arwaaxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arwaaxid
(Arwaaxid-da)
Farxid; riyaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxid
m.f.dh eeg arwaax³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) farxid iyo riyaaqid; rayrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ka farxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arwaaxi
v. make happy, cause someone to be content, cheer (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arwaaxi
de: make happy, cause s.o. to be content, cheer (up)
lx: arwaaxi
pd: (arwaaxiyey)
ps: v2a=expr
key: arwaaxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhanbalidda qori isku yaalla. Dh: jeexid, dhanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxin
m.f.dh eeg arwaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, farxad gelin; cid kale ka farxin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
exhilarate
/igsilareyt/ (v) farxid, riyaaqid, arwaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arwaax
(Arwaax-a)
1. Farax; riyaaq.
2. Ruux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaax
arwaax¹: m.l Farax.
arwaax²: m.dh.w Ruux.
arwaax³: f.mg1 (-xay, -xday) Farax dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arwaax
arwaax¹: m.l Farax.
arwaax²: m.dh.w Ruux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arwaax
m. n. exhilaration, happiness, thrill
arwaax [inchoative] v. be happy, pleased ~ thrilled
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Arwaax
name-f exhilaration, happiness, thrills
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arwaax
-da: (n) happiness; joyfulness (jooyfuulnis)-, exhilaration, delight, cause to feel happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Arwaax
magac loo baxsho gabadh uurka ku taalla oo la jecel yahay; qaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaax
(fal) rayray oo farax.
arwaax -da: (magacwadareed) sirta aadamuhu kaga duwan yihiin uumiyaha kale oo Eebbe geliyay. arwaax-da: (magac, dhedig, keli) farxad iyo riyaaq. Arwaax darteed baan la wada boodnay kolkaan guusha maqalnay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaxid
(Waaxid-ka)
Keli ah; mid; hal; kow (sida: wadar iyo waaxid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxid
m.l 1. W. ah: kali ah, aan cidi wehelin (Ilaah). 2. Mid ama kali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Waaxid
m. n. God (the one and only)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaxid
m. n., [collective] one, alone, single; singular {grammar}
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waaxid
name-m unique, one, alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaxid
-ka: (n) one (wan); single (sin-gal) ~ hal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaxid
magacyada Eebbe ee suubban mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxid
-da: (magac, dhedig, keli) (kala ~) kala fidin oo xoog u kala qaadid; kala qabasho; kala durkin. Afka waaxidda ka daa.
waaxid: (tilmaame) mid ah; hal ah; kow ah. Waaxid iyo wadar waaxidkaa waalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araasid
-da: (magac, lab, keli) sac markaa dhalay meeshuu ku ogaa ilmihiisa tegid, isagoo cod iyo orod samaynaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arwaax_1
de: exhilaration, happiness, thrill
hm: 1
lx: arwaax
pd: (-a)
ps: n2-m
key: arwaax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arwaax_2
de: be happy, pleased ~ thrilled
hm: 2
lx: arwaax
pd: (arwaaxay)
ps: v1=inch
key: arwaax_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxid
m.f.dh eeg aslaax². la-mid: aslaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) suubbanaan; mid suubban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharbaaxid
(Dharbaaxid-da)
Dharbaaxo ku dhufasho; dhabannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxid
m.f.dh eeg dharbaax². la-mid: dharbaaxayn, dhirbaaxayn, dhirbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhirbaaxo la dhicid; bogcadka faraha iyo calaacasha cid ku dhifasho. Dh: dhirbaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garwaaxeed
(Garwaaxeed-ka)
Garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxeed
m.l Qaab maro, harag, iyo wixi lamida oo la dhuubay oo si gudub ah loogu xiro sararta hal gacan iyo degta gacanta kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraaraxid
(Taraaraxid-da)
Si taraarax ah u socosho, u xiimid, u sidbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraaraxid
m.f.dh eeg taraarax². la-mid: taraa-rax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaraxid
-da: (magac, dhedig, keli) silbasho la is qaban kari waayo, oo lagu sigto in la kufo. Dh: sinbiriirixasho, silbasho, sidbasho, siibasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dheeldheelliyidda kolka la socdo..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambabaxid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u qabbabaalid; socdaal billaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabaxid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u dhaqaaqid oo u tabaabushaysad. Dh: ambabixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax arwaaxay ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arwaaxsan
