askaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Askari ka dhigid (qof). 2. (f.mg) Askari iska dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
askaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) askari ka dhigid (qof). 2. (f.mg) Askari iska dhigid. m.f.dh, askarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askaree
v. enroll someone as a soldier
askaree v. behave like a soldier; pretend to be a soldier
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
askaree
-yey I askaraysay: (v) enroll in the armed forces; draft (daraaft); conscript ~ caskaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askaree
(fal) eeg askaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caskaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) la-mid: askaree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caskaree
v. recruit someone as a soldier; behave ~ act like a soldier
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caskaree
-yey / caskaraysay: (v) enrol (persons) for military service; recruit (ri-kuruut); draft (daraaft)-, conscript ~ askaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caskaree
(fal) askari ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caskaree
de: recruit s.o. as a soldier; [ext.] behave ~ act like a soldier
lx: caskaree
pd: (caskareeyey)
ps: v2b=
key: caskaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janan
*(Janan-ka)
(darajo askareed) sarreeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kornayl
° (Kornayl-ka)
(darajo askareed) gaashaanle (gaashaanle dhexe iyo gaashaanle sare).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sargaal
(Sargaal-ka)
1. Qof madax ah oo maamul dowladeed hawl ka haya.
2. (darajo askareed) inta xiddigle u hooseeyo (ama sarkaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarreeye
(Sarreeya-ha)
1. Meel sare ama darajo sare gaarey.
2. (*) Darajo sare oo askareed (sarreeye guuto; sarreeye gaas); janan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kornayl
m.l (-llo, m.dh) Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.

kullad
m.dh (-do, m.dh) Koofiyad askareed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarreeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kornayl
m.l (-llo, m.dh) Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarreeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barracks
/barrak/barracks, barracking, barracked; (n) xero askareed (guryo askareed). e.g. a military barracks.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
camp
/kaamp/ (n) xero, kaambo (meel dadku dago sida xero askareeed).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
canteen
/kantiin/ (n) maqaaxi ku dhex-taal xero askareed, warshad iwm.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
conscription
/konskripshan/ (n) qafaal askareed (qafaalka qasabka ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
draft
/dharaft/ (n) 1. qoraalka koowaad ee aan rasmiga ahayn (takhdiidka hore ) (n) 2. jeeg, siiba bangi uu u qoro bangi kale (n) 3. qafaal-askareed (n) 4. qul-qulka aaryada ee ka soo-baxaysa qol, bir-qaac iwm (n) 5. qur-quro (v) 6. qoraal aan rasmi-ahayn diyaarin (v) 7. askari u qafaalid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
encampment
/inkaampment/ (n) xero, silba xero-askareed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
password
/paas-wordh/ (n) eray sir ah oo qofkii yaqaan uu ku geli karo meel (sida xero askareed, kumbiyuutar, xafiis iwm).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nisbo
-nisbada: (n) relation (rileeyshiri).
u nisbee -yey / u nisbeysay: (v) relate (rileeyt); ascribe (askareeyb); relate to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askaree_1
a: caskaree
de: enroll s.o. as a soldier
hm: 1
lx: askaree
pd: (askareeyey)
ps: v2b=tr
key: askaree_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askaree_2
de: behave like a soldier; pretend to be a soldier
hm: 2
lx: askaree
pd: (askareeyey)
ps: v2b=intr
key: askaree_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashkatee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) la-mid: ashtakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ashkatee
v. accuse; sue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ashkatee
-yey I ashkataysay: (v) make a formal accusation or bring a formal charge; complain (kam palaayn); charge (jaarji) ~ askatee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashkatee
(fal) dacwee oo ashkatee. Ashkatee haddii uu ku aflagaadeeyay. Dh: dacwee. Li: saamax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ashkatee
de: accuse; sue
lx: ashkatee
pd: (ashkateeyey)
ps: v2b=tr
see: ashtakee
key: ashkatee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaaree
(fal) wax lagu hungoobay ka yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Askar
(Askar-ta)
(magac wadareed) ciidanka dagaallama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askar
m.dh.u la-mid: askari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askar
f. n., pl. soldiers, troops, forces
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Askar
name-f soldier. Syn: Askaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Askar
magac loo baxsho wiil hannaan qurxoon leh oo hubqaadka askarta iyo hannaankooga leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askar
-ta: (magacwadareed) ciidanka qalabka sida. Askarta waa in la baro sida looga hor tago masiibooyinka dabiiciga ah. Dh: ciidan, geesh. Li: shicib, rayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askar
bw: Arabic
de: soldiers, troops, forces
lx: askar
pd: (-ta Sg: askari)
ps: n8-f-pl
key: askar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley cudur qaadsiin. 2. Cid wax xun barid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saree
(fal) meel sare joog: koree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka dhigid. m.f.dh, afarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araree
(fal) eeg araray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Askari
(Askari-ga)
1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable.
