asaruurmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruurmid
m.f.dh eeg asaruuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaruurid
(Asaruurid-da)
God ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin, xabaalid, dhulka la simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruurid
m.f.dh eeg asaruur². la-mid: asaruur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruurid
-da: (magac, dhedig, keli) god ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin oo xabaalid oo dhulka la simid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruuri
(fal) ceel iyo wax la mid ah, aas oo duug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruurin
-ta: (magac, dhedig, keli) god, ceel ama wax la mid ah xabaalid oo aasid. Weligaa cidna ceel ha u asaruurin. Dh: asaruuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruuris
-ka: (magac, lab, keli) eeg asaruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faruurmid
(Faruurmid-da)
1. Faruur dillaacsan yeelasho.
2. Webi, keli, kd., dhinac ka dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurmid
m.f.dh eeg faruuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurmid
-da: (magac, dhedig, keli) faruur ama meel kale oo dillaacsan yeelasho.
faruurmid-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah. dhinac u dillaacid ama u jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurmid
m.f.dh 1. eeg karuuran¹. 2. eeg karuuran³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgamuurmid
m.dh la-mid: afgammuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruurid
m.f.dh eeg aruur. la-mid: ururid, uruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruur
asaruur¹: m.l la-mid: asaruurid.
asaruur²: f.g1 (-ray, -rtay) Ceel, god iyo wixi lamida ciid ku xabaalid; aasid; duugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaruur
v. fill up a hole in the ground; bury; drown
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaruur
de: fill up a hole in the ground; bury; [fig.] drown
lx: asaruur
pd: (asaruuray)
ps: v1=
key: asaruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asrurid
-da: (magac, dhedig, keli) qarin; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurmid
m.f.dh eeg abuuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid jira ama soo baxay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturmid
m.f.dh eeg asturan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturmid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo qaawanaa, hu' iyo dhar helid.
asturmid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad ku ceebaysnayd, xilkiisa ku guulaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruurid
(Daruurid-da)
Daruur (tolmo) u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurid
m.f.dh eeg daruur4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurid
-da: (magac, dhedig, keli) tolmo iyo wax la mid ah, rigrigo u samayn.
daruurid -da: (magac, dhedig, keli) xardhid iyo qurxin. Ilaahii daa'in ahaayee, samadaa dusha geeyayee, xiddigahaa ku daruurayee. Dh: xardhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faruurid
(Faruurid-da)
Keli, biyammareen, kd., dhinac ka dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurid
m.f.dh eeg faruur³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurid
-da: (magac, dhedig, keli) tog, har, webi iyo wixii la mid ah meel dhinac ah ka soo dillaacin. Dh: jeexid, jebin, leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurid
m.f.dh 1. eeg karuur ³. 2. eeg karuur4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saruurad
-da: (magac, dhedig, keli) sida la noqdo kolka laga raago hilib iyo dufan, baahi hilib iyo dufan. Nin ku qaday Sahraay tiis, hadduu seed liqligiddeeda, ku saruurad goyn waayo, subag iyo baruur doono, siduu jecelyahaa been ah. Dh: magaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumid
m.f.dh eeg xaruun². la-mid: xaruumbin, xaruubbamid, xuruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabburmid
m.f.dh eeg aabburan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaraarid
(Asaraarid-da)
Hadal la sheegay asaraar ka hor keenid; beenin; ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraarid
m.f.dh eeg asaraar². la-mid: asaraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) jikaar iyo dood dadka lagala hortago iyadoon waxba la hubsan. Asaraar jinnaa lagu yaqaan abaska naagoode. Dh: jikaarid, murmid, doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruuran
asaruuran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ceel, god iyo wixi lamida wax la xabaalmid.
asaruuran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Ceel, god iyo wixi lamida wax la xabaalay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruuran
(tilmaame) ceel iyo wax la mid ah oo ciid lagu rogay ama la aasay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgammuurmid
m.f.dh eeg afgammuuran¹. la-mid: afgammuuxmid, afgamuurmid, afgamuuxmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraartamid
m.f.dh eeg asaraartan². la-mid: asaraartan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraartamid
-da: (magac, dhedig, keli) dafiraadda wax la isku hayay isku tuurtuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgamuuxmid
m.dh la-mid: afgammuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruurnaan
m.f.dh eeg asaruuran². la-mid: asaruurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ceel ama wax la mid ah, carro ku aasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurid
(Abuurid-da)
Wax aan hor u jirin uumid; curin; alkumid; jirsiin; dhalin; ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurid
m.f.dh eeg abuur³. la-mid: abuur¹ (2), abuuris, abuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin uumid; alkumidda wax cusub. Dh: ahaysiin, jirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarmid
m.f.dh eeg ajaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjumid
m.f.dh eeg arjun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arjumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarin; wax daboolid ama aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrumid
m.f.dh eeg arrun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubid
-da: (magac, dhedig, keli) milidda dareere wax lagu qaso. Dh: walaaqid, qassid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruurin
aruurin¹: m.f.dh eeg aruuri. la-mid: aruuris, ururi, uruuri.
