ereyga

aragtida darwin

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aragtida Darwin

DHAN

m.dh (-iyaha ..., m.l) (baayoloji) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aragtida Darwin

DHAN

m.dh (-iyaha ..., m.l) (baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Darwinism

DHAABAN

Aragtida Darwin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aragtida Leewis

DHAFANDHAAF

m.dh (-iyada ..., m.dh) (kiimika) eeg asiidha Lewis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aragtida Leewis

DHAFANDHAAF

m.dh (-iyada ..., m.dh) (kiim.) eeg asiidha Lewis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aragtidheeri

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xirribta iyo fahanka fog ee qof leeyahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aragtila'aan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qofka oo indhaha beela ama gaabiyaan. Odaygu aragtila'aan buu godka ugu dhacay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aragti gaaban

DHAFANDHAAF

(adj) 1. near-sighted (niyar-saaytidh)', myopic (maayoopiya) ~ meel dhow kaliya wax ka arka. 2. stupid (istuupid); lack of intelligence

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aragtida kuwaantam

DHAFANDHAAF

m.dh (-iyada ..., m.dh) (fiisikis) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aragtida kuwaantam

DHAFANDHAAF

m.dh (-iyada ..., m.dh) (fiisikis) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Aragtida kuwaantam

DHAFANDHAAF

Quantum Theory

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Arag-qabatin

DHAFANDHAAF

Adaptive vision

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Aragti Badad

DHAFANDHAAF

Field theory

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aragti-haraa

DHAFANDHAAF

m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (xa) gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (xa), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

aragti dhinac

DHAFANDHAAF

side-view

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Aragtiin isir

DHAFANDHAAF

Factor theorem

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Aragti ishirdi

DHAFANDHAAF

Collision theory

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

ARAGTI KU BIXIN

DHAFANDHAAF
1

Tratta a vista

2

Sight draft, draft at sight

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Aragti ku bixin

DHAFANDHAAF
1

Tratta a vista

2

Sight draft

waa la naqliyay ✓