asiidhcabirid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhcabirid
m.dh (kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-cabirid
m.dh (kiimika) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhatirid
m.f.dh eeg indhatir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidha yuurig
m.dh (baayoloji) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidha yuurig
m.dh (baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhlaagtika
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH) COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isciilkaabiyid
m.dh la-mid: isciilaambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambaabirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ambaabir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddabixid
-da: (magac, dhedig, keli) ciddo ka bixid; ciddo dhammaysasho. Dh: cuddadbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirciirid
m.f.dh eeg ciirciir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirciirid
-da: (magac, dhedig, keli) hadba dhinac u ciirid ama u dheeliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiidhiyid
(Dhiidhiyid-da)
Xanaaqid; camashood; dhirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiyid
m.f.dh eeg dhiidhi4. la-mid: dhiidhi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadanwaa wax laga biyadiido oo kacdoon la sameeyo. Dh: gadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhawiriq
(Indhawiriq-a)
Indhasarcaad; ilxaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhawiriq
indhawiriq¹: m.l Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayo.
indhawiriq²: f.mg1 (-qay, -qday) Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhawiriq
m. n. dazzlement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhawiriq
de: dazzlement
lx: indhawiriq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: indhawiriq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhatiris
-ka: (magac, lab, keli) qof midhaha keliya ku nool. Midhatiris garaw ma tawana. Dh: miratahan, mudhatahan.
midhatiris-ta: (magac, dhedig, keli) khudrad kala naqayn oo intii isku mid ahba dhinac iskugu geyn. Dh: midhatirin, mudhatiris.
midhatiris-ta: (magac, dhedig, keli) tirabbadniku faanid. Dh: mudhatiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaabid
m.dh la-mid: nishaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiibid
m.f.dh eeg dhiidhiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigcararid
m.f.dh eeg fiigcarar². la-mid: fiig-carar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhawirqid
m.f.dh eeg indhawiriq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaabmid
m.dh la-mid: nishaabmid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sidig-tirid
Decoupling
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhbu'eed
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Naf kuma hadhine waa bakhtidhawrid. Dh: baqti-dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciildibbirid
m.f.dh eeg ciildibbir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigacararid
(Fiigacararid-da)
Carar aan meel loo socdo la aqoon cararid; fiigid; baydadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigacararid
-da: (magac, dhedig, keli) si baxsasho ku jirto u cararid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariir cabir
Seis mograph
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gariircabire
m.l (jool.) Aalad lagu kaydiyo naxdinta dhulgariirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-bu'eed
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariir-cabire
m.l (jooloji) Aalad lagu kaydiyo naxdinta dhulgariirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-laagtika
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.