asheero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheero
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: asheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheer
f.mg1 (-rtay, -ratay) Ka a.: roob da'aya meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. la-mid: asheero.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asheer
f.mg1 (-rtay, -ratay) Ka a.: roob da'aya meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. m.f.dh, asheerid. la-mid: asheero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheeri
f.g2 (-iyay, -isay) Roob da'aya, wax, meel dedan oo aan darooreyn ka gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asheeri
f.g2 (-iyay, -isay) Roob da'aya, wax, meel dedan oo aan darooreyn ka gelin. m.f.dh, asheerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdheero
-da: (magac, dhedig, keli) carruurta aan naaska hooyadood lagu duwin, qaabdarro afkoogu yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerid
m.f.dh eeg asheer. la-mid: asheerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerin
m.f.dh eeg asheeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seero
f.g3 (-rtay, -ratay) Dhul iyo wixi lamida xuduud u samaysasho. la-mid: seerayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seero
v. mark (out) for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seero
(fal) meel meegaaro; meel xad ah jeexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seero
cf: seer
de: mark (out) for oneself
initial: s
lx: seero
pd: (seertay)
ps: v3b=tr
key: seero
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sheer
/shir/ (adj) 1. soocan (aan la tarrixin) 2. leex-leexsan (jan-jeer ah) 3. khafiif ah (maro jilicsan oo khafiif ah sida xariirta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sheer
a., (pure) miiran, safaysan, saafi ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-sheer
de: that, those (in the middle distance)
lx: -sheer
ps: deic-f-suf
see: =-teer
key: -sheer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ateero
-da: (magac, dhedig, keli) beerka dhulka saarid. Dh: jiifcabbee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheego
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Dacwad, arrin, qaan iyo wixi lamida jeedsasho. 2. Wax aan la ahayn ama la lahayn isku tilmaamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheego
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Dacwad, arrin, qaan iyo wixi lamida jeedsasho. 2. Wax aan la ahayn ama la lahayn isku tilmaamid. m.f.dh, sheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheego
v. claim for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheego
-sheegtay / sheegatay: (v) demand, require, make a claim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheego
(fal) wax inaad leedahay sheeg.
sheego: (fal) gartaada marso, baan, caddayso.
sheego: (fal) cid aadan u dhalan, ku abtirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheego
de: claim for oneself
initial: s
lx: sheego
pd: (sheegtay)
ps: v3b=tr
key: sheego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheeko
(Sheeka-da)
1. Wax la isu sheego.
2. Wax laga sheekeeyo, oo madax iyo manjo leh, oo maqalkooda dhegtu u jeesho, aanse run ahayn.
3. Sheekaxariiro; maantooley.
4. Taariikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheeko
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hadal taxane ah oo dhacdo run ama been ah wax ka sheegaya. 2. Wax laysu sheego.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheeko
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hadal taxane ah oo dhacdo run ama been ah wax ka sheegaya. 2. Wax laysu sheego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheeko
f. n. tale, story; conversation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheeko
-sheekada: (n) story (istoori)-, tale (teeyl)- chit-chat (jit-jaat) conversation (kon-veer-seey-shin) ~ qiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheeko
-da: (magac, dheddig, keli) warar la isku tebiyo iyada oo la is horfadhiyo oo magalkooda, dhegtu jeclaysato oo run iyo xariir ba nogon karta. Dh: qiso. Wa: sheekooyin.
sheeko-da: (magac, dheddig, kell) qaab casri ab oo loo curiyo qoraallo ku salaysan ujeeddooyin iyo farrimo lagu tebinayo qaab sheeko. Waa fan leh xeerar jaamacadaha lagu derso oo qoraalka iyo curinta ba loo raaco.
sheeko-da: (magac, dhedig, keli) taariikh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheeko
de: tale, story; conversation
initial: s
lx: sheeko
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sheeko
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sheeko
رواية
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelo
(Sheela-da)
Xiidmaha wax ka mid ah oo, xuubka hoos ka celiya oo dillaaca darteed, soo dhaadhaca oo qooraha gala oo weyneeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelo
m.dh Galka xaniinyaha oo weynaada xiidmaha oo soo gala awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheelo
m.dh Galka xaniinyaha oo weynaada xiidmaha oo soo gala awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheelo
f. n. hernia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheelo
-sheelada: (n) hernia (heer-niya)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelo
-da: (magac, dhedig, keli) xiidmaha wax ka mid ah oo, xuubka hoos ka celiya oo dillaaca dartiis, soo dhaadhaca oo haragga xiniinyaha qooraha dhexgala oo weyneeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheelo
de: hernia
initial: s
lx: sheelo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sheelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheemo
m.dh la-mid: shiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheemo
-da: (magac, dhedig, keli) guulista laboodka nafleyda qaarkeed oo diida in raxantiisa laga soo dhex galo.
sheemo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun lo'da dhogor badan u yeela oo ka dhasha cabbeebka. Dh: cabeebgasle.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHEERI
(Sceeri) N Boswellia sacra Flueckiger. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheexo
(Sheexa-da)
1. Dhul dillaacsan.
2. Geeso ama timo kala rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheexo
m.dh 1. Wax is haysta meel dhexe oo bannaan. 2. Jid yar oo laga samaysto madaxa bidix ama midig iyadoo timaha laba dhinac loo kala seexinayo. 3. Geeso xoolaad oo bidix iyo midig u kala jiifa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheexo
f. n. cracked earth
sheexo [feminine] n. hairstyle (with hair parted down the middle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul dillaacsan.
