asturid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asturid
(Asturid-da)
Qarin; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturid
m.f.dh eeg astur². la-mid: astur¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturid
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta wax ceeb ah. Dh: qarin. Li: fadeexadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturmid
m.f.dh eeg asturan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturmid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo qaawanaa, hu' iyo dhar helid.
asturmid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad ku ceebaysnayd, xilkiisa ku guulaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asrurid
-da: (magac, dhedig, keli) qarin; awdid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pallbearer
/bool beerar/ (n) qofka naxashka qaada (ama meydka asturiddiisa qaabilsan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg asturid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xijaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xirsi xijaab u samayn oo duco iyo qur'aan akhrisasho si shar laga bagayo looga badbaado. Dh: xijaabis.
xijaabid-da: (magac, dhedig, keli) xijaab u xidhid Dh: asturid, xijaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobbolid
-da: (magac, dhedig, keli) asturid wax cid gaar u ah. Dh: sheelid, garin, asturid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftuurid
m.dh la-mid: afxirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Asteriod
Meere-yare
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Asteroid
Meere yare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax daboolid oo qarin.
asturaad -da: (magac, dhedig, keli) xil qarin; xil gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astur
astur¹: m.l 1. Qarinta ceeb ama iin cidi leedahay. 2. la-mid: asturid.
astur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid ceebteeda qarin. 2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
astur
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid ceebteeda qarin. 2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid. m.f.dh, asturid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Astur
pr. n., [feminine] Astur, 'Aster'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
astur
v. preserve, cover, conceal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Astur
name-f preserve, cover, conceal. Lit: she who preserves, covers or conceals shame or disgrace; always positive and optimistic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Astur
(n) name give to girls; female name
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
astur
-ay/tay: (v) place something upon or over, so as to protect or conceal; cover (kaver)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astur
(fal) haka qaadin daboolka; ha khashifin. Dh: qari, dad. Li: qaawi, kashif, khashif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Astur
de: 'Aster'
hm: 2
lx: Astur
ps: name-f
key: Astur_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Surid
(Surid-da)
Wax siddo ama wax u eg leh, gan meel sare ku taal ka soo laallaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surid
m.f.dh eeg sur³.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
surid
-da: (n) the act of hanging up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax ka soo laad laadin. Suridda badan ka daa guriga oo meel walba wax ha ka sudhin. Dh: sudhid.
surid -da: (magac, dhedig, keli) wax siddo ama wax u eg leh, gan meel sare ku taal ka soo laadlaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turid
(Turid-da)
(cid) Turriimo u gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turid
m.f.dh eeg tur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhawrid oo u dhibrin. Dh: tudhid.
turid -da: (magac, dhedig, keli) xulidda mid ku cajabiyay ama aad dooratay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afurid
m.f.dh la-mid: affurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afurid
-da: (magac, dhedig, keli) afur cunid. Dh: afuris.
afurid-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la soomman yahay wax cunid ama wax soonka jebiya la imasho. Dh: afuris.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stupid
/stuupidh/ stupidity; (adj) nacas ah (doqon).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stupid
a., (sluggish) doqon, -ki, nacas, -ki, miyirla', bahaayim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suurid
(Suurid-da)
Seexasho weyn; saq gelid; gam'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurid
suurid: m.f.dh eeg suur³.
sųurid: m.f.dh eeg sųur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurid
-da: (magac, dhedig, keli) suulid; suuris.
suurid -da: (magac, dhedig, keli) hurdo fog gelid oo is ka la ogaan waayid, hurdo awgeed xiskaagu maqnaa. Suurid buu ku jiraa oo ma toosin karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurid
(Abuurid-da)
Wax aan hor u jirin uumid; curin; alkumid; jirsiin; dhalin; ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurid
m.f.dh eeg abuur³. la-mid: abuur¹ (2), abuuris, abuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin uumid; alkumidda wax cusub. Dh: ahaysiin, jirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affurid
(Affurid-da)
Soonka jebin; cunnada affurka cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affurid
m.f.dh eeg affur². la-mid: affur¹ (2), afur¹, afurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftirid
m.f.dh eeg aftir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaabkii iyo cuntadii aftirka qaadasho. Dh: aftirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruurid
m.f.dh eeg aruur. la-mid: ururid, uruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askumid
m.f.dh eeg askun². la-mid: askun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askumid
-da: (magac, dhedig, keli) bilaabitaanka shey hor leh; wax cusub soo saarid. Dh: alkumid, unkid, billaabid, curin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asoorid
-da: (magac, dhedig, keli) qashin ka saaridda hadhuudhka iyo wixii kale ee la hufayo. Asooridda hadhuudhku waa hawl culus. Dh: hufid. haadin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
astride
/astraydh/ (prep) lugaha ka kala ridasho ama kala fogayn sida fardo fuulka. e.g. I like to ride my horse astride.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Astroid
Xideke
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
astur_1
bw: Arabic
de: preserve, cover, conceal
hm: 1
lx: astur
pd: (asturay)
ps: v1=
key: astur_1
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asturan
Aan qaawaneyn; qarsoon; awdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturan
asturan¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la asturay noqosho.
