboolan dhulka; cufka hawo ee ku dahaadhan meel.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biyo

DHAABAN
1

biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.

2

biyo²: m.l.w (kiimika) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaarboon laba-ogsaydh

DHAABAN

m.l (kiimika) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

waran-cireed

DHAABAN

m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

biyo

DHAABAN
1

biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.

2

biyo²: m.l.w (kiim.) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kaarboonlaba-ogsaydh

DHAABAN

m.l (kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

waran-cireed

DHAABAN

m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baarobeeg

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro cadaadiska atmosfeerka. Dh: cadaadisbeeg.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hawo

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) inta innaga sarraysa ee illaa samada; inta cirka iyo dhulka u dhaxaysa. Dh: samada.

2

hawo-da: (magac, dhedig, keli) atmosfeer innagu dahaadhan oo ka kooban 21% ogsijiin ah 78% naytorojiin ah iyo 1% neefo kale ah oo midab iyo jurmi muuqda lahayn oo nooluhu la'aanteed noolaan karin. Dh: gibil.

3

hawo -da: (magac, dhedig, keli) doonid aan ujeeddo iyo sal midna lahayn oo samaynteedana la isku taxallujiyo; waxa maanka laga jeclaysto oo badanaa aan suurtagal noqon. Dh: caaddifo, niyo damac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kaarboonlaba'gsaydh

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neefqaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboohaydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

atmosfèra

DHAFANDHAAF

s.f. - jawi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Astenosfeer

DHAFANDHAAF

Astenosphere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Atmosphere

DHAFANDHAAF

Atmoosfeer, gibil

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Atmosphere

DHAFANDHAAF

Cibil

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

atmosphere

DHAFANDHAAF

/aatmasfeer/atmospheres; (n) 1. hawada dhulka dushiisa ama hawada dhulka ku xeeran. 2. beey'ad ama jawi. e.g. We met in a quiet atmosphere.

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Atmosphere

DHAFANDHAAF

Hawo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

atmosphere

DHAFANDHAAF

/atmosfeer/ (n) 1. howythy dhulky. 2. bii'y amy jawwy. This place has a nice atmosphere.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

atmosphère

DHAFANDHAAF

atmosphère, n.f. - Hawada dhulka dushiisa; atmosfeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

atmosphere

DHAFANDHAAF

n., neecaw, -di, dabayl, -shi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

egsosfeer

DHAFANDHAAF

m.l (c.fal.) Gibilka ugu fog atmoosfeerka dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

egsosfeer

DHAFANDHAAF

m.l (c.fal.) Gibilka ugu fog atmoosfeerka dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Eksosfeer

DHAFANDHAAF

Exosphere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ayoonisfeer

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ayoonisfeer

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Teermosfeer

DHAFANDHAAF

Thermospnere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

trobosfeer

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: torobosfeer.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haydarosfeer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) biyaleyda dhulka sida badaha iyo togagga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afmeer

DHAFANDHAAF
1

(Afmeer-ka)

2

Wax wareegsan afki; wareeg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

afmeer

DHAFANDHAAF
1

afmeer¹: m.l 1. (-rro, m.dh) Af wareegsan; wareeg. 2. la-mid: afmeerid.

2

afmeer²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Meel iyada oo wax gaar ah laga baarayo aaggeeda hore ku wareegid. 2. Wax afmeer u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

afmeer

DHAFANDHAAF

f.g1 (-ray, -rtay) 1. Meel iyada oo wax gaar ah laga baarayo aaggeeda hore ku wareegid. 2. Wax afmeer u yeelid. 3. Arrin soo koobid. m.f.dh, afmeerid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

afmeer

DHAFANDHAAF
1

m. n., [compound] edge, rim

2

afmeer v., [compound] go around the edge (of something), skirt

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afmeer

DHAFANDHAAF
1

(fal) «soo ~» soo gabagabee; soo afjar. Soo afmeer hadalka, arrintu innala sii ballaadhane. Dh: afjar, gabagabee, dhammee.

