arbucuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbucuun
arbucuun¹: m.l Quraan ama duco loo akhriyo xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo.
arbucuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo Quraan ama duco u akhrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arbacuun
(fal) xoolo lumay Quraan ama duco u akhri oo Eebbe u bari.
arbacuun -ka: (magac, lab, keli) Quraan ama duco loo akhriyo xoolo lumay, si Eebe dugaagga ama tuugada uga badbaadiyo. Odaygu arbacuun buu samaysanayaa aarankii lumay. Dh: Allabari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbucuunan
f.mg4 (-anaa, -anayd) Wax arbucuun loo akhriyey ahaansho (xoolo lumay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbucuunid
m.f.dh eeg arbucuun². la-mid: arbucuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbucuunis
m.dh la-mid: arbucuunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbucuunaansho
m.l/dh la-mid: arbucuunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbucuunaan
m.f.dh eeg arbucuunan. la-mid: arbucuunaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Arbacarukun
name: name of a mosque in Mogadishu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Arbacarukun
cf: misaajid
de: name of a mosque in Mogadishu
lx: Arbacarukun
ps: name
key: Arbacarukun
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aucun
aucun, adj. - Midna maaha; madkoodna ma...; Eray diidmo ah; Midnaba; Midna maaha; Wax kasta.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ALBUUN
(Album) S Jatropha trifida Chiov. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lucuun
(Lucuun-ka)
Jurmiga wax lee yihiin; wax shakaran ama aan dhexdiisu marnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lucuun
m. n. sphere, circle; hollow, round object
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lucuun
(fal) meel cidhiidhi ah ku cadaadi oo ku qasab galiddeeda. Dh: curduduub.
lucuun -ka: (magac, lab, keli) jurmi iyo dhumuc.
lucuun -ka: (magac, lab, keli) wax duuban oon dhexdiisu madhnayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lucuun
de: sphere, circle; hollow, round object
lx: lucuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: lucuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuun
(Carbuun-ta)
Wax la gadanayo qiimihiisa in kamid ah, oo horay loo sii baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuun
carbuun¹: m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbuun
carbuun¹: m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin. m.f.dh, carbuunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbuun
f. n. deposit, collateral, down payment; reservation
carbuun v. put down a deposit on, reserve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbuun
-ta: (n) deposit (di-paazit); handsel (haand-sal); down payment; stake money, earnest money, caution money ~ rahaamad, booscelis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CARBUUN
Caparra Handsel Waa horay u bixinta qayb ka mid ah qiimaha wax la kala gatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuun
(fal) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa, cudhaadh ka bixi.
carbuun -ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa, qiimihiisii qayb ka mid ah sii horummarin; curaar ka sii bixin. Dh: cudhaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arbushan
Wareersan; rabshaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbushan
arbushan¹: f.mg1 (-shmay, -shantay; -shmi) Wax la arbushay noqosho.
arbushan²: f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la arbushay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arbushan
der. [adjective] annoyed, troubled, bothered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arbushan
(adj) disturbed (dis teer bidhy, bothered; annoyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arbushan
(tilmaame) cid, arrin ama wax kale oo isku dhex yaacsan. Dh: qasan, rabsheysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arbushan
de: annoyed, troubled, bothered
lx: arbushan
pd: (arbushnaa)
ps: adj-der
key: arbushan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraacuud
m.l Baro badan oo isugu jira midabbo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuunan
La carbuunay; carbuun laga baxshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuunan
f.mg4 (-nnaa, -nnayd) Wax carbuun laga bixiyey ahaansho (badeeco).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbuunan
f.mg4 (-nnaa, -nnayd) Wax carbuun laga bixiyey ahaansho (badeeco). m.f.dh, carbuunnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbuunan
der. [adjective] kept on deposit, reserved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbuunan
carbuunnaa / carbuunnayd: (adj) set aside; put aside or saved; reserved (ri-zeervd) ~ rahman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuunan
(tilmaame) shay la iibsaday oo lacagtii lagu iibsaday in ka mid ah la sii haysto oo aan lala kala wareegin; carbuun laga baxshey. Gurigani waa guri carbuunan. Dh: curaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbuunan
de: kept on deposit, reserved
lx: carbuunan
ps: adj-der
key: carbuunan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbaduub
(fal) labadiisa gacmood dhabarkiisa dib ugu laab oo ku xidh si loo ciqaabo.
garbaduub -ka: (magac, lab, keli) qofka labadiisa gacmood oo dhabarka inta dib loogu laabo lagu xidho.