asto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asto
m.dh la-mid: astaan¹, astaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg astaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
astro
s.m. - xiddig.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pasto
s.m. - cunto, quud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasto
(Rasta-da)
Jidka baabuurradu maraan; xagaaf; waddo; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasto
m.dh (-ooyin, m.l) Waddada baabuurtu marto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasto
f. n. rough road, track
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasto
-rastada: (n) road (rowdh); street (istiriit) ~ waddo, dariiq, dhabbe, jid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasto
-da: (magac, dhedig, keli) jid baabuurtu maraan. Dh: waddo, xagaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasto
de: rough road, track
lx: rasto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rasto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tasto
s.m. - batoon la taabto (makiinad, musika, rekoor iwm.) (riconoscere a t.: taabasho ku aqoonsasho).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vasto
agg. - ballaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Astaan
(Astaan-ta)
Wax laysku soo sooco (bar, haar, daqar); summad; tilmaan; asto; calaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Astayn
(Astayn-ta)
Astaan u yeelid; asto ama summad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Astaysan
Asto loo yeelay; calaamaysan; suntan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamad
(Calaamad-da)
Tilmaan laysla yaqaan oo waxa loo wato la garto; asto; astaan; summad; baadisooc; (ama calaamo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aljebra
m.l (xisaab) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto habdhisyada tirooyinka iyo astamahooda guud ahaan. Waxa la adeegsadaa xuruufo ama summado u taagan xaddiyada, iyo astooyin u taagan iskuxiridda xaddiyada ama tirooyinka.

astaan
astaan¹: m.dh (-aamo, m.l) Summad. la-mid: asto.
astaan²: m.dh (-aamo, m.l) (naxwe) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tusaale: “sh. = shilin, U.N. = United Nations”.
astaan³: m.dh (-aamo, m.l) (daawo) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. la-mid: asto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaggoyn
m.dh (xisaab) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aljebra
m.l (xisaab) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto habdhisyada tirooyinka iyo astamahooda guud ahaan. Waxa la adeegsadaa xuruufo ama summado u taagan xaddiyada, iyo astooyin u taagan iskuxiridda xaddiyada ama tirooyinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
astaan
astaan¹: m.dh (-aamo, m.l) Summad. la-mid: asto.
astaan²: m.dh (-aamo, m.l) (naxwe) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). A. kooban: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tusaale: sh. = shilin, U.N. = United Nations.
astaan³: m.dh (-aamo, m.l) (daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. la-mid: asto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaggoyn
m.dh (xisaab) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Numerals
Asto-tiro
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radical
Asto xidid tiro
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
!
Asto irkig
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
?
Asto weydiin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afkalahayn
vl. n., [compound] standing open-mouthed; amazement, astonishment, wonder
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amakaag
v. be astonished, wonder, be surprised
amakaag vl. n. amazement, shock; wonder, phenomenon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ashqaraari
v. amaze, astonish
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajaa'ib
m. n. marvel, miracle, wonder, amazement
cajaa'ib v. be astonished, be amazed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajab
f. n. marvel, miracle, wonder, amazement
cajab v. be astonished, be amazed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajabi
v. cause someone to be amazed, astonished
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alto
agg. - dheer.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arto
s.m. addin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslo
f.g3 (-laday, -latay) Asal marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asmo
(Asma-da)
Duco gaar ah oo magacyada Ilaah ka kooban, oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmo
m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asmo
m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asmo
f. n. curse, malediction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asmo
-asmada: (n) words believed to have magic power; spell (ispeel) ~ aweyti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo carruurta xoga leh looga daweeyo oo dhib badan. Asmadu waa farsamo xanuunka daran oo laga wanaagsan yahay.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) duco gaar ah oo lagu habaartamo.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) calaalad iyo amaaro muuqata.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca neef mareennada oo lala qufaco. Dh: aasmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asmo
cf: habaar
de: curse, malediction
lx: asmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: asmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asqo
(Asqa-da)
1. Biyawaa; harraad; oon.
2. Dayow, dhama'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqo
m.dh 1. Dayow; dhama'. 2. Biyawaa; harraad. la-mid: aqso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asqo
m.dh 1. Dayow; dhama'. 2. Biyawaa; harraad. la-mid: aqso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asqo
f. n., [abstract] strong thirst; disorientation, loss of awareness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asqo
-asqada: (n) extreme thirst ~ aqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqo
-da: (magac, dhedig, keli) kala garanwaaga halka aad u socto iyo halka aad ka timid. Dh: habaw, anbasho, dayow, dhama'.