asturan²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la asturay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asturan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la asturay ahaansho. m.f.dh, asturnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asturan
der. [adjective] preserved, well kept, covered, secret
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asturan
(adj) covered (kaveridh); protected or concealed ~ dhowrsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturan
(tilmaame) wax aan qaawanayn oo qarsoon.
asturan: (tilmaame) qof cawradiisa iyo ceebihiisu aanay muuqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asturan
de: preserved, well kept, covered, secret
lx: asturan
pd: (asturnaa)
ps: adj-der
key: asturan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
astùzia
s.f. - xeelad, basar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfurid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo isqabtay, kala tegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isgurid
(Isgurid-da)
(tiro, ...) midba midka kale dib u riixid, meeshii ka qaadid, wax u dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgurid
vl. n. reduction, depreciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgurid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro muddo soo yaraata oo soo dhammaata.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgurid
de: reduction, depreciation
lx: isgurid
pd: (-da)
ps: vn2a-m
key: isgurid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istarid
vl. n. mutual usefulness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istarid
de: mutual usefulness
lx: istarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: istarid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istusid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof iyo in ka badan, wax isku sheegid.
istusid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad sax u haysatid, naftaada u sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaruurid
(Asaruurid-da)
God ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin, xabaalid, dhulka la simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruurid
m.f.dh eeg asaruur². la-mid: asaruur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruurid
-da: (magac, dhedig, keli) god ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin oo xabaalid oo dhulka la simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurid
m.dh la-mid: canshuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cudhaadh ka qaadid. Dh: canshuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburid
(Aabburid-da)
Weel dabool saarid; daboolid; furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabburid
m.f.dh eeg aabbur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabburid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah, dabool afka kaga adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurmid
m.f.dh eeg abuuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid jira ama soo baxay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbuurid
m.f.dh eeg afbuur². la-mid: afbuur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho darteed afka ururin; afka iyo jaaha cadho ka muujin. Afbuuridda jooji oo waxaad doonayso sheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) rasaas ama wax la mid ah, meel aad ugu dhaw kaga liishaamid.
afsaarid -da: (magac, dhedig, keli) irrid ka oodid; afka wax ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asduurad
m.dh la-mid: usduuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerid
m.f.dh eeg asheer. la-mid: asheerasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
asterisk
/aastarisk/asterisks; (n) waa calaamadaan sida *.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
asterisk
/aasterisk/ (n) sumuddy (*) sithy hiddig hang eh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asteroyd
-ka: (magacwadareed) walxo yaryar oo la moodo xiddigo oo laga helo inta u dhaxaysa labada meere ee Maris iyo Jubitar. Qaar badan oo asteraydada ahi waa ili ma qabatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturnaw
(fal) mid asturan ahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baatulid
(Baatulid-da)
Dhaqaala-darrayn; tashiilid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatulid
m.f.dh eeg baatul². la-mid: baatul¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulid
-da: (magac, dhedig, keli) ashiilla'aan yu baatul ku samayn. Reatulid berri kuma gaadhsiiso. Dh: haatulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantarid
m.f.dh eeg bantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bantarid
-da: (magac, dhedig, keli) caatoobid oo wax hilib weyd ah leh noqosho. Gaajada ayaa neefka bantaridda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabburid
(Cabburid-da)
Cabbur ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabburid
m.f.dh eeg cabbur². la-mid: cabbur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabburid
-da: (magac, dhedig, keli) mid neefsigu ku adagyahay noqosho. Dh: cabbudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantarid
m.f.dh eeg cantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartirid
m.dh la-mid: catirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumid
-da: (magac, dhedig, keli) martiqaadid iyo sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusburid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» cusbur u marin.