arkaajireddoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkaajireddoon
-ka: (magac, lab, keli) dadka wixii jirijiray uun in la daba socda ka hela. Abwaankaasi waa arkaajiredoon. Wa: arkaajiredoonno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkijireddoon
m.l Qof dano gaar ah oo uu hore u heli jiray darteed aan isbeddel cusub oggolayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arkijireddoon
m.l Qof dano gaar ah oo uu hore u heli jiray darteed aan isbeddel cusub oggolayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arkijireyddoon
m. n., [compound] nostalgic person, conservative, someone fond of the past
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arkijireyddoon
de: nostalgic person, conservative, s.o. fond of the past
lx: arkijireyddoon
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: arkijireyddoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markhaatimadoon
-ta: (magac, dhedig, keli) dembi ama waxyeello la geysto oo cid walba u muuqata oon wax marag ah u baahnayn. Inuu ninkaayi iga gardaran yahay waa markhaatimadoon. Dh: maragmadoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'idaddoon
m.l.kh la-mid: faa'iidaddoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraamaddoon
-ka: (magac, lab, keli) midhaha gobka oo la gallajiyey oo dabeed la karshey. Macaanaa ma waraamadoon baa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markhaatimadoonto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg markhaatimadoon.