aruurin²: m.dh Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iyo wixi lamida oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aruurin
m.dh Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iyo wixi lamida oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aruurin
vl. n. assembling, gathering, meeting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aruurin
-ta: (n) collection (ko lek-shen); gathering, assemble
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aruurin
de: assembling, gathering, meeting
lx: aruurin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: aruurin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruuris
m.dh la-mid: aruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askumid
m.f.dh eeg askun². la-mid: askun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askumid
-da: (magac, dhedig, keli) bilaabitaanka shey hor leh; wax cusub soo saarid. Dh: alkumid, unkid, billaabid, curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asturid
(Asturid-da)
Qarin; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturid
m.f.dh eeg astur². la-mid: astur¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturid
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta wax ceeb ah. Dh: qarin. Li: fadeexadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurmid
m.f.dh eeg cuuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruuri
daruuri¹: m.l D. ah: wax nolosha aanay ka maarmin.
daruuri²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Isu d.: arrin ama meel si geesinnimo iyo degdeg leh u gelid. 2. U d.: wadaan, weel iyo wixi lamida ceel si degdeg ah ugu ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daruuri
daruuri¹: m.l D. ah: wax nolosha aanay ka maarmin.
daruuri²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Isu d.: arrin ama meel si geesinnimo iyo degdeg leh u gelid. 2. U d.: wadaan, weel iyo wixi lamida ceel si degdeg ah ugu ridid. m.f.dh, daruurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daruuri
v. edge, sew a border onto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daruuri
-ga: (n) necessary (nese-sari); indispensable (in-dis-peen-sibal); something obligatory -
daruuri -ah: (adj) essential (esan-shal) needed (niidhidh); requisite (rek-wi-zit) ~ aasaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruuri
-ga: (magac, lab, keli) wax lama huraan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daruuri
de: edge, sew a border onto
lx: daruuri
pd: (daruuriyey)
ps: v2a=
key: daruuri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuumid
-da: (magac, dhedig, keli) sharfid; sharaf saarid; sare u qaadid; shuumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuurid
m.f.dh eeg shuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuqmid
(Suuqmid-da)
Wax suuqan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqmid
m.f.dh eeg suuqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax suuqan noqosho, miiqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruurid
m.dh la-mid: aruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaruuri
-ga: (magac, lab, keli) qof caadifi ah oo dareenkiisu aad u sarreeyo oon xumaanta qaadan karin caloolxumana lahayn; qof aan dulqaad lahayn. Dh: caadifi, Li: caqlaani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburid
(Aabburid-da)
Weel dabool saarid; daboolid; furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabburid
m.f.dh eeg aabbur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabburid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah, dabool afka kaga adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aargudid
(Aargudid-da)
Aarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargudid
m.f.dh eeg aargud. la-mid: aargudasho, aargudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargudid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) ciddaada oo aano loo geystay, ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbuurid
m.f.dh eeg afbuur². la-mid: afbuur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho darteed afka ururin; afka iyo jaaha cadho ka muujin. Afbuuridda jooji oo waxaad doonayso sheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afruugid
m.dh la-mid: afuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftuurid
m.dh la-mid: afxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufmid
m.f.dh eeg afuufan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nakhas lagu afuufay noqosho; mid nakhas galay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugmid
m.f.dh eeg aguugan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasmid
m.f.dh eeg asaasan¹. la-mid: aasaasmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid alkuman ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asduurad
m.dh la-mid: usduuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baruurad
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun caloosha ku dhaca oo saxaradu dhiig iyo axalo yeelato. Baruurad nimuu hayaan bedanku fooyoobayne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumid
-da: (magac, dhedig, keli) martiqaadid iyo sooryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumid
m.f.dh eeg cayuun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurad
m.l la-mid: daruurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruurin
(Daruurin-ta)
(isu daruurin) gelid, madax isugu ridid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurin
m.f.dh eeg daruuri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurin
-ta: (magac, dhedig, keli) rigrig iyo tolmo qurxoon u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurni
-da: (magac, dhedig, keli) dillaacsanida debinta sare. Dh: faruurri.