sheexo-da: (magac, dhedig, keli) geeso ama timo ama wax kala rogan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ashkiro
name-f extremely light-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ashkiro
magac loo baxsho gabadh qurxoon oo leh midab cas oo dahab la moodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasheer
-ka: (magac, lab, keli) marada ilmaha lagu xanbaaro.
xasheer -ka: (magac, lab, keli) xambaarka ilmaha laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerasho
m.dh la-mid: asheerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawsdheero
-da: (magac, dhedig, keli) gaws inta uu dabco wax yar kor ama hoos u baxa oo wax laga calalin kari waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dansheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho. m.f.dh, dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheego
v. proclaim one's interest in something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dansheego
-dansheegtay / dansheegatay: (v) express your needs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheego
(fal) cid kale, danta aad leedahay iyo xogtaada u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheego
de: proclaim one's interest in s.t.
lx: dansheego
pd: (dansheegtay)
ps: v3b=
key: dansheego
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsheego
v. set forth one's own reasons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garsheego
-garsheegtay I garsheegatay: (v) present or express your claim or problem
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsheego
de: set forth one's own reasons
lx: garsheego
pd: (garsheegtay)
ps: v3b=intr
key: garsheego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadheero
-da: (magac, dhedig, keli) cudur daran oo geela dheddig naasaha kaga dhaca oo haddii uu ku xumaado naasatira, kana kaca ibaha oo furaysma ama awdma oo caanuhu soo mariwaayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheeko
(Warsheeka-da)
Wixii war ah oo in la qariyo la isku ogaa ama ku habboonaa oo dibadda loo saaro, oo dadka looga sheekeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheeko
m.dh War in la qariyo layska ogaa oo dibadda loo saro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warsheeko
f. n., [collective] gossip, tattle, divulging (a secret)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheeko
-da: (magac, dhedig, keli) wixii war ahaa oo in la qariyo la isku ogaa ama ku habboonaa oo debedda loo saaro dadkana looga sheekeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warsheeko
de: gossip, tattle, divulging (a secret)
initial: w
lx: warsheeko
pd: (-da)
ps: n6-f-col
key: warsheeko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdheere
m.l Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdheere
m.l Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdheere
m. n. nosy ~ nasty person, one who interferes with others and cannot be trusted
afdheere m. n. grain weevil ~ small coleopteran species, (Calandra granaria)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdheere
-ha: (magac, dhedig, keli) hadhuudhka jaad ka mid ah oo af yuuban leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
albeergo
-albeergada: (n) hotel (hoteel); motel (muteel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
albeerko
-da: (magac, dhedig, keli) dhismo daar ah oo lacag lagu seexdo. Albeerko amaah laguma seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjeero
m.dh la-mid: canjeelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canjeero
m.dh la-mid: canjeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canjeero
f. n. kind of pancake ~ bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canjeero
-canjeerada: (n) see [eeg] canjeelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjeero
-da: (magac, dhedig, keli) eeg canjeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canjeero
de: kind of pancake ~ bread See canjeelo {S & C}
lx: canjeero
pd: (/da)
ps: n6-f
key: canjeero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carceero
(Carceera-da)
Muuqaal ciiro kujirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carceero
m.dh 1. la-mid: ciiraciiro. Muuqaal ciiro ku jirto. 2. Kaalmo; gargaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carceero
m.dh 1. la-mid: ciiraciiro. Muuqaal ciiro ku jirto. 2. Kaalmo; gargaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carceero
f. n., [collective] haze, fog; blurred image
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carceero
carceerada: (n) atmospheric fog or smoke that diminishes visibility; haze (heyz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carceero
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal kaa fog ee aan si cad indhahaagu u arkayn; muuqaal ciiro ku jirto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carceero
de: haze, fog; blurred image
lx: carceero
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: carceero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashiiro
(Cashiira-da)
Xigto. qaraabo, casabo; ehel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiiro
m.dh.u Qaraabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashiiro
m.dh.u Qaraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashiiro
f. n., [collective] relatives, relations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiiro
-da: (magac, dhedig, keli) dadka xigtada ah, dhan aabbo iyo dhan abti ba. Labadan reer, waa dad cashiiro ah oo is yaqaan. Dh: qaraabo, casabo, ehel, xigto, sokeeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashiiro
de: relatives, relations
lx: cashiiro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: casabo, qaraabo, xigaalo, xigto
key: cashiiro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cashmere
/kashmiyar/ (n) dharka laga sameeyo dhogorta ariga.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cashmere
/kashmiir/ (n) karky buulky erengky lahaku dhowaw amy lahaku suubiyaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuuro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: canshuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaheeyo
Haa; haahey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaheeyo
qr. la-mid: haah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaheeyo
inter. yes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaheeyo
(tilmaame) waa run; wax sax ah. Dh: haa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaheeyo
de: yes
lx: haaheeyo
ps: intj
key: haaheeyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarreero
(Jarreera-da)
1. Ladnaan.
2. Filasho; rajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarreero
m.dh 1. Ladnaan. 2. Axsaan, wanaag, naxariis.