2

afmeer: (fal) wax wareegsan soo koob adoo ku soo meeraya. Toban jeer, garoonka soo afmeer.

3

afmeer -ka: (magac, lab, keli) meeriska u dambeeya ee agabka la tolo sida aloolka, raradhawrta, kebedda iyo masafta. Afmeerkii oo keliya ayaa u hadhay masafta. Dh: meeris, idhan.

4

afmeer -ka: (magac, lab, keli) doox aad u weyn oo tigaad badan bixiya. Dh: qaali. Wa: afmeerro.

5

afmeer -ka: (magac, lab, keli) cidhifka ama gooddiga deegaanka reer yaallo; dhulka qoorta ah ee ka faana baxsan oollimaadka beesha. Idinkoo afmeer iyo ka yimi idhanka Gaaroodi. Dh: idhan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

agmeer

DHAFANDHAAF
1

(fal) meel aan ka fogayn, warwareeg.

2

agmeer-ka: (magac, lab, keli) meel aan ka fogayn, warwareegis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

amuser

DHAFANDHAAF

amuser V. - Madadaalin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

asheer

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-rtay, -ratay) Ka a.: roob da'aya meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. la-mid: asheero.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

asheer

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-rtay, -ratay) Ka a.: roob da'aya meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. m.f.dh, asheerid. la-mid: asheero.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

moofee

DHAFANDHAAF

f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: muufee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

moofee

DHAFANDHAAF

v. bake flat bread

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moofee

DHAFANDHAAF

(fal) moofo ku bislee. Qooshka adkee oo innoo moofee. Dh: muufee, moofay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

moofee

DHAFANDHAAF
1

de: bake flat bread

2

lx: moofee

3

pd: (moofeeyey)

4

ps: v2b=tr

5

key: moofee

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

amorcer

DHAFANDHAAF

amorcer, V. - bilaabid

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

arroser

DHAFANDHAAF

arroser V. - Waraabin (Beeraha); Biyo waraabin Beereed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

atooree

DHAFANDHAAF

(fal) iska dhig halyey sida ka metela filinka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

koofeer

DHAFANDHAAF

-ka: (n) coiffure (kofyeer); hairdresser ~ koofiyeer

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

To feed

DHAFANDHAAF

Dheefin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ambiyeer

DHAFANDHAAF

m.l (-ro, m.dh) (fiisikis) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ambiyeer

DHAFANDHAAF

m.l (-ro, m.dh) (fiisikis) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ambiyeer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) halbeegga cabbiraadda maayadda danabka ee dhexmaraysa mareegta. Ambiyeer waxa lagu waariyay magaca saynisyahankii Andaree Maari Ambiyeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

atomiser

DHAFANDHAAF

atomiser, V. - Shiidid; Ridqid; daqiiqid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

étouffer

DHAFANDHAAF

étouffer, v. - neef-qabatow; ku saxadka; ku mirgasho; ku saxasho

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shoofeer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qofka baabuurta wada; darewal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Aerospeed

DHAFANDHAAF

Xawaaro hawo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Atmometre

DHAFANDHAAF

Uumiyow beege

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

litusfeer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhulka intiisa. dhadhaabta ah ee qolofta dhulka inta muuqata iyo inta badaha ka hoosaysa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xumosheeg

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof mar walba wax xun uun sheega. Xumasheeg ha la sheekaysan. Dh: inxunsheeg, warxumatashiil.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

LAAMO-DHEER

DHAFANDHAAF

(Lambo-der) May Maerua macrantha Gilg. Capparidaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Meesoosfeer

DHAFANDHAAF

Mesosphere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Torobesfeer

DHAFANDHAAF

Troposphere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

torobosfeer

DHAFANDHAAF

m.l (juqraafi) Lakabada hoose ee gibilka, sida kuwa ka hooseeya toraatosfeerka, kuwaasoo ka soocan torobosfeerka, wuxuu dherer ahaan fidsanyahay 11 Km ilaa oogada dhulka ee jiidda dhexdhexaadka ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Torobosfeer

DHAFANDHAAF

Troposphere

waa la naqliyay ✓