asqo -da: (magac, dhedig, keli) harraad iyo oon daran. Asqo daran baa i haysa. Dh: oon, harraad, biyowaa, harraad, dhanqalan, aqso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asqo
cf: harraad, oon
de: strong thirst; disorientation, loss of awareness
lx: asqo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: asqo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
asta
s.f. ul dheer oo dhuuban oo laga sameeyey qori ama bir; naado.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
atto
s.m. - fal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
auto
/ooto/autos; (n) baabuur (gaari). e.g. Canadian auto industry.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
auto
pref. - horkabe tilmaama wax keligii wax sameeya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àuto
s.f. - gaari, baabuur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
auto
auto, pref. - iswada.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agósto
s.m. - agoosto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astako
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: ashkato.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
astako
-astakada: (n) complaint (kampaleeynt); a claim of wrongdoing ; an accusation ~ ashtako
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
astuto
agg. - xeeladle, basarlow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baasto
* (Baasta-da)
Cunno burka laga sameeyo oo jaadad badan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasto
m.dh Cunto ka samaysan bur la qallajijey oo qaabab kala duwan leh oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baasto
m.dh Cunto ka samaysan bur la qallajijey oo qaabab kala duwan leh oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasto
f. n., (mass n.): pasta, spaghetti
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasto
-baastada: (n) pasta (paasta); spaghetti (ispageeti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasto
-da: (magac, dhedig, keli) daqiiqda oo la engejiyay cunto laga sameeyo. Waxa loo sameeyaa si kala duwan oo leh qaar miiqmiiqsan, qaar balballaadhsan iyo kuwo dhexda daldaloola.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasto
de: pasta, spaghetti Staple of southern Somalia {It}
lx: baasto
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: baasto
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
castor
/kaastar/ (n) shaagagga yar-yar ee lugu rakibo alaabada sida miisaska, kuraasta iwm.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
guasto
agg. e s.m. - kharriban, hallaysan; waxyeello.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kastoo
Kasta oo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kastoo
conj. and every; everyone who...; everything which...; although, though
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kastoo
(conjunction) every ...that or who... Ex: qof kastoo jooga... everybody who is present...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kastoo
de: and every; everyone who...; everything which...; although, though = kasta + -oo
lx: kastoo
ps: conj
key: kastoo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nastro
s.m. - mullaax, naastro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pastor
/paastar/ (n) wadaad kaniisad (baadari).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-aato
(suffix)-, if she... Ex: hadday jeclaato; if she likes; hadday fiicnaato; ifshe gets better
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aato
de: may you / she be
lx: -aato
ps: v5a-2sg/3f-opt
xe: May she like the house!
xv: Guriga ha jeclaato!
key: -aato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-asho
de: -ing, -ation [GERUND]
lx: -asho
ps: vn6-f-suf
see: =-sho
key: -asho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmo
(fal) eeg aasan.
aasmo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun laabta ku dhaca oo keena in uu qofku neefqabatoobo. Daahir aasmo ayuu yeeshay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àbito
s.m. labbis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
acéto
s.m. - khal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
actor
/aaktar/ (n) ninka jilaaga ah; filimada ama riwaayadaha. e.g. He is the best actor in Hollywood.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
actor
/aktor/ (n) atoory; langky shaneemothy amy filinky masilaw.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
acuto
agg. - dhuuban; xagal 90° ka yar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
aiuto
s.m. - kaalmo, gargaar, taageero.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
altro
agg. - kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: asqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asalo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg asali.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
asilo
s.m. - magangelyo siyaasadeed; hoyga carruurta.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àsino
s.m. - dameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asool
asool¹: m.l 1. la-mid: oslid. Baahida neef ida ah oo dheddig u qabo kudmo. 2. A. ah: neef dheddig oo ida ah oo kudmo u baahan.
asool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Neef dheddig oo ida ah kudmo u baahasho. la-mid: osol².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asool
f.mg1 (-oolay, -ooshay) Neef dheddig oo ida ah kudmo u baahasho. m.f.dh asoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asool
(fal) lax, sumal ku tallaaba u baaho. Laxdaasi way asoolaysaa.
asool-ka: (magac, lab, keli) sida laxdu dabada ay u Jusho si ay muujiso marka wanka ay doonayso inuu tallaabo. Laxdu way muujisay asoolkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asoor
(fal) hadhuudh la tumay qarawaan ama gacafka kor ugu daadi; masaf ku qaad oo madaxa la sin kadibna u soo daadi si farsamaysan si ay ciidda iyo suqushu u kala soocmaan. Hadhuudhka buushiga ka asoor.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
aspro
agg. - dhadhan hah leh, sida kan khudaarta cayriinka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Wax harraad dareensan ahaansho. 2. Nafley dayow ku dhaca ahaansho. la-mid: aqsoo, aqsow, asqow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Wax harraad dareensan ahaansho. 2. Nafley dayow ku dhaca ahaansho. la-mid: aqsoo, aqsow, asqow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqow
f.mg1 (-oobay, -ooday; -oobi) la-mid: asqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqow
(fal) harraad oo oon dartii la ildarraw. Dad asqoobay baan soo badbaadinnay.
asqow: (fal) ka habaw meesha aad u socoto. Waan asqoobay. Dh: jaahwareer.
asqow-ga: (magac, lab, keli) harraad iyo oon dartii la ildarraansho.
asqow -ga: (magac, lab, keli) meeshii loo socday, ka habaabid. Dh: jaahwareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astay
(fal) astaan u yeel; asto ama sumad u yeel. Dh: amaaradee, calaamadee