ask
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ask
/aask/asks, asking, asked; (v) 1. waydiin ama su'aalid. e.g. He asked me too many questions. 2. waydiisasho ama codsasho. e.g. She asked him to wait for ten minutes. 3. casuumid ama meel uga yeerid. e.g. He asked all of us to the party.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ask
/aask/ (v) warsythow, weeydiyow amy so'aalow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ask
v.tr., weydii, weydiiso, su'aal; v.r., is weydii; ask for, qanan; ask from, warayso, warso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Askari
(Askari-ga)
1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable.
2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaha ha lahaado).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarsiin
(Cayaarsiin-ta)
1. Cayaarin.
2. (askar) cayaarsiis barid; gaardisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarsiis
(Cayaarsiis-ka)
Dhaqdhaqaaqa iyo socod-wanaagga askarta; gaardi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciidan
(Ciidan-ka)
1. Qofka ama dadka qabta waxyaalaha hawluhu u baahan yihiin; dadka adeega; xoogsato; shaqaale; midiidin.
2. Xoogga hubka sida; col: askar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dable
* (Dabla-ha)
1. Xubin xoogga dabka sida kamid ah oo aan alifyo iyo xiddigo weli qaadan; askari.
2. Buntukh ama dab kale haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daljir
* (Daljir-ka)
Askari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunirraac
(Dhuunirraac-a)
1. (qof) Hadba meeshii uu moodayo inuu cunno ka hela hayo, u lala; cunnada keliya ka murga ee aan ceebta iyo denbiga iyo anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin; dhadhamarraac.
2. * Askar la kireysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eed
Eed — (Eed-da)
1. Xaal; arrin; xaajo; gar.
2. Gaboodfal; gef; denbi.
-eed
Waxay ka dabadhacdaa magaacyada qaarkood, ulajeeddo lahaaneedna u yeeshaa; (alaabo carruur-eed; askar Soomaaliy-eed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaal
(Ilaal-ka)
Ku hawshiisu tahay inuu wax ilaaliyo; ilaalo ah; ciidan; askari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janan
*(Janan-ka)
(darajo askareed) sarreeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeysh
(Jeysh-ka)
Ciidanka qalabka sida; askar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jundi
(Jundi-ga)
Col farabbadan oo qalab sida; jeysh; ciidan; askar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kornayl
° (Kornayl-ka)
(darajo askareed) gaashaanle (gaashaanle dhexe iyo gaashaanle sare).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sargaal
(Sargaal-ka)
1. Qof madax ah oo maamul dowladeed hawl ka haya.
2. (darajo askareed) inta xiddigle u hooseeyo (ama sarkaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarreeye
(Sarreeya-ha)
1. Meel sare ama darajo sare gaarey.
2. (*) Darajo sare oo askareed (sarreeye guuto; sarreeye gaas); janan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teendho
* (Teendha-da)
Aqal shiraac ah oo loogu talaggalay in degdeg loo dhiso ama loo furo ama loo raro oo tiirar iyo tigimmo iyo xargo leh; waxaa dhista askarta iyo dadka socdaalka ku jira; taanbuug; khaymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiisaan
(Xiisaan-ka)
Cad maro ah oo dhuuban oo ballac yar oo dhogor ah, oo askarihii hore qaarkood, sida boqorka, dhexda ugu xiran jireen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askaax
m.dh la-mid: askax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bask
/baask/basks, basking, basked,(v) kulaylka qorraxda oo aad ku raaxaysato (ku diirsatid inta isu dhigtid). e.g. I was basking on the beach.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bask
v.tr., (warm) diiri, kululay; bask in the sun, dugsi.
bask, v.tr., is diiri; bask yourself in the sun, dugsiiso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cask
/kaask/ (n) barmiil (weel dareeraha lugu shubto).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cask
/kaask/ (n) barmiil oo loog ku suubsyng.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cask
n., (a vessel) barmiil, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mask
/maask/ (n) 1. maasgaro ~ waji-shareer. (v) 2. qarin; daboolid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mask
Weji dabool
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Task
Fool marood!
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
task
/taask/ (n) hawl, waabjibaad, shaqo.