2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaha ha lahaado).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askari
m.l (askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado). la-mid: askar, caskari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
askari
m.l (askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askari
m. n. soldier; guard; policeman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
askari
-ga: (n) soldier (sooljar); police (poliis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askari
-ga: (magac, lab, keli) nin ka mid ah ciidanka qalabka sida oo dalka iyo sharciga ilaaliya.
askari-ga: (magac, lab, keli) qof ciidanka qalabka sida ka mid ah weli na aan dallicin. Dh: subbeyhi, dable.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askari
a: caskari
bw: Arabic
de: soldier; guard; policeman
lx: askari
pd: (-ga Pl: askar (ta))
ps: n8-m
key: askari
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Askaro
name-f soldier. Syn: Askar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Askaro
magac loo baxsho gabadh miiggan oo sida askarta muuqaal iyo hubqaad fiican leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax abaar ah ka dhigid (meel). la-mid: abaaraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaree
(fal) dhul abaar ah oo aan baad iyo biyo mid na lahayn, ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Dad dagaalamaya kala joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
araaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Dad dagaalamaya kala joojin. m.f.dh, araarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araaree
v. mediate between fighting groups, stop a fight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araaree
(fal) jooji colaad dhex taalla labo dhinac ama heshiisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araaree
de: mediate between fighting groups, stop a fight
lx: araaree
pd: (araareeyey)
ps: v2b=
key: araaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askaray
(fal) xoog iyo khasab, askar kaga dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askumee
(fal) meel deg oo ku noolow. Ifku waa dhixide meel kalaa la askumaayaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astakee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) la-mid: ashtakee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax soconaya habaas kicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awaaree
v. raise the dust (as in walking ~ running)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaaree
(fal) eeg awaaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awaaree
de: raise the dust (as in walking ~ running)
lx: awaaree
pd: (awaareeyey)
ps: v2b=
key: awaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uskagee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Wax uskag u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
uskagee
v. dirty, make dirty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagee
(fal) nadaafaddarro ku rid; uskag u yeel ama marmari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uskagee
de: dirty, make dirty
initial: u
lx: uskagee
pd: (uskageeyey)
ps: v2b=
key: uskagee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afshareer
m. n. mask
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afshareer
de: mask
lx: afshareer
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: shereero
key: afshareer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarree
(fal) eeg afdarray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareer
m.l la-mid: ansaleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqyaaree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) la-mid: ikhyaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashkatey
(fal) eeg ashkatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashtakee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Cid dacwo ku oogid. la-mid: ashkatee, astakee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ashtakee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Cid dacwo ku oogid. m.f.dh, ashtakayn. la-mid: ashkatee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ashtakee
v. accuse, take someone to court; sue, bring a suit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashtakee
(fal) eeg ashtakay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ashtakee
a: ashkatee
bw: Arabic
de: accuse, take s.o. to court; sue, bring a suit
lx: ashtakee
pd: (ashtakeeyey)
ps: v2b=tr
key: ashtakee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askaaris
m.l.u (-syo, m.dh) (baayoloji) Ablaablaynta qaarkeed waxay ka tirsanyihiin duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia), waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
askaaris
m.l.u (-syo, m.dh) (baay.) Abla-ablaynta qaarkeed waxay ka tirsanyihiin duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia), waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askarayn
m.f.dh eeg askaree. la-mid: caskarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog iyo khasab, askar kaga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax astaan u yeelid. la-mid: astee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
astaamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax astaan u yeelid. m.f.dh, astaamayn. la-mid: astee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
astaamee
v. mark, put a mark on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
astaamee
-yey / astaamaysay: (v) 1. mark (maark) ~ calaamadee. 2. punctuate (pangkjuweeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaamee
(fal) eeg astaamay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
astaamee
a: astee
de: mark, put a mark on
lx: astaamee
pd: (astaameeyey)
ps: v2b=
key: astaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bamgaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Meel bumbo la dhicid. la-mid: bangaree, bongaree, bungaree.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bamgaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Meel bambo la dhicid. m.f.dh, bamgarayn. la-mid: bangaree, bungaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: bamgaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaree
(fal) cunto duco looga jeedo, samee. Dh: casuumee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax faddaro ka dhigid, wax baabi'in.