ereyga

asiidh-bu'eed

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

asiidh-bu'eed

DHAN

m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

asiidhbu'eed

DHAFAN

m.dh (-dyo ..., m.dh) (baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bayoolajiga moolikiyuullada

DHAABAN

m.l (baayoloji) Barashada dhismaha iyo shaqada moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar ahan borotiinnada iyo asiidh bu'eedyada RNA iyo NA.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhayogsi-rayboniyuuglig

DHAABAN

m.l (baayoloji) (Dh. asiidh) Asiidh bu'eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

guwaaniin

DHAABAN

m.l (baayoloji) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

saytoosiin

DHAABAN

m.l (baayoloji) Waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydh iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yurasil

DHAABAN

m.l (-lo, m.dh) (baayoloji) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

bayoolajiga moolikiyuullada

DHAABAN

m.l (baay.) Barashada dhismaha iyo shaqada moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar ahan borotiinnada iyo asiidh bu'eedyada RNA iyo NA.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhayogsi-rayboniyuuglig

DHAABAN

m.l (baay.) (Dh. asiidh) Asiidh bu'eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

guwaaniin

DHAABAN

m.l (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

saytoosiin

DHAABAN

m.l (baay.) Waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydh iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

yurasil

DHAABAN

m.l (-lo, m.dh) (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saytoosiin

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydhiyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

asiidh-dufaneed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Firidh Bu'eed

DHAFANDHAAF

Nuclear Disintegration

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

iskudheg-bu'eed

DHAFANDHAAF

m.l (kiimika) Falgal bu'eed oo ka dhex dhaca bu' atameedyada fudud, ayna samaysanto bu' atameed culus oo la jirto tamar baxda oo laxaad weyn leh. Tamartaasi waxa sababa cufka lumay. la-mid: isu dheg bu'eed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

asiidhdufaneed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo ..., m.dh) (baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

iskudhegbu'eed

DHAFANDHAAF

m.l (kiim.) Falgal bu'eed oo ka dhex dhaca bu' atameedyada fudud, ayna samaysanto bu' atameed culus oo la jirto tamar baxda oo laxaad weyn leh. Tamartaasi waxa sababa cufka lumay. la-mid: isu dheg bu'eed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

asiidh-cabirid

DHAFANDHAAF

m.dh (kiimika) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Fiisika Bu'eed

DHAFANDHAAF

Nuclear Physics

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Isudheg Bu'eed

DHAFANDHAAF

Nuclear F'usion

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

asiidh-ooman

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo ..., m.dh) (kiimika) Iskudhisyada la falgala biyaha soona saara asiidh. Tusaale ahaan, karboon laba ogsaydh waxa uu lafalgalaa biyaha waxaana samaysma kaarboonig asiidh: CO2(g) + H2O(aq) = H2CO3(aq).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biish-biyeeg

DHAFANDHAAF

m.l (-gyo, m.dh) la-mid: yeeg-bibiish.

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Birdhuxuleed

DHAFANDHAAF

Bir dhuxul lagu dhex qaboojiyey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qiime-rumeed

DHAFANDHAAF

Truth value

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tamar-bu'eed

DHAFANDHAAF

m.dh (fiisikis) Tamarta la sii daayo, marka uu dhaco ama dhanballan bu'eed ama isudheg bu'eed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

asiidhcabirid

DHAFANDHAAF

m.dh (kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

shiish-biyeeg

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: yeeg-bishiish.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

borotiin-bu'eed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Iskudhis kasta oo laga helo unugyada noolaha kasta oo ka kooban asiidh bu'eedyo (DNA ama RNA) iyo borotiin isu tegay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

borotiin-bu'eed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Iskudhis kasta oo laga helo unugyada noolaha kasta oo ka kooban asiidh bu'eedyo (DNA ama RNA) iyo borotiin isu tegay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ganjidh-tarmeed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qanjidh-tarmeed

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.