asiidhdufaneed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhdufaneed
m.l (-dyo ..., m.dh) (baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-dufaneed
m.l (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhbu'eed
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-bu'eed
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhooman
m.l (-dyo ..., m.dh) (kiim.) Iskudhisyada la falgala biyaha soona saara asiidh. Tusaale ahaan, karboon laba ogsaydh waxa uu lafalgalaa biyaha waxaana samaysma kaarboonig asiidh: CO2(g) + H2O(aq) = H2CO3(aq).