take someone to task: canaanasho (xaarxaarin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
as
/as/ (conj) 1. isla markaasba, markii. e.g. She sang as she worked. (adv) 2. tusaale ahaan. e.g. Some animals, such as dogs and cats, eat meat. (adv) 3. si is le'eg ama si isku mid ah. e.g. She is as tall as her mother. (adv) 4. sidoo kale ama isla sidaas. e.g. Can you run as I do? (conj) 5. sidaas darteed, sababtoo ah. e.g. As he was a good student, he received a reward. (conj) 6. inkastoo. e.g. Tall as Ali is, he is shorter than his brother.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
as
as n.m. - Yeeke (Ka turubka iyo laadhuuda iwm.)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
as
c., sidi, sida (past); I live as I did..., sidaydi horay aan la noolahay, or sidan fali jiray aan; as you please, sidaad doonto or rabtid, or sidii hadba ku cajibisa; as I am an honest man, sidaan nin aamin ah u ahay; mad as I was, sidaan u waallaa; thou good old man, benevolent as wise, odayohow deeqsiga ihi ee herribta lihi (tolmooni ee fariidka ihi); as sweet as honey, u macaan sida malabka; he is as good as she, waa wanaagsan yahay sideeda oo kale; I treated him as if he had been my brother, sida walaalkay oo kale u hayay; as the Lord gave to every man, sida Eebbahay nin walba u siiyay; the history is as follows, sheekadu waa sida aan wado or sheegayo; do as I bid you, sidaan ku idhahdo fal or yeel; he is as a father to me, isagu waa ii aabbe; it were as a play, sida cayaar oo kale; I will see you as I go by, sidaan ku marayaan oo baan ku arki; rich as he is I do not fear him, siduu u hodmay ninkaba kama baqo; as many as they are I do not fear, in kasta ka ahaadeen ka biqi maayo; well as I love you, do not think I shall do that, sidan ku jeclahay, or si kasta aan kuu jeclahay, kolla ha moodin inaan waxaa fali doono; as sure as it is good that you become a Christian, sida waxa la hubo oo u faa'ido u leeyahay inaad Kiristan noqoto dhamaaday; as much as you please, hadba intaa doontid, or hadba intaad bixin kartid; as few as, wax yar u dhiib; Abdi is as good as Ali, Cabdi sida Cali uu u wanaagsan yahay; he runs as well as you, sidaada oo kaluu u ordaa; all such as were chosen, intii la wada doortay baa serkaalki raacday; I took such as I pleased, waxaan qaatay hadba kuwii i cajibiyay; such as it is, hadba siday tahay; as is the beginning, so is the end, siday kolka hore tahay bay kolka dambana tahay, or sida horaantaba dhamaantiina tahay; as for me it is nothing, anigu waxba ilama aha; as soon as I can I will come back, waxaan soo noqon hadba kolkaan karo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ark
/ark/ (n) doonti naby Nuuh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ash
Si wanaagsan ku sugan; (maanta Guuleed ash ma aha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ash
fk. A. ma aha: ma fiicna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ash
[adjective] in a good mood ~ condition
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ash
/aash/ (n) dambas, bambas (budada cad ama beeyga ah oo dabka ka harta) xaabo ama sigaar basay ka harta. e.g. cigarette ash.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ash
(adj) good (guudh); Ok. Ex: sow ash ma ahid? aren 'tyou fine?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ash
/aash/ (n) 1. bembed. 2. geed billeering.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ash
(tilmaame) si wanaagsan ku sugan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ash
de: in a good mood ~ condition Only used with a negative
lx: ash
pd: (ma aha)
ps: adj-neg
xe: I am not in a good mood today.
xv: Ash ma ahi maanta.
key: ash
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ass
/aas/asses; (n) 1. dameer 2. qofka edebta xun ama axmagqa ah. (infl) 3. futada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ass
/aas/ (n) demeer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ass
n., (in general) dameero, -ihi; he-ass, dameer, -ki; she-ass, dameer, -ti; young (ass's foal), dameer yar; wild ass, dameer dibadeed, -ki, or gumburi, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Askar
(Askar-ta)
(magac wadareed) ciidanka dagaallama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askar
m.dh.u la-mid: askari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askar
f. n., pl. soldiers, troops, forces
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Askar
name-f soldier. Syn: Askaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Askar
magac loo baxsho wiil hannaan qurxoon leh oo hubqaadka askarta iyo hannaankooga leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askar
-ta: (magacwadareed) ciidanka qalabka sida. Askarta waa in la baro sida looga hor tago masiibooyinka dabiiciga ah. Dh: ciidan, geesh. Li: shicib, rayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askar
bw: Arabic
de: soldiers, troops, forces
lx: askar
pd: (-ta Sg: askari)
ps: n8-f-pl
key: askar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Askax
(Askax-da)
Geed dhirta yaryar ka mid ah oo mirihiisa ceeriinka lagu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askax
m.dh 1. Geed dhirta yaryar ka mid ah oo mirihiisa ceeriinka lagu cuno. 2. Miraha geedka askaxa. 3. A. ka dhig: gumaadid. la-mid: askaax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askax
f. n., [collective] plant species, with edible berries
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ASKAX
(Askah) N Glossonema boveanum Decne. Asclepiadaceae.
N Glossonema thruppii Oliv. Asclepiadaceae.
N,Og Glossonema revoilii Franch. Asclepiadaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askax
(fal) baabi'i; ku tumo; wax weyn yeel. Wixii waddadaada col ku hor joogsada, askax oo cagta mari.
askax-a: (magac, lab, keli) baabi'iska iyo burburinta wax hore iskugu yaallay.
askax-da: (magac, dhedig, keli) geed badhi dhulka ku aasan leh oo xilliroobaadka laamo dhulka jiifsada bixiya oo midho la cuno leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askax
de: plant sp., with edible berries
lx: askax
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: askax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
askew
/askiyuu/ (adj) wax ama dhar jactadan isku laablaaban, jajaban ama gees u janjeera. e.g. His shirt was askew.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askun
askun¹: m.l la-mid: askumid.
askun²: f.g/mg1 (-umay, -untay; -umi) 1. (f.g) Bilaabmid; dhalasho. 2. (f.mg) Ka soo a.: ka billaabmid; ka dhalasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
askun
f.g/mg1 (-umay, -untay; -umi) 1. (f.g) Bilaabmid; dhalasho. 2. (f.mg) Ka soo a.: ka billaabmid; ka dhalasho. m.f.dh, askumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askun
v. initiate, commence, begin, give origin to something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
askun
-askumay / askuntay: (v) originate (orijineeyt); create, initiate; come from. Ex: xaggee buu kasoo askumay? from where did he [or it] originate?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askun
(fal) wax aan hore u jirin aasaas. Askun reer, kolka waad weynaatee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askun
de: initiate, commence, begin, give origin to s.t.
lx: askun
pd: (askumay)
ps: v1=tr
key: askun
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flask
/flaask/ (n) 1. tarmuus, falaas (n) 2. dhalo dhuun-dhuuban salkana u ballaaran oo badanaa lugu isticmaalo laabka ama macmalka kiimikada iwm.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
flask
n., (kind of bottle) weyso, -adi.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Masks
Afshareer