der. [adjective] happy, joyful, cheerful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaaxsan
(tilmaame) mid ama kuwo faraxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arwaaxsan
de: happy, joyful, cheerful
lx: arwaaxsan
pd: (arwaaxsanaa)
ps: adj-der
syn: farax
key: arwaaxsan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badmaaxid
Navigation, Sea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) bad marid iyo kalluumaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarid
(Barbaarid-da)
Barbaar noqosho; korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarid
m.f.dh eeg barbaar³. la-mid: barbaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaad noqosho; barbaar noqosho. Dh: hanaqaadid, korid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saaritaan. Waa la soo miisay subagga bardaamid uma baahna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraahid
m.f.dh eeg barraah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun oo qaab daran oo kala daadsanaan ah u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barraaqid
(Barraaqid-da)
Fadhi kala daadsan oo foolxun, fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraaqid
m.f.dh eeg barraaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran oo foolxun u fadhiisad, Dh: barraahid, bahardaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagid
m.f.dh eeg cargaag². la-mid: margaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabid
m.f.dh 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabid
-da: (magac, dhedig, keli) galab meel aadid ama u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraabid
m.f.dh eeg darrow². la-mid: darraw¹, darrow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daryaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dareemidda madaxwareer. Dh: diryaamid.
daryaamid-da: (magac, dhedig, keli) samaynta sanqadh ama hugun weyn. Dh: diryaamid. daryaan: (fal) dareen madaxwareer la moodo in madaxa gudihiisa ha kaa sanqadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq ku joogid: gar ku taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaarid
(Gargaarid-da)
Gargaar siin; taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarid
m.f.dh eeg gargaar². la-mid: gergaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageero u fidin; cid kale, u kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaadid
(Garqaadid-da)
1. Gar niqiddeed gelid oo dad ama cid kale ku kala saarid; garsoorid; garniqid.
2. Hoggaamin; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaadid
m.f.dh eeg garqaad². la-mid: garqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) garsoorid ama dhexdhexaadin; dacwad qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamid
m.f.dh eeg harqaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadid
m.f.dh eeg harraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadid
-da: (magac, dhedig, keli) mid oomman oo harraaday ahaan. Dh: harraadis, asqoobid, oomis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaadid
(Jarmaadid-da)
Arooryo hore socosho; kallihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadid
m.f.dh eeg jarmaad. la-mid: jarmaadis², jermaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadid
-da: (magac, dhedig, keli) milay aroor hore ah, socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaagid
m.dh la-mid: cargaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaamid
m.f.dh eeg marqaan². la-mid: murqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fayaamid oo wax mirqaan ku jira ahaan. Dh: mirqaamid, murqaamid, fayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadid
m.f.dh eeg maryaad². la-mid: maryaad¹, meryaad¹, meryaadid, miryaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraacid
m.f.dh eeg qarraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraafid
m.f.dh eeg qarraf². la-mid: qarraaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo kala fataalid ka shaqayn. Dh: jillaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurwaayid
m.f.dh eeg qurwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarwadhid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl loo maarowaayey oo cid kale loogu cawdo ama ciirsi loo weydiisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walwaalid
(Walwaalid-da)
Wax culus oo laallaada sidid; dandaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwaalid
m.dh la-mid: waldaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax culus oo laallaada sidid. Dh: dandaamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warjaafid
m.dh la-mid: warjeef¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warraabid
-da: (magac, dhedig, keli) muddo dheer isqarin oo isnabid; faltan la'aan dhuumasho; dhaqdhaqaaqid la'aan ku jirid. Qof cabsoonayaa warraabid sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waswaasid
(Waswaasid-da)
Waswaas gelid; shakiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waswaasid
m.f.dh eeg waswaas². la-mid: wiswisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waswaasid
-da: (magac, dhedig, keli) shakiyid. Waswaasidda raggu waa halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarraamid
m.f.dh eeg xarraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarraamid
-da: (magac, dhedig, keli) xamaasad iyo kacaannimo la kurbasho.