asiidh-cabirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-cabirid
m.dh (kiimika) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhcabirid
m.dh (kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-laagtika
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-bu'eed
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariir-cabire
m.l (jooloji) Aalad lagu kaydiyo naxdinta dhulgariirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidha yuurig
m.dh (baayoloji) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidha yuurig
m.dh (baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-dufaneed
